Paul Lokech: Museveni oo sheegay inuu jiray qorshe lagu qarxin rabay aas uu ka qayb galay Sheekh Shariif

.

Xigashada Sawirka, NP

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in koox fallaago ah ay isku dayayeen inay qarax ku weeraraan dadka u baroor diiqayay ku xigeenkii taliyaha booliska dalkaas.

Hadalka Museveni ayaa daba socday xarigga nin naftii hallige ahaa oo lagu qabtay degmada Pader ee ku taalla waqooyiga waddankaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeeddada ay ahayd in la weeraro goobta ay ka dhaceysay munaasabadda aaska Lokech, taasoo ay ka qayb galeen madax sar sare.

Ninka la qabtay waxa uu watay qalab laga sameeyo bambooyinka, sida ay mas'uuliyiinta sheegeen.

Waxyaabaha ninkaas lagu qabtay waxaa ka mid ah garanka la isku qarxiyo iyo qalab kale oo qarxisooyin ah.

.

Xigashada Sawirka, intelligencebriefs

Janaraal Paul Lokech waxa uu ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Uganda, isagoo Soomaaliya kasoo shaqeeyay in muddo ah.

Intii uu Soomaaliya ku sugnaa mar waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee gacanta ku hayay amniga xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Muxuu yiri Mseveni?

Bayaan loo aqriyay dadka ka qayb galay aaska ayuu madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ku shaaciyay warka la xiriira weerarkaas oo uu ku eedeeyay koox fallaago ah oo saldhigeedu yahay dalka Congo.

Waxa uu intaas ku daray in aaska Janaraalka la bartilmaameedsaday maadaama uu dhawaan la socday xariga xubno ka tirsan fallaagada kaddib markii la isku dayay in la khaarijiyo abaan duulihii hore ee ciidamada waddankaas.

.

Xigashada Sawirka, EPA

Mr Museveni waxa uu sheegay in uu wadahadal kula jiro madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo iyo madaxda ciidanka amniga, uuna laha hadlayo arrinta ku saabsan kooxda fallaagada ah oo lala xiriirinayo inay ka dambeyso weerarro dhawaan ka dhacay bariga Congo.

Taliska militariga ayaa sheegay inuu hadda socdo howlgal lagu raadinayo dadka la shaqeynayay ninka damacsanaa in uu is qarxiyo ee lagu qabtay degmada Pader, oo ah meesha uu kasoo jeedo janaraalka geeriyooday, ee la oran jiray Lokech.

Paul Lokech waxa uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay dagaalkii ay ciidamada AMISOM la galeen xoogagga al-Shabaab ee Soomaaliya.

Howlgallo badan oo uu fuliyay kaddib, waxaa Uganda iyo Soomaaliyaba looga naaneysi jiray 2Libaaxii Muqdisho".