Bill & Melinda Gates: Lamaanihii taajiriinta ahaa ee kala tagay maxaa xal u ah hay'addooda samafalka?

Melinda iyo Bill Gates

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hay'adda samafalka ee Gates Foundation ayaa soo bandhigtay qorshayaal lagu sii wadaayo hay'adda haddii ay timaado in ay wada shaqayn kari waayan lammaanaha aasaasay oo hadda is furay.

Heshiiska ayaa siinaya Bill iyo Melinda Gates labo sano oo tijaabo ah, wixii intaas ka dambeeya Melinda Gates ayaa iska casili doonta hay'adda.

Heshiiska waxaa lagu sheegay in Melinda Gates ay sidoo kale seygeedii hore ka heli doonto wixii caawimaad ah oo lagu xoojinayo shaqadeeda samafalka ah.

Melinda Gates waxay sheegtay in ay "si weyn ugu faraxsantahay" waxa u qabsoomay hay'adda ay sida wada jirka u aasaaseen.

Heshiiska ayaa yimid ka dib markii su'aallo laga keenay mustaqbalka hay'adda ka dib markii ay lamaanaha ku dhawaaqeen in ay nolosha ku kala tagayaan, bishii May.

Bilyaneerrada ayaa maamula hay'adda samafalka, oo muddo dheer ka shaqaynaysay dadaallada lagula dagaalamayo cudurrada faafa.

Qoraalka Muuqaalka, .

Melinda Gates waxay sii ahaan doontaa xubin ka mid ah hay'adda inta lagu jiro "muddada tijaabada". Barteeda Internet-ka waxaa Arbacadii lagu shaaciyey in hay'adda ay qori doonto wakiillo cusub oo kormeera shaqadooda.

Madaxa fulinta Mark Suzman, ayaa sheegay in dadka ku guuleysta lagu dhawaaqi doono bisha Janaayo ee sannadka soo socda.

Wuxuu intaas ku daray in wixii lacag ah ee ay hesho Melinda Gates, haddii ay is casisho in ay "gabi ahaanba ka duwanaan doonto dhaqaalihii ay horay ka heli jirtay hay'adda".

Ku dhawaaqista ayaa sidoo kale daba socotaa ka dib markii bilyaneerka maal-gashiga weyn geliyay hay'addah ee Warren Buffett, uu go'aansaday in uu ka noqday ka sii mid ahaanshaha guddiga.

Mr Buffett ayaa ah aasaasaha Giving Pledge, Bill iyo Melinda Gates, ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hay'addaas, oo u ololaysa arrimaha samafalka.

Qoraal loo diray shaqaalaha hay'adda Gates Foundation maalintii Talaadada, ayaa lagu sheegay in lammaanaha ay ugu deeqi doonaan $ 15bn (£ 10.9bn) oo hantidooda ah hay'adda.