Muxuu Turkigu u daneynayaa ilaalinta garoonka diyaaradaha ee Kaabuul?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa hubaal noqotay in dalabkii Turkiga ee ahaa in la ilaaliyo garoonka Caalamiga ah ee Hamid Karzai ee caasimada Afghanistan, Kabul, uu socdo hirgelintiisa ka dib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay, dhowr jeer, in dalkiisu damacsan yahay inuu qaato masuuliyado marka ciidammada NATO ee Mareykanka iyo kuwa Yurub ay ka baxaan dalkaas marka la gaaro bisha Sebtember ee sanadkan.
Dhanka kale, kooxda Taalibaan, ayaa bayaan ay soo saartay kaga soo horjeesatay talaabada Turkiga iyadoo bayaanka lagu yiri waa mid "foolxun oo taxaddar la'aan iyo xadgudub ku ah madaxbanaanideena iyo midnimada dhulkeena kana soo horjeedda danaheenna qaran."
Warka ka soo baxay Taalibaan ayaa ah fariin digniin toos ah oo ay u dirayaan Ankara: "Innaga ayaa halkaan ka talinna, " ayay sidoo kale qoraalka ku yiraahdeen.
Balse weli wax faahfaahin ah oo si quman u turxaanbixinaya lagama hayo heshiiska ay ka wada hadlayaan Turkiga iyo Mareykanku.
Dowladda Turkiga ayaa rumeysan in dhibaato kasta oo ka timaadda Daalibaan lagu xallin karo wadahadal, shaqada ugu weyn ee Turkigana ay noqon doonto oo keliya sugidda amniga garoonka diyaaradaha iyo in aan laga hor imaan ama lala dagaallamin Taalibaan. Turkigu ayaa u muuqda mid ka gows haysta xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay dhinacyada saameynta ku leh Taalibaan, sida Pakistan iyo Qatar.
Madaxweyne Erdogan ayaa la tilmaamayaa inuu ubaahanyahay inuu helo "taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo mid saadba" si uu u qabto howshan.
Warar kale ayaa sheegay in codsiga Turkiga ee taageerada sirdoonka Mareykanka uu sidoo kale ka mid ahaa qodobbada laga wada hadlay, balse aan laga gaarin heshiis rasmi ah.
Wakhtigaan la joogo, howsha Turkiga waxay ku egtahay maareynta qeybta militariga ee garoonka, maaddaama garoonkan uu muhiim u yahay isku xirka dalka iyo dunida kale. Wakhtigan waxaa dalka ku sugan in ka badan 500 oo askari oo Turki ah oo qeyb ka ah howlgalka NATO.

Xigashada Sawirka, Reuters
Faa'iido ama Khatar
Marka lagu daro waddooyinka waaweyn iyo jidadka tareennada ee isku xira Afghanistan iyo dalalka deriska la ah ee Pakistan, Iran, Turkmenistan, Uzbekistan, Tajikistan iyo Shiinaha, Afghanistan waxay ku xiraantahay caalamka kale iyadoo loo marayo garoonka diyaaradaha ee Xamid Karzai, kaas oo hubiya imaatinka joogtada ah iyo howlgalka safaaradaha shisheeye iyo diblomaasiyiinta sidaasi waxaa BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan nabadsugida Turkiga.
Sarkaalka ayaa sheegay in Turkiga uu sidoo kale maalgashiyo iyo iskuulo ku leeyahay dalka iyada oo loo marayo Wakaalada Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga (TIKA), sarkaalka ayaa sheegay in iyadoo la tixraacayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Afghanistan, ay muhiim tahay in Turkiga uu sidoo kale door ka ciyaaro horumarinta qaab dhismeedka bulshada.

Balse haddii ay dhacdo in la weeraro garoonka diyaaradaha, Turkigu wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu qabto shaqada ugu weyn oo ah sugidda amniga garoonka.
Si looga fogaado xaaladdan oo kale, Ankara waxay dooneysaa inay la xiriirto dhaqdhaqaaqa Taalibaan, oo u muuqda inay kusii jeedaan qabsashada deegaanno iyo magaalooyin badan maalmihii la soo dhaafay, taas oo ka dhigaysa howlgalka Turkiga mid aad muhiim u ah.
Khataro noocee ah ayaa sugaya Turkiga?
Can Kutlu Atak, oo ah barafasoor xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Mersin ee dalka Turkiga, ayaa u sheegay idaacadda BBC-da laanteeda af-Turkiga in haddii ay wax walba si hagaagsan u dhacaan oo Turkigu heshiis la galo Mareykanka si uu hawsha u qabto uu wajihi karo laba arimood. Midda hore waa sii wadista howlaha saadka ee garoonka diyaaradaha Hamid Karzai, tan kalena waa wareejinta ergooyinka diblomaasiyadeed ee garoonka diyaaradaha iyo dib u celinta.
"Garoonka Karzai waxaa lala beegsaday madaafiic mararka qaar ," ayuu yiri Atak. Sababta oo ah garoonka diyaaradaha juquraafi ahaan, suurtagalnimada weerarro inta lagu guda jiro soo degitaanka ama duulimaadyada diyaaradaha waa mid aad u sarreeya.
Tusaale ahaan, marka la eego hubinta habsami u socodka howlaha iyo arrimaha la xiriira duulimaadyada, waxaa jira waxyaabo ay tahay in laga fakaro sida sidee loo bixin doonaa saanado milatari, koronto, biyo iyo cunto? Sidee loo sugi doonaa amniga iyo baahiyaha maalinlaha ah ee 500 oo askari haddii Taalibaan ay hareereeyaan garoonka diyaaradaha? Taa ka sokow, waxaa jiri doona baahi degdeg ah oo loo qabo kaabayaasha amniga ee ku saabsan sida loo ilaaliyo loona furo waddooyinka u dhexeeya garoonka diyaaradaha iyo xarunta dhexe ee xafiisyada diblomaasiyadeed.
Saraakiil la hadashay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Associated Press ayaa sheegay in ku dhowaad 650 askari oo Mareykan ah lafilayo inay kusii nagaadaan Afghanistan si ay u xaqiijiyaan amaanka diblomaasiyiinta kadib bixitaanka.
Asadullah Oguz, la taliyihii hore ee gaashaan buurta NATO ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha uu ku yaallo bartamaha caasimada amaankiisana aan la sugi karin ilaa amaanka caasimada Kabul oo dhan la damaanad qaado.
"Afghanistan way ka duwan tahay wadamada kale ee askarta Turkigu joogto, shaqadan oo aan la helin wax taageero ahna waxay qatar ku noqon kartaa Turkiga" ayuu yiri Mr Oguz.

Sida laga soo xigtay Oguz, dhibaatada kale ee khatarta ku noqon karta Turkiga waa iskaashiga ay Pakistan kala yeelato howshan, oo ah wadan ay reer Afqaanistaan neceb weyn u hayaan maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin in Pakistan ay gacansiinaysoo dhaqdhaqaaqa Taalibaan oo ay ka dhigeyso il qalalaase oo dalka ka jirta.
Inkasta oo Taalibaan joojiyeen weeraradii ay ku hayeen ciidamada reer Galbeedka, haddana waxay sii wadaan weerarada ay la beegsanayaan dowladda Afghanistan iyo hay'adaha amniga.
Sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray sirdoonka Mareykanka, oo lagu daabacay wargeysyada bishii la soo dhaafay, dowladda Afghanistan ayaa laga yaabaa inay gebi ahaanba burburto lix bilood ka dib bixitaanka ciidamada NATO.
Toddobaadkii la soo dhaafay, in ka badan 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada Afghanistan ayaa u qaxay dalka ay deriska yihiin ee Tajikistan ka dib markii ay isku dhaceen Taalibaan.
Sohail Shaheen, oo ah afhayeen u hadlay Ururka Taalibaan ayaa sheegay in dhamaan askarta ajaanibta ah ee kusii nagaada dalka wixii ka dambeeya bisha Sebtember ee soo socota in loo arki doono inay yihiin kuwa soo duulay oo ay la dagaalami doonaan, halka diblomaasiyiinta, NGO-yada iyo dadka kale ee rayidka ah ee ajaanibta ah aan la bartilmaameedsan doonin isla markaana aysan u baahnayn ilaalin.
"Dhammaan ciidamada shisheeye, qandaraaslayaasha, la taliyayaasha iyo tababarayaashu waa inay ka baxaan dalka maxaa yeelay waxay ka mid ahaayeen xoogaggii dalka qabsaday. Joogitaanka askarta shisheeye waa xadgudub aan ka jawaabi doonno, balse ku saleysan go'aannada hoggaankeenna." ayuu yiri afhayeenka Taalibaan.

Xigashada Sawirka, AFP
Mr Oguz ayaa ku tilmaamay bayaankan inuu yahay digniin cad oo loo jeedinayo Turkiga, wuxuuna yiri: "Inkasta oo Turkigu aanu ka qayb galin hawlgalada dhabta ah ee dagaalka Afghanistan isla markaana uu xiriir joogto ah la lahaa Taalibaan iyo ururada kale, joogitaankiisa waddanka waxay ka dhigan tahay inuu ka mid yahay dhinacyada dagaalamaya, marka wuxuu bartilmaameed u noqon karaa Taaliban."
Yaa waydiistay Turkiga inuu ilaaliyo garoonka Kabuul?
Dabayaaqadii sanadkii 2014-kii , waxaa dhammaaday howgalkii Ciidamada Caalamiga ee Kaalmada Amniga (ISAF), oo laga billaabay Afgaanistaan sanadkii 2002-dii, waxaana la go'aamiyay in Afghanistan ay la wareegto mas'uuliyadda amniga heer qaran laga billaabo billowga sanadkii 2015-kii, balse waxaa suura gal ah in aysan la wareegin amniga garoomada diyaaradaha sababo la xiriira awood la'aan iyo shaqaale tababaran oo aan dalka joogin darteed.
Sidaa darteed, Turkigu wuxuu ka howlgalay qaybta militariga ee garoonka diyaaradaha Hamid Karzai. Marka la eego khibrada uu u leeyahay arimahan iyo xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay wadamada gobolka ee saameeya dhammaan dhinacyada Afghanistan, ayaa fikradda ah in Turkigu howshan qabto loo soo bandhigay.
Ammaanka garoonka diyaaradaha waxaa si weyn u sugaya Mareykanka illaa iyo hadda, balse ka dib markii howlgalka NATO ee Afgaanistaan la soo afjaray, waxaa muhiim noqotay in garoonka diyaaradaha uu si nabad ah ugu sii shaqeeyo howlaha sii socda ee ergooyinka diblomaasiyadeed iyo ururada gargaarka caalamiga ah ee ka howlgala Afghanistan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha oo deris la ah Afghanistaan
Shir Jaraa'id oo uu qabtay ka dib shirkii NATO ee 14-kii Juun, Erdogan wuxuu sheegay inay sidoo kale codsadeen taageerada Pakistan iyo Hungary iyadoo la raacayo qaab dhismeedka kooxda wada-xaajoodka ee Mareykanka iyo NATO.
Waxaa la sheegay in Turkiga uu sidoo kale la shaqeyn doono Shiinaha,oo ah dal xiriir la lahaa welina xiriir toos ah la leh dowladda Afghanistan iyo Daalibaan, isla markaana heshiisyo badan oo kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta ah la galay dowladda Afgaanistaan, in kasta oo ficil ahaan dib loogu dhigay sababo la xiriira xaaladda amaan ee dalka darteed.
Dhinaca kale, Shiinuhu wuxuu heshiis farsamo la galay Daalibaan, kaas oo ku saabsan in xubnaha "Xisbiga Islaamiga ah ee Turkistaanta oo ay u arkaan inuu yahay laan ka tirsan Al-Qaacida, aan loo oggolaan iinuu ka ka howlgalo Afghanistan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Shiinaha ayaa daabacdaytoddobaadkii la soo dhaafay in afhayeenka Daalibaan, Suhail Shaheen, uu yiri: "Waxaan u tixgelinaynaa Shiinaha waddan saaxiib nala ah, waxayna ka filaynaa inuu fuliyo ballanqaadyadiisii ahaa inuu billaabayo maalgashiga Afghanistan sida ugu dhaqsaha badan."
Sida laga soo xigtay warbaahinta Shiinaha, Daliban ayaa wacad ku martay "in aysan u oggolaan doonin Muslimiinta Uyghur ee dalka Turkiga ku sugan kana yimid Xinjiang in ay u guuraan Afghanistan sidoo kalana aysan aqbali doonin in al-Qaacida iyo kooxaha kale ay fuliyaan wax dhaqdhaqaaq ah oo ka dhan ah Shiinaha."










