Iran: Dal dadkiisa guurdoonka ah u furay adeeg ka caawiya shukaansiga

Adeegga Xamdaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Adeegga Xamdaan

Iran ayaa shaaca ka qaaday adeeg cusub oo looga golleeyahay in dadka dalkaas uu ka caawiyo shukaansiga si loogu guuleysto sare u qaadidda guurka dadweynaha gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran.

Iran waxaa sare uu kacay kiisaska la xiriira furriinka halka ay hoos u dhaceen tirada carruurta dhalaneysa.

Adeeggan oo lagu macagaabo 'Xamdaan' oo luqadda Iran oo loogala jeedo kii 'Kulmiye' waxaa aasaasay laanta Kacaanka Iran u qaabilsan baahita dacaayadaha dowladda.

Wuxuu adeegga ku shaqeeyaa garaad macmal ah oo isku raadinayo lamanayaasha guurdoonka ah ee doonaya inay aqal galaan balse wuxuu ku xiraya sharddiga ah in hal xaas ay ku guursan karaan adeeggaas.

Adeegyada qaabilsan haasaawaha ayaa ku badan Iran balse midkan waxaa si rasmi ah u sharciyeysay dowladda.

Sida laga soo xigtay bogga Xamdaan, dadka guurdoonka ah marka waxay xaqiijinayaan heebtooda iyo halka ay kasoo jeedaan, wuxuu adeegga marsiinayaa imtixaam dhanka cilmu nafsiga ah ka hor inta aysan qof ay guursadaan ka dhex raadsanin barnaamijkaas.

Marka uu adeeggan oo isku keeno dadkii wada aqalgeli lahaa, "Waxaa wadajir ah laisku bari labada qoys iyadoo uu wehliyo la taliye arrimaha guurka oo matalaya adeeggan kaas muddo 4 sano ah dusha kala socon doono xaaladda guurkooda"

Madaxa macadka ee arrimaha dhaqanka ee Abyan ee sameeyay Xamdaan ayaa sheegay in adeeggan uu horseedi karo sameynta qoysas wanaagsan oo isku kalsoon xilli mabaadii'da arrimaha qoyska Iran uu soo wajahay halista ka imaaneyso 'Sheydaanka' iyo 'cadowga Iran'

Sida laga soo xigtay tirakoob ay soo bandhigtay laanta diiwaangelinta dowladda, ku dhawaad in Iran laga diiwaangeliyay kiisaska furriinka oo gaaraya 99,600 halka tirada dadka wada aqalgalay ay gaarayaan 307,300 intii u dhexeeysay bishii March iyo December 2020.

Sanadkii 2008, siddeedii qof ee is guursata hal midkood ayaa kala tegi jiray.

Barbardhiga tirada bulshooyinka Iran iyo UK
Qoraalka sawirka, Barbardhiga tirada bulshooyinka Iran iyo UK

Tirada shacabka Iran ayaa hoos u dhacday boqolkiiba 1.29 sanadkii 2020.

Kala bar bulshada Iran waxay da'dooda ka yar tahay 35 balse dowladda waxay dowladda ka digtay in sanadaha soo socda ay Iran ay kamid noqon doonto mid kamid ah dalalka ugu badan ay ku nool yihiin dadka da'da ah.

Bishii March, baarlamaanka Iran wuxuu meel mariyay hindise sharciyeedka dowladda faraya in taakuulo dhaqaale ay siiso dadka guursanaya iyo lamanayaasha heysta wixii ka badan labo carruur ah, inkasta uusan sharcigaas ansixin golaha sare ee Shuurada Iran.

Sanadkii lasoo dhaafay Iran waxay xaddiday isticmaalka dawada kala fogeyso carruurta oo laga heli jiray cisbitaallada dowladda balse waxaa loo ogolyahay oo kali ah dumarka ay soo wajahday dhibaato dhanka caafimaadka.