Halkey ku dambeysay xaaladda gabadhii qabriga laga soo saaray?

.

Xigashada Sawirka, Dr Ravi Khanna

Qoraalka sawirka, Gabadhan yar ayaa isbitaalka la geeyay iyadoo ku jirta xaalad halis ah, balse hadda caafimaadkeedu wuu wanaagsan yahay

Waxaa si buuxda usoo wanaagsanaatay xaaladda caafimaad ee gabar dhicisnimo ku dhalatay, taasoo iyadoo nool laga soo saaray qabri ay ku aasneyd, Waqooyiga dalka Hindiya, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Markii isbitaalka la geynayay bartamihii bishii October, waxay ku jirtay xaalad aad halis u ah, waxaana heystay dhibaatooyin dhinaca neefsashada ah iyo tabaryari aad u daran.

Waxay hadda yeelatay miisaan jireed, habkeeda neefsashaduna wuxuu kusoo laabtay sidii caadiga ahayd, sida uu BBC-da u sheegay dhakhtarkeeda Ravi Khanna.

Waalidiinteeda lama helin ilaa hadda, laakiin waxaa lagu wareejin doonaa cid korsata, marka la gaaro xilliga sharciga uu fasaxayo.

Haddase, waxaa gacanta ku haya mas'uuliyiinta waaxda xannaanada carruurta ee maamulka degmada Bareilly, oo ku taalla gobolka waqooyiga Hindiya dhaca ee Uttar Pradesh.

Waxaa si lama filaan ah u helay nin qabri u qodanayay meydka gabadhiisa oo ka dhimatay iyadoo aan wali dhalanin.

Dadka heysta diinta Hinduuga ayaa intabadan meydadkooda guba, laakiin carruurta yar yar ayey aasaan.

Ninka qabriga ka helay ayaa sheegay in markii uu dhulka hoos u qoday ilaa 90cm (3ft), uu badiilkiisa ku dhacay ashuun ay gabadhan yar ku sii dhex jirtay.

Markii uu jabiyay ashuunkii ayuu maqlay oohinta cunug yar oo halkaas ku jiray.

Markii ugu horreysay waxaa loola cararay isbitaallka dowladda ee maxalliga ah, laakiin labo maalmood ka dib waxaa loo gudbiyay xarunta caafimaad ee Dr Khanna, taasoo si gaar ah loogu daweeyo dadka xaaladahaasoo kale ku jira.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay ahayd ilmo dhicisnimo ku dhashay oo aan dhammeysanin wakhtigii saxda ahaa ee loogu talagalay inay uurka ku jirto.

Waxaa suurtagal ah inay 30 isbuuc ku dhalatay, miisaankeeduna wuxuu ahaa 1.1kg (2.4lb), markii isbitaalka la geynayay.

"Maalintii Talaadada ahayd, markii aan ku wareejineynay maamulka degmada, miisaankeedu wuxuu ahaa 2.57kg [5.66lb]. Way oggoshahay inay masaasad wax ka cabto, haddana caafimaadkeedu si buuxda ayuu u fiican yahay", ayuu yiri Dr Khanna.

Presentational grey line
Dr Ravi Khanna with the baby in his hospital

Xigashada Sawirka, Dr Ravi Khanna

Qoraalka sawirka, Dr Ravi Khanna wuxuu sheegay in gabadhan yar ay hadda aqbaleyso masaasadda ayna si buuxda u caafimaad qabto
Presentational grey line

Lama oga inta uu la egyahay wakhtiga ay gabadha yar ku dhex jirtay qabriga, dhakhaatiirtuna waxay sheegeen inay qiyaasi karaan oo kaliya sida ay ku badbaadday.

Dr Khanna ayaa sheegay in laga yaabo inay aasneyd "saddex ilaa afar maalmood, uuna jirkeeda isticmaalayay hilibka yar ee ay ku dhalatay".

Carruurta waxay ku dhashaan baruur yar oo ku jirta calooshooda, bowdyaha iyo qoorta, waxayna dhakhaatiirta seyniska sheegaan inay ilaa muddo gaaban ku noolaan karaan.

Laakiin khubaro kale oo arrintaas kasoo horjeestay ayaa sheegay in laga yaabo inay halkaas ku aasneyd 2 ilaa saddex saacadood, haddii aan islamarkaas la badbaadin lahayn-na ay geeriyoon lahayd saacad kale ka dib.

Meel uu ka duleelay ashuunka ay ku jirtay ayaa laga yaabaa inay hawo yar uga soo galeysay, taasoo ay suurtagal tahay inay soo dhexmareysay carrada, sida ay sheegeen.

.

Xigashada Sawirka, ANI

Qoraalka sawirka, Sarkaal ka tirsan booliska Hindiya ayaa falka gabadhan iyadoo nool lagu aasay ku tilmaamay mid ka baxsan "bani'aadannimada"

Bishii October, booliska ayaa billaabay howlgal ay ku raadinayeen waalidiintii dhalay gabadhaas, lamana oga cidda ay yihiin.

Waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in waalidiintu ay yihiin kuwii aasay, maadaama aysan wali soo raadinin gabadhooda, iyadoo xitaa sheekadan laga ogaaday caalamka oo dhan.

Inkastoo carruurta la ogaado inay gabdho yihiin marka ay uurka ku jiraan la iska soo xaaqo, haddana kiisaska ku saabsan ilmaha la dilo iyagoo dhashay ka dib ayaan ahayn wax ku cusub waddankaas.