Paul Rusesabagina: Ninkii laga jilay filimka Hollywood-ka oo la ogaaday inuu yahay argagixiso

Paul Rusesabagina at the Nyarugenge Court of Justice in Kigali, Rwanda, on October 2, 2020.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Paul Rusesabagina ayaa inta badan diidi jiray inuu kasoo hor muuqdo maxkamadda

Paul Rusesabagina, oo mar atoore isaga matalay loo magacaabay abaal-marinta Ocsar ee uu ku muteystay filimkii Hotel Rwanda, oo lagu cabirayay ficilladii uu dad naftooda ku badbaadiyay xilligii uu socday xasuuqii Rwanda, ayaa hadda wajahaya xabsi sannado badan ah, kaddib markii lagu helay dambi argagixisannimo ah.

Ku dhawaad 20 sano ka hor waxa uu sheegay in uu yahay nin caadi ah oo goob joog u ahaa xaalado aan caadi ahayn.

67 jirkan ahaan jiray maamulaha hoteel ku yaalla Rwanda ayaa mahad celin ballaaran ku muteystay badbaadinta nolosha 1,000 qof, waqtigii uu socday xasuuqii Rwanda.

Muddo 100 maalmood gudahood ah, oo ka billowday bishii April ee sanadkii 1994-kii, ayaa qiyaastii 800,000 oo ruux, oo badankood ahaa dad kasoo jeeday qowmiyadda Tutsi lagu xasuuqay dalkaas, waxaana dilalkooda fuliyay xag jiriin kasoo jeeday qowmiyadda Hutu.

Sida uu sheegay Rusesabagina, oo isagu ah Hutu balse xaaskiisu ay ahayd Tusti, waxa uu maleyshiyaadka ka dhaadhiciyay in aysan leynin dadkii magangalyada kasoo raadsaday hoteelkii uu maamulayay, oo lagu magacaabi jiray Hotel Mille Collines.

Actor Don Cheadle (L) and Paul Rusesabagina arrive at the "Hotel Rwanda" Premiere during the 55th annual Berlinale International Film Festival on February 11, 2005 in Berlin, Germany.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Don Cheadle (bidix) ayaa filimka ku matalayay Rusesabagina (midig)

Waxaa u suurtagashay in uu adeegsado dadkii uu yaqaanay ee saameynta badan lahaa, kuwaasoo qaarkood ay hoteelkiisa imaan jireen. Intaas waxaa sii dheereyd inuu lacag heystay, taasoo wax ku badbaadin karay.

Mid ka mid ah qoraallo uu taariikhdaas ka sameeyay ayuu ku sheegay in hoteelka ay isku gedaameen "boqollaal maleyshiyaad ah oo heystay fallaaro, baangado iyo qoryo hub ah" waxyar kaddib markii loo sheegay inuu ka baxo dhismaha.

"Hal saac gudaheed waxay ku noqon lahayd goob dil," ayuu yiri. Kaddib waxa uu qaatay telefoonkiisa, waxa uuna la xiriiray saraakiil sar sare oo uu garanayay, kuwaasoo mid ka mid ah uu amar ku bixiyay in weerarkaas la baajiyo.

Mar walba waxa uu ku celcelin jiray inuu isaga sabab u ahaa joojinta xasuuqa ka dhici lahaa hoteelkaas gudihiisa, oo ay ku dhiman lahaayeen ku dhawaad 1,000 ruux.

George W Bush, oo ahaa madaxweynihii Mareykanka, ayaa mar abaalmarin guddoonsiiyay ninkan.

Paul Rusesabagina

Xigashada Sawirka, Getty Images

Rusesabagina oo ka tagay Rwanda sanadkii 1996-kii ayaa muddo ahaa halyey qaran balse ugu dambeyn waxa uu isu baddalay cadowga dowladda kaddib markii uu billaabay inuu cambaareeyo xukuumadda ka jirta Rwanda.

Farriin muuqaal ah oo uu soo diray sanadkii 2018-kii ayuu ku sheegay in la gaaray "waqtigii waddo kasta loo mari lahaa in isbaddal laga sameeyo Rwanda". Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Maadaama lagu guul darreystay dhammaan isku dayadii siyaasadeed, waxaa la joogaa xilligii aan adeegsan lahayn keudkeenna ugu dambeeya".

Marka uu sidaas leeyahay waxa uu ahaa hoggaamiyaha xisbi mucaarad ah oo dibad joog ahaa, kaasoo magaciisa loo soo gaabiyo (MRCD).

Hase yeeshee, garabkooda hubeysan, oo lagu magacaabo Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Qaranka (FLN) ayaa lagu eedeeyay in ay weerarro ka fuliyeen Rwanda horaantii sanadkii 2018-kii.

Dowladda Rwanda, ee uu madaxweynaha ka yahay Paul Kagame, ayaa lagu yaqaannaa in ay gacan bir ah kula dhaqanto dadka mucaaradka ku ah.

Mr Kagame, oo kasoo jeeda Tutsi-ga waxa uu hoggaaminayay xoogaggii soo afjaray xasuuqii Rwanda, kaddibna waxa uu noqday madaxweyne.

Qaar ka mid ah dadka kasoo horjeeda siyaasaddiisa ayaa la dilay, halka qaarkoodna la isku dayay in la dilo, balse dowladdiisu had iyo jeer waxay beenisaa eedeymaha ku saabsan in ay ku lug leedahay ficilladaas.

Rusesabagina waxa uu muddo dheer ka sheeganayay in ay waxyeelleeyaan xubni ka socda dowladda Rwanda.

Sanadkii 2009-kii ayuu ka tagay Belgium oo uu kula noolaa qoyskiisa, waxa uuna u wareegay Mareykanka, kaddib markii dhowr jeer loo dhacay gurigiisa, lagana xaday dukumiintiyo muhiim ahaa.

Noloshiisa waxa ay sare u kacday markii uu filimka Hotel Rwanda soo baxay sanadkii 2005-tii.

In muddo ah ayay ku socotay dacwad ku saabsan eedeymo loogu jeediyay inuu gacan saar la leeyahay kooxda weerarrada fulisay ee FLN.