Waa kuma Mullah Maxamed Xasan Akhund, ninka hoggaamin doono dowladda cusub ee Taliban?

Mullah Maxamed Xasan Akhund

Xigashada Sawirka, Alamy

Ururka Taalibaan ayaa Mullah Maxamed Xasan Akhund u magacaabay inuu hoggaamiyo dowladdooda cusub ee ku -meelgaarka ah, ee Afghanistan, ku dhawaad ​​saddex toddobaad ka dib markii ay kooxdu la wareegtay talada dalka.

Mullah Akhund wuxuu ku jiraa diiwaanka cuna-qabataynta Qaramada Midoobay, wuxuuna ahaa muddo dheer, madaxa Golaha Awoodda badan ee Rehbari Shura ee Taalibaan.

Wuxuu horay u soo noqday wasiirka arrimaha dibedda, ka dibna ra'iisul wasaare ku xigeen ayuu noqday xilligii ugu dambeysay ee ay Talibaan xukumeysay Afghanistan, intii u dhaxeysay 1996-2001.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Kabul Talaadadii, ayuu afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ku sheegay in aasaasaha Taliban, Cabdul Ghani Baradar uu noqon doono ku-xigeenka Mullah Akhund.

Afhayeenka Taalibaan Sabiixullaah Mujaahid oo shir jaraa'id ka hadlaya
Qoraalka sawirka, Afhayeenka Taalibaan Sabiixullaah Mujaahid oo shir jaraa'id ka hadlaya

Mullah Maxamed waxa uu ka mid yahay asaaseyaashii ururka Taalibaan. Sidoo kale, Mullah Cabdisalaan Xanafi, ayaa isna laga dhigay ku xigeenka labaad ee dowladda.

Sida qaar badan oo ka mid ah hoggaanka Taliban, Mullah Akhund wuxuu sharaf ku helay u dhawaanshaha hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ururkaas, Mullah Maxamed Cumar.

Akhund wuxuu ka soo jeedaa Kandahar, oo ah meesha ururka Taalibaan laga soo aasaasay.

Warbixin dhanka cunaqabateynta ah oo ay Qaramada Midoobey soo saartay ayaa ku tilmaamtay inuu yahay "ku -xigeenka iyo la-taliyaha siyaasadda" ee Cumar.

Ka dib markii ugu horreysay ee ay awoodda qabsadeen, 1990-meeyadii, Taalibaan waxay soo bandhigtay oo taageertay ciqaab waafaqsan shareecada Islaamka: waxay meel fagaare ah ku dileen gacan ku dhiiglayaasha, waxaana dad lagu eedeeyay iney sinaysteen. Waxaa sidoo kale gacmaha laga jaray tuugo badan.

Intii uu Taalibaan hoggaaminayey Mullah Maxamed Cumar (oo loo malaynayo inuu dhintay 2013), Taalibaan waxay kaloo mamnuucday daawashada telefishannada, filimada, dhageysiga muusigga, iyo is-qurxinta. Waxay joojiyeen in gabdhaha da'adoodu ay kaweyntahay 10 sano jir ay iskuulka aadaan.

Akhund ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro da'da 60-meeyada, wuxuuna inta badan noloshiisa ku qaatay Afghanistan.