Dumarka Iran: "Waa caadi in ninka uu xaaskiisa garaaco"

Xigashada Sawirka, AFP
Codka Maryam waxa laga dareemi karay xanuun markii ay ka waramaysay qaabkii uu ninkeeda u wareeray iyadoo ku sugan dad badan dhaxdooda.
"Falcelinta dadka ayaa ahayd in ay caadi tahay in haweeney uu ninkeeda garaaco. Ma jiro sharci, ma jiro guri amaan ah, xita booliska wax sidaas u sii buuran ma sameyn karaan. Qoysaska qaar way qariyaan oo waxay yirahdaan waa arrin anaga noo gaar ah.
Way adagtay in sheekadeeda camal laga maqlo dalkii ay u dhalatay ee Iran, balse tan iyo markii la hagaajiyay barnaamijka casriga ah ee codadka lagu baahiyo, waxaa soo ifbaxay haween badan oo iyada la mid ah, diyaarna u ah in ay ka hadlaan xadgudubyadii loo geystay.
Maryam (ma'aha magaceeda saxda ah) waxay dumarka kale ku dhiiragelisaa in ay isticmaasho bartaas oo ay ku soo bandhigaan dhibaatooyinkii ay la kulmeen si ay uga hortagaan dhaqanka diidaya in dumarka ay dhibkooda sheegtaan.
Waxay uga sheekeysaa arrimo ay ka mid yihin sidii boqoradii Iraniyada ahayd ee is difaacday.
Arrimo qoys
Maryam oo 34 sano jir ah, waxay is barteen sayigeeda iyadoo jaamacad dhiganeeysay oo ay ka baraneysay Cilmu-nafsiga carruurta.
Waxay waalidinteeda uu sheegtay in ay guursaneyso ninka ay jeclaatay oo markaas ay u haysatay in uu yahay mid firfircon oo u dooda xaquuqda shaqaalaha.
Maalmo ka dib aqal galkooda, waxay dareentay in ay wax qaldanyihin. Marka ay ka hadleysay barnaamijka ay dumarka ku kulmaan, waxay dhacdadaas ku micneysay "diidmada ah in ay aqbasho guul daro", madaama si kalsooni leh ay u dooratay sayigeed taas oo ku kaliftay in aysan caawinaad ka dalbanin waalidiinteeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images / Maria Ponomariova

Waddo cad oo muuqada
Waxay u dulqaadatay xadgudub loo geystay maskixiyan iyo jir dil, waxaana laga dhaadhiciyay in ay iyada leedahay sababta oo dhan.
''Iran, hablaha waxay marka la soo guursado guriga la yimaadaan iyagoo xiran maro cad, waxayna ka baxaan iyagoo xiran maro cad''.
Maryam waxay sheegtay in aqbalidda dhaqanka dalkaasi ay ku kaliftay in aysan si degdeg ah u dalban furriin.
Shacabka Iraan waa dad ay adagtahay in la fahmo dhaqankooda, wax walbo oo qoysaska ka dhax dhacana waa arrin gaar ah. Taasna waxay keentay in dumarka ay u dul qaataan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ee guryaha ka dhaca.

Xigashada Sawirka, Olha Khorimarko/GETTY IMAGES

Ugu dambeyn Maryam waxay go'aansatay in ay iska tagto, ka dib markii isbitaalka loo seexiyay nabar uu ku dhuftay ninkeeda. Waxay sheegtay in ay su'allo badan isweydiisay iyadoo xaalad adag ku jirtay. "Maxaan halkan u jooga, maxay waxan igu dhacayaan?"
Todobaadyo ka dib, isbitaalka ayaa laga saaray, waxayna dalbatay furriin. Nasiib wanaag waalidkeed ayaa garab istaagay, balse dhamaan dhibanaaysha sidaasi uma nasiib badna.
Barnaamij walbo, Maryam waxa ku weheliya dumar la soo kulmay xadgudubyo ay u geysteen rag qoysaskooda ka tirsan.
Sharciga cusub?
Iyadoo barnaamijyadan lagaga hadlo bartaas, hadana waxaan ka marneyn ka hadalka sharciga dalkaas ee an caawineynin dumarka la kulmay xadgudubyada guryaha ka dhex dhaca.
16 sano ka hor, warbixin laga sameeyay arrintan waxa lagu ogaaday in seddax meelood laba-meel oo dumarka Iran ah ay la kulmeen xadgudub, ugu yaraan hal mar noolashooda.
Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay 2013-kii ku sheegtay in "dumarka Iran ay sharciga kala kulmaan takoor marka ay timaado, furiin, dhaxal, sharciga dalka, haysashada ilmaha iyo safarada caalamiga ah".
Gabar yar oo uu dilay aabeheed, ayaa ku kaliftay in madaxweyne Ruxaani uu ku dhawaaqo in isbedal iyo dib u habeen lagu sameeyo sharciga difaacaya xaquuqda haweenka.
Sharcigaas oo hadda 10 sano laga joogo tan iyo markii la qoray, waxa ansixin doono barlamaanka.
Wuxuu dambi ka dhigi doona, jirdilka loo geeysto haweenka, markii ugu horeysayna waxa la ciqaabi doona qofkii qof dumar ah ku dhibaateeya meel fagaaro ah ama baraha bulshada.
5 sano ka dib guurkeedii burburay, Maryam waxay sheegtay in farxad ay hadda haysato mid la mid ah in aysan waligeed arkin. Barnaamijkaas ay qabato ka sakow waxay niyad dejin u sameysaa dadka ku jira dhibaatooyinka oo u badan dumar.
Waxay rajeyneysa in dadka oo hela xoriyad ay ku hadlan in ay ka caawin doonta in la joojiyo dhaqankan taageeraya qofka wax dhibaateynayo.












