Natiijada doorashada Somaliland ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 24 saac gudahood

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo codkiisa ka dhiibanaya magaalada Hargeysa

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayenka JSL

Qaybo badan oo ka mid ah jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxaa ka soconaya tirinta codadka doorashadii golahayaasha wakiillada iyo tan deegaanka ee shalay halkaasi ka dhacday, iyadoo natiijada hordhaca ahi la filayo in lagu dhawaaqo 12 saacadood kaddib.

Doorashadan oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqonaysaa tii todobaad ee Somaliland ka dhacdo tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale 30 sanadood ka hor.

Doorashadan oo shalay looga dareeray dhammaan gobollada Somaliland ayaa ku soo dhammaatay si nabad gelyo ah sida ay sheegeen xukuumadda iyo guddiga doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo BBC u warramay wuxuu sheegay codbixinti doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deeganka iyo Somaliland badidood in 6-dii makhribnimo ee xalay cdbixinta laga soo gabagabeeyey iyada oo goobaha codbixinta qaarna ay ilaa iyo 7-dii fiidnimo ay cdbixintu ka socotay maadaamaa ay jireen dad badan oo xilligaasi weli saf ku jiray.

Dad saf ugu jira codbixinti ka dhacday Somaliland

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka JSl

Tirinta codadka oo xalay la soo gabagabeeyey haddana si rasmi ah looma ogaan karo natiijada, iyada oo xisbiyada iyo musharrixiinta tartamaya ay helayaan xogaha hordhaca codadka iyo sida loo kala helay maadaama aay wakiillo u joogeen.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland waxaa kale uu sheegay shaacinta rasmiga ah ee natiijada doorashada uu guddiga shaacinayo ay qaadan doonta 24 saacadood oo ka soo billaabmeyso marki ay codeynta soo dhammaatay.

Madaxweyneku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo codkiisa ka dhiibtay magaalada Boorama

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka JSL

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo BBC uu warramay wuxuu sheegay iney jiraan labo goobood oo ka mid ah goobaha codbixinta oo ka furnaa degmada Xuddun ee gobolka Sool ay gabi ahaanba dowladda joojisay in laga codeeyo inkasta oo sanaadiiqdii codbixinta shaqaalihi ka howlgeli lahaa horay loo geeyey.

Wasiirka arriamaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in codbixinta goobahaasi loo joojiyey sabab ammaanka la xiriira iyada oo ay dhawaan deegaankaasi ka dhaceen dagaallo dhimasho sababay oo halkaasi ku dhexmaray beelo wada dhashay oo halkaasi wada daga iyada oo xukumaddu ay ka cabsi qabtay doorashooyin halkaasi ka qabsoomo ay keeni karto iney halkaasi xiisado dib uga billaabmaan.

Wasiirka arriamaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed wuxuu sheegay in dhammaanba goobaha codbixinta doorashadu ay ka dhacday ay ku soo dhammaadeen si nabadgalya ah.

2,709 xarumaha codbixinta ayey cod bixiyeyaashu ayey maalinti shalay ahayd shacabka Somaliland codkooda ka dhiibteen, iyada oo codbixinta doorashadana ay iisu diiwaangeliyeen dad gaaraya 1,065,847.

.

Xigashada Sawirka, Guddiga doorashoyinka Somaliland

Goob joogayaal caalami ah oo isugu jira madaxweynayaal hore, siyaasiyiin, wariyeyaal iyo shaqsiyaad caan ah ayaa goob joog ka ahaa doorashadi shalay ka dhacday Somaliland.

Goob joogayaashan oo ka socday dhowr iyo toban dal waxaa horkacayey Agaasimaha Guud ee hay'adda Bernthurst Foundation Dr Greg Mills, iyada oo goob joogayaashaasi uu ka mid yahay madaxweynihi hore ee Sierra Leone Ernest Bai Koroma.

Goobjoogayaal ka socda dhawr iyo toban dal oo kormeer ka ah doorashada Somaliland ka socota

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka JSL

Goob joogayaasha caalamiga ah ayaa ka kala socdo waddamada UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique.

Calamo shisheeya ayaa ka babbanaya Somaliland

Iyada oo ay Soomaaliya muddo 30 sana ah la daalaa dhaceyso dagaallo beeleed iyo mid ay ku hayaan kooxa Islaami ah, Somaliland ayaa iyadu ah mid aad u nabdoon.

Doorashadi ugu xamaasadda badneyd ee sida weyn looga loollamayna waxay ahayd, tii dhacday 2003-dii oo uu Daahir Riyaale Kaahin uu madaxweynanimo ugu guuleystay cod aad u yar oo dhowr boqol ah ama ku dhawaad 0.01%.

Doorashadi madaxweynanimada Somaliland waxaa la qabtay 2017-kii. Iyada oo madaxweyne uu xilka hayn karo oo keli ah laba middo xileed oo halki muddo xileedba uu yahay shan sano, iyada oo doorashada xigto ay dhici doonto 2022-ka.

Ololaha taageerayaasha xisbiga Kulmiye
Qoraalka sawirka, Olola doorasha oo dhacaya iyada oo uu taagan yahay faafitaanka fayraska korona

Ictiraaf raadinta Somaliland ee 30-ka sano jirtay ayaan weli jawaab helin iyada oo ay ku dhaceysay dhago aan wax maqal.

Quwadaha shisheeye waxay ku doodayaan in maqaamka Somaliland ay go'aan ka gaadhi karaan Midowga Afrika, oo ka cagajiidaya inuu arko dawlado kala go'ay maadaamaa ay u arkaan xuduudahaba iney yihiin kuwo ay Afrikaanku dhex dhigeen guumeystayaasha.

Inkasta oo aanay si rasmi ah dal ahaan ugu jirin, haddana waxaa soo badana waddamada xiiseynaya ay ay soo jiidatay Somaliland ee ka imanaya qaybaha kala duwan ee adduunka.

Calammada shisheeya ee ka babbanayo Hargeisa ayaa sii kordhaya, iyada oo ay waddamabadan ay Qunsullo iyo Xafiisyo matala ay ka furteen.

Waddamadaasina waxaa ka mid ah Jabuuti, Itoobiya, Turkiga, Uk, Denmarka, Iisu tagga Imaaraadka Carabta (UAE), iyo Taiwan oo u aragto iney Somaliland "Walaal" u yihiin, maadamaa ay labaduba wadaagaan iney helin aqoonsi caalami ah.

Kenya oo khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu kala dhaxeeyo Somaliya iyo Masarna waxay qorsheynayaan iney iyaguna dhawaan ka furtaan.

Khariidadda Somaliland
1px transparent line

Somaliland ayaa ku taalla meel Istiraatiiji oo aad muhiim u ah oo ku beegan meel ka mid ah meelaha adduunka ugu adag. Waxayna ku beegan tahay marinka laga galo Facanka cadmeed iyo Badda Cas.

Gigada diyaaradaha ee Berbera Midwogii Soofiyeeti wuxuu ka dhisay waddada ay diyaaraddu soo caga dhigato oo dhererkeedu yahay 4 km taasoo ka dhigeyso mid ka mid ah kuwa ugu dheer Afrika, xilliga uu socday dagaalki qaboobaa ee kala dhaxeeyey Mareykanka.

Somaliland iyo Soomaaliya

Diyaarad dagaal oo uu Ruushka sameeyey oo la adeegsan jiray 1989-yadii ayaa la suray bartamaha magaalada Hargeisa taasoo loogu talagalay iney xusuus u noqoto shacabka Somaliland.

Xigashada Sawirka, AFP

  • Gobollada Waqooyi oo ay guumeysaneysay Britain, Somalia waxay la midoobeen 1-da July 1960-kii.
  • Waxayna gooni iisu taaggooda ku dhawaaqeen 1991-kii marki xilka laga tuuray keligii taliskii Maxa'ed Siyaad Barre
  • Arrintaasi oo timid marki ay dhaceen dagaallo ay tobannaan kun ku dhinteen magaalooyinna dhulka lala simay.
  • Somaliland waxaa ku nool dad gaaray 3.5 malyan, halka ay Soomaaliyana 15 malyan ay ku nool yihiin.