Ilaalinta dhaqanka: Sida Soomaalida ay kuulaha uga sameeyaan lafaha geela

Xigashada Sawirka, Reuters
Farshaxaniiste Soomaali ah oo lagu magacaabo Muuse Maxamuud Olosow ayaa si taxadar leh u kala soocaya lafo geel oo aad u badan, oo laga tuuray kawaanka magaalada Muqdisho, isagoo soo xushay qaybo uu ka sameynayo waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan iyo tusbaxyada.
Muuse oo 55 jir ah, waxa uu u dulqaatay dhibaatooyin si uu u sii noolaado ganacsigiisa. Sannadkii 2006-dii, waxa gacanta ku toogtay wiil la dhashay milkiilaha goobta lafaha geela uu ku kala shaandheesto.
Muuse waa mid ka mid ah afar farsamayaqaan oo Soomaaliya ku nool oo ka shaqeeya lafaha geela. Sannadkii 1978-dii, oo ka mid ah xilliyadii badnaa ee ay Soomaaliya ka jireen dagaallo iyo qalalaase, waxaa Muqdisho iyo magaalooyin kaleba lagu dilay tobannaan farsamo-yaqaanno ah, kuwaasoo ay dileen kooxo hubeysan, ayuu yiri Muuse oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Muddo sanado ah, wuxuu shaqadiisa lafaha si qarsoodi ah uga shaqeynayay guriga, ka dibna wuxuu si qarsoodi ah ugu iib geeyaynayay suuqyada.
Muuse , oo gacmihiisa iyo cududdiisa xoogga badan ay ka muuqato shaqadiisa owgeed, ayaa waxa uu farsamada ka bartay aabihii sannadkii 1976-dii.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxa uu qorsheynayaa in uu hubiyo in dhaqankan tobaneeyada sano jiray uusan lumin ka dib marka uu isaga ka tago.
"Carruurteyda waxay iga dhaxli doonaan xirfadahan aan ka dhaxlay aabbahay, ma doonayo in xirfadahan ay meesha ka baxaan," ayuu yiri isagoo ka hadlayay goobtiisa shaqada ee caasimadda Soomaaliya, oo ay lafo ku hareeraysan yihiin.
Macaamiishiisa ayaa u badan masuuliyiin dawladeed ama maalqabeeno Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa. Mid ka mid ah tusbaxyadiisa sida layaabka leh uu u xardhay ayaa la iibiyaa $50 doolar.
Macmiil soo booqday dukaankiisa ayaa sheegaya in shaqadu ay agabka iyo qiimaha ay isu qalmaan. "Waxa aan doorbidaya ayaa ah tayada ma aha qiimaha. Waxaan tusbaxaan ka door bidayaa tusbaxyada laga keeno wadammada kale sida Shiinaha."
Soomaaliya waxay hoy u tahay geela ugu badan adduunka, waxaana dadku boqolkiiba lixdan dhaqaalahooda ka helaan geela iyo xoolaha kale, sida lagu ogaaday cilmi-baaris ay sameysay dowladda Mareykanka 2019.
Muuse iyo qoyskiisa, shaqada lafaha geela ayaa u ahayd isha ugu weyn ee ay dhaqaalaha ka helaan muddo tobanaan sano ah. Waxay mashiinada ay ku shaqeystaan oo Talyaaniga laga keenay ku maalgeliyeen ku dhawaad $5,000, taas oo u sahashay inay u fududaato shaqada.
Waxa uu haatan ku hamminayaa in uu agabkiisa dibadda u iibgeeyo.
"Qorshahayagu waa in aan dalalka kale u dhoofinno agabkan, waanu sii wadeynaa farsamadan ilaa aan ka taajirayno, Illahay idamkii" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Reuters










