Afafka Afrika ee lumay: Sida luuqadda Ingiriiska ay u lumisay luuqadaha dadyowga Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah carruurta ku koray Afrika ee lagu khasbay in ay ku hadlaan luuqadda Ingiriis ayaa haatan wajahaya dhibaato dhanka dhaqanka iyo luuqaddahooyo ah.
Qoyska Khahliso Amahle Myataza ayaa ka soo jeeda xaafadda Soweto ee ee Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo looga hadlo luuqadaha Sotho, Xhosa iyo Zulu.
Waxay awoodaa in ay ku hadasho luuqadahaasi oo dahan, in ay ku hadashana waxay ku xiran tahay hadba qofka ay la hadleyso.
Haseyeeshee markii Khahliso ay billoowday dugsiga hoose, ayaa qoyskeedu wuxuu u guuray xaafad ay deggan yihiin dad caddaan ah oo ku taal isla magaaladaasi Johannesburg.
"Aad baa la iigu jeesjeesi jiray in aanan si fiican u aqoon sida loogu hadlo luuqadda Ingiriiska, iyo ina aanan garanayn sida loogu dhawaaqo erayada qaarkood," ayay tiri Khahliso oo BBC-da la hadashay.
Waxaa jiray carruur kale oo madow ah oo la kulmay xaaladdan oo kale balse carruurtaasi ma aysan is-daneyn iyaga dhexdooda oo midba midka kale ayuu ka cararayay oo ma asyan dooneyn in ay xiriir la yeeshaan carruur kale oo aan aqoon luqaadda Ingiriiska.
"Si aan u barto luuqadda Ingiriisiga, waxaan ku dhex milmay carruur caddaan ahi. Ma doonayn in mar dambe aan wax xiriir ah la yeesho carruurta madowga ahi. Runtii aad bey u adkayd."
Qaanka ay gabnadhan 17-jirka ahi ugu hadasho luuqadda Ingiriiska ayaa mararka qaar noqon kareyso mid lagu soo dhaweysto ama lagu fogeeyo.
"Marka aan hooyaday u raaco maqaayad, oo ay maqlaan iyada oo ku hadlayso luuqadda Xhosa ama Sotho, waxay si durbaba is oranayaan kuwaan uma aysan imaan in ay cunno qaali ah iibsadaan.
"Marka ay maqlaan aniga ama walaalkey oo ku hadlayo luuqada Ingiriisiga, gaar ahaan walaalkay, waxaan aragnaa dadka oo noo soo ordaya."
Mamnuucidda luuqadda Pidgin'
Amaka oo 22-jir reer Nigeria ah oo ka gaabsatay magaceeda dhabta ah, ayaa iyana luuqadda Ingiriisiga ka soo martay marxalad aad u adag.
Luuqadda Ingiriiska ayaa ahayd luqadda kaliya ee loo oggolaaday in ay ku hadasho markii ay yareyd.
Waalidiinteeda oo ka soo jeeda qowmiyadda Igbo ayaa u aaminay luuqadda Ingiriiska si dhab ah, waxayna gabadhooda yar geeyee iskool aad looga daneeyo luuqaddaasi oo ku yaal magaalada Lagos.

Xigashada Sawirka, AFP
Waxay sidoo kale ka xanaaqi jireen marka ay maqlaan iyada oo ku hadleyso luuqadda Pidgin oo si weyn looga isticmaalo dalka Nigeria. Dhankooga, luuqadda Ingiriiska ayaa ka ahayd midda kaliya ee mudan in lagu hadlo.
Amaka dhib uma aysan arki jirin in aysan aad ugu hadli akrin luuqaddeeda hooyo ee Igbo ilaa iyo inta ay 15 sano ka soo gaareysay, xilligaasi oo ay dhibaato kala kulantay. Waxaa loo geeyay ayeydeed aabo balse isma aysan luuqad fahmi karayn.
"Taasi ayaa ahayd markii iigu horreysay ee aan ogaaday in arrintani ay tahay dhibaato dhab ah oo aan wajahayo.'"
Khahliso waxay iyadu haatan sheegeysaa in luuqaddeeda hooyo aysan aad u aqoon oo aysan ku hadli karin luuqadaha Sotho iyo Xhosa.
Ma awoodo in ay si toos ah ugu hadasho luuqadahaasi iyada oo aan ku soo darin ereyo badan oo Ingiriis ah, waxayna haatan u aragtaa luuqadda Ingiriisiga in ay tahay mid gumeysi ah.
Khahliso waxay rumeysan tahay in carruur badan oo Afrikaan ah oo la dhaqan dooriyay ay dhibaato la kulmayaan.
Amaka waxay haatan qaadataa casharro luuqaddeeda hooyo ee Igbo, si ay u barato dhaqankeeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraaga reer Kenya ee Ngũgĩ wa Thiong'o ayaa horey uga hadlay waxa uu ku tilmaamay macluusha xagga luqadda ah ee ka dhex jirta bulshooyinka Afrikaanka ahi - arrintaa oo uu sheegay in ay ka dhalatay qiimo u yeelidda afafka qalaad.
In kasta oo qiyaastii 2,000 oo luuqadood looga hadlo guud ahaan qaaradda Afrika, haddana waxaa jira in luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiis - luuqadaha waddammadii gumeystay inta badan Afrika - loo arko in ay yihiin kuwa guusha lagu gaaro, taasina ay keentay in dadka qaar ay iska daayaan luuqadahooda hooyo.
'Carruurta caqliga badan oo keliya ayaa ku hadla luuqadda Ingiriisiga'
Sida uu sheegaya Ronald oo ah macallin wax ka dhiga dugsi sare oo ku yaal dhulka miyiga ah ee dalka Ghana, dalkaasi oo sida Koonfur Afrika iyo Nigeria oo kale uu gumeysan jiray Ingiriiska, waxaa aad ugu badan in la xiiseeyo isla markaana lo koryeelo luuqadda Ingiriisiga.
"Waxaa jirta aragti khaldan oo ah in carruurta caqliga lihi ay yihiin kuwa ku hadla luuqadda Ingiriisiga. Xitaa waalidiinta aan waligood iskool gelin waxay isku dayaan in ay carruurtooda ku khasbaan in ay sidoo kale si fiican u bartaan luuqadda Ingiriisiga.
Wuxuuse ku doodayaa in ardayda qaarkood ay si fiican waxbarashadooda uga meel keeni lahaayeen haddii qaar ka mid ah buugaagta wax lagu barto iyo luuqadda wax lagu baro ay ku jiri lahaayeen afkooda hooyo - taasina, ay ka hortagi lahayd in carruur badan ay ka saaqidaan waxbarashada.
Khahliso waxay haatan leedahay "haddii wakhtigeyga dib loo celin lahaa, waxaan qaab kale u u wajihi lahaa barashada luqaddeyda hooyo si ka duwan sida aan haatan ahay".











