Magaalada Hargeysa: Waayaha ku xeeran rejada 'Maayarnimo' ee Cabdikariin Axmed Mooge

.

Xigashada Sawirka, Bogga Cabdikariin Mooge

Qoraalka sawirka, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in uu u sharraxn yahay booska maayarka Hargeysa.
    • Author, Abdirahman Dhimbil
    • Role, Journalist

Maalmo badan oo shacabka magaalada Hargeysa ay dhalleecayn joogto maamulka u marinayeen baraha bulshada ayaa u muuqda kuwo soo dhammaanaya, waa haddii uusan xaalku noqon 'kud ka guur oo qanjo u guur'.

Toddobaadkii la soo dhaafay, doorashadii isku sidkanayd ee ka dhacday Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland; keliya ma ahayn dhammaadka goleyaal muddo dhaafay, ee dhanka kalena waxa ay ahaayd waddo ay dad badan u arkayeen mid isbdeddel.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Faysal Cali waraabe, oo ka hadlayey fagaare, doorashada ka hor wuxuuba ku qeexay doorashadan 'beddelidda goleyaashii ugu muddada dheeraa, sida oo kalena ugu waxqabadka yaraa ee soo mara' Somaliland.

Doorashada Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Somaliland ayaa marar badan dib u dhacday, taas oo keentay in in ka badan 15 sano ay xubnaha kuraasta ku fadhiyaan.

Shacab badan oo reer Hargeysa ah ayaa indhaha ku haya sida ay wax u qaban doonaan xubnaha golaha deegaanka iyo cidda hoggaan u noqon doonta oo uu durba bilawday loollanka loogu jira booskaasi.

Waxaan illaa iyo hadda muuqdo in tartanka maayarka magaladaasi u dhaxeeyo saddex nin - Cabdiraxmaan Solteeko oo ahaa maayarka xilka weli haya, Cabdikariin Axmed Mooge iyo Siciid Cabdisamed Cudhay oo ka kala sharraxan Kulmiye, Waddani iyo Ucid, sida ay u kala horreeyaan.

Waxaana illaa iyo hadda ugu cad cad Cabdikariin Axmed Mooge, kolka loo eego sababahan.

.

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland

Qoraalka sawirka, Tirada codadka uu helay Cabdikariin Axmed Mooge ayaa kor u dhaafaysa 26 kun oo cod

Codkii uu ku soo baxay

Ka musharrax ahaan, kolka codka aad heshay in ka badan saddex laab ka badan yahay codka uu helay qofka kugu soo xigaa, waa farriin dadban oo kuu sheegaysa in aad si uun uga duwan tahay xertii kale ee kula tartantay, sida ay qabaan dadka arrimahan u dhuundaloola.

Ka duwanaanshahaas wuu ka muuqdaa Cabdikariin Axmed Mooge, oo tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijadii codadka oo laba jeer uu hadlay ku cel celiyey 'in la ixtiraamo doonista shacabka', oo dabcan uu ula jeedo codka badan ee uu ku soo baxay in ha loo dhug yeesho.

"Waxaad dirteen farriin dadban oo ah qofka aad rabtaan in uu maayar idiin noqdo, anna maanta laga bilaabo waxaan gelayaa dedaalkeeda," ayuu yiri Cabdikariin.

"Codkaa aad i siiseenna waa farriin aad u dirteen madaxda qaranka. Waxaanan rajeynayaa in ay qaddarin doonaan rabitaanka shacabka," ayuu ka dhex yidhi khudbaddii ugu horreysay ee uu jeediyay markii uu golaha ku guulaystay.

Codka uu helay ayaa gaaraya 26,299, halka musharraxa xisbi ahaan ku soo xigay uu helay 5,412 oo shan laab ka yar inta uu helay Cabdikariin, halka musharraxa cod ahaan ugu soo xigay oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiyana uu helay 8,992.

.

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Muuse ayaa madaxtooyada ku qaabbilay Cabdikariin Mooge

La kulankii madaxweyne Muuse Biixi

Kolka la joogo Afrika, jaangooyaha ugu mudan ee sida wax u dhacaan waa madaxweynaha, waana sababta hawlaha aanay raalliga ka ahayn madaxda Afrika ay adag tahay in dalalkooda ay uga dhacaan.

In kastoo beesha caalamka iyo guud ahaan mucaaradka ammaaneen habkii doorashadu ay mid madax bannaan u ahayd, oo aan lahayn wax faragelin ah, haddana doorashada Maayarka caasimadda waa wax saamayn ay ku leeyihiin madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda.

Si gaar ah qofka taageero ka hela madaxweynaha waxa ay u noqon kartaa tallaabo uu dheer yahay musharrixiinta kale ee la tartamaysa.

Dad badan ayaa markii hore u arkeyey in caqabadda ugu weyn ee Cabdikariin wejahi doonaa ay tahay in uusan ka soo bixin xisbiga talada hayey - Kulmiye.

Maalintii arbacada waxaa madaxtooyada ku kulmay Cabdikariin Axmed Mooge iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulankaas, oo war-saxafaadeedkii ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynuhu ajiibay baaq uga yimi Cabdikariin.

Waxaa kulankaas madaxweynaha uu ka sheegay, "in xaqiisa uu la baadi dooni doono".

"Adeer, codkaagii sahlo muu ahayn, nin waxaagii ma diidi karo. Codkiinnii iyo miisaankiinna xisbi iyo sharci midna ma diidi karo," ayuu ka yidhi Muuse Biixi, kulankaas.

Aqlabiyadda iyo isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ah

Magaalada Hargeysa waxay saddexda xisbi u kala haleen, UCID oo helay afar, KULMIYE oo helay lix iyo Xisbiga WADDANI oo helay toddoba.

Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa tiro ahaan ka kooban 17 xubnood.

Xisbiyada Waddani iyo Ucid oo ah xisbiyada mucaaradka ayaa ku heshiiyey, Isniintii la soo dhaafay, in ay sameystaan "isbahaysi siyaasadeed oo mucaaradka ah ee Hoggaaminta golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka".

Taas oo ka dhigan in xubnaha ka soo baxay Hargeysa ee golaha deegaanka ay wadar ahaan yeelanayaan, 11 xubnood oo noqonaysa aqlabiyaddii golahaas.

Cabdikariin Axmed Mooge na, maaddaama uu ka soo baxay xisbi mucaarad ah, waa mid ka mid ah fursadaha uu haysto.

Balse waxaa soo baxaya caqabado badan oo ku gedaaman, sida su'aalaha ka taagan habka labada xisbi ugu heshiin doonaan saamiga xilalka iyo weliba maaddaama xubin UCID ka tirsani uu ku loollamyo isna maayarnimada Hargeysa.

Haddaba waxay noqon kartaa dhibaato sida ay suuragal u tahay in labada xisbi ugu heshiiyaan, iyada oo dhanka kalena uu sugayo guddoonkii golaha wakiillada.

Magacyada gudida ay labada xisbi magacaabeen

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Magacyada gudida ay labada xisbi magacaabeen

Baaqyada dhinacayada bulshada

Inkasta oo musharrax kastaa dadkiisa uu wato, taageerada uu haystaana ay caddayn u tahay in uuba u soo baxi karo kursiga uu u taagan yahay, haddana waxaa jiro dad tiro ah oo siyaabo kala duwan si badheeh ah ugu muujiyey taageerada Cabdikariin.

Waxaana u danbeeyey Madasha Barkulanka Somaliland-jire, oo ka kooban waayeel iyo odayaal guurti ah oo sheegay in ay tahay in xilkaas lagu ixtiraamo Cabdikariin Axmed Mooge.

Sidoo kale baaqyada soo baxay waxaa ba ka mid ah i baaq ay isu direen xubnaha golaha deegaanka ee Hargeysa u soo baxay, sida Yaasiin Cumar yare oo ka soo baxay xisbiga waddani oo sheegay in booska maayarnimada lagu ixtiraamo Cabdikariin.

line

Inkasta oo Cabdikariin Axmed Mooge haysto fursadahan, haddana kolka la eego siyaasadda guud ahaan, gaar ahaanna Somaliland, illaa qofku ka gaadho natiijada ugu danbaysa, waxa soo hadhay oo dhan waa male-awaal iyo saadaalin, malena wuu rumoobaa ama beenoobaa.

Waxaana ugu danbeyn jaangoynaysa cidda noqon doonta Maayarka hargeysa, 17-ka xubnood ee u soo baxay golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa - dhammaantoodna way u siman yihiin booskan.