Qalalaasaha Tigray: 'Geeridii baa albaaba noo taagan. Gaajadu dadka foolkay kaga taallaa'

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dad ku nool degmo ku taal gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in ay macaluul qarka u saaran yihiin.

"Ma haysano wax aan cunno," ayuu yidhi nin ku nool Qafta Humera. Wuxuu sheegay in dalagii iyo xoolihiiba laga dhacay todobadii bilood ee dagaalka uu socday.

Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale maleeshiyaad la dagaalamaya ciidamda dawladu ay ka hor taagan thay in ay gargaar raadsadaan.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Anotinio Gutereress, uu digniin ku sheegay in dadka ku nool qaybo ka mid ah Tigray ay macaluul qarka us aaran yihiin.

Colaadda ka dhex bilaabantay bishii Noofember, dawlada Itoobiya iyo falaago Tigray ee TPLF, ayaa kaliftay in ku dhowaad laba milyan oo qof ay ka qaxaan guryahooda gobolka Tigray. Gobolkaas oo marka hore ba ay cunto yaraani haysatay.

Laakiin toddobaadkii hore, Qaramada Midoobay waxay ka digtay in ay soo noqon karto macauluushii ba'nayd ee 1984, waxaanay ku baaqday xabad joojin degdeg ah oo Tigray ka hirgasha.

Duruufaha waa sidee?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay sheegeen dadka ku nool deegaanka Qafta Humera, degmada go'doonsan ee galbeedka Tigray ee ku dhaw xadka Sudan iyo Eritrea, Abaar iyo colaad waa waxa ugu daran ee ay u dhammaanayaan. Dadkaas waxay la hadleen laanta Af-Tigray ee BBC oo telefoonk kula xidhiidhay.

Tan iyo bishii Noofember 2020, galbeedka Tigray waxa qabsaday ciidamo dawladda taabacsan iyo maleeshiyaad ka socda gobolka Amhara.

"Rayid baanu nahay, dalagayagii iyo xoolihii ba waxa naga qaatay rag dabley ah", ayuu yidhi nin beeralay ah oo 60 sano jir ah.

"Waxay iga qaateen qiyaastii 30 neef oo lo' ah, dadka qaarkoodn laba boqol oo neef oo lo' ah baa laga qaatay".

Nin kale oo beeraley ah oo 40 sano jir ah, wuxuu BBC-da u sheegay: "Waxaan cunnaa wixii yaraa ee noo hadhay een qarsanay, laakiin imika waxba ma haysano".

"Cidna waxba gargaara namay siinin. Qof kasta dhimashuu qorka u saaranyahay, indhahayaga ayay gaajadu ka muuqata. Duruuftu waa dhimasho."

"Geeridii baa albaaba noo taagan. Gaajadu dadka foolkay kaga taallaa", ayuu yiri.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay arkeen baabuur sidda gargaar oo dhaafaysa, laakiin aan cidina isku hawlinn in ay duruuftooda hoos u eegto.

Maxay dadka u qaxayaan?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qof beeraley ah oo da'da wayn ayaa sheegay in ay dadka isku deyayeen in ay meelo kale tagaan, sida magaalooyinka Shire iyo Sheraro oo 200km dhanka bari ka xigta degmadaas, si ay contu iyo gargaar aadamenimo u helaan.

Laakiin gaadiid la raaco in la helo ayaa adag, wixii baabuur ah ee ka bixi lahaana maleeshiyada ayaa ka joojisay in ay ka baxaan halkaa.

"Markaanu isku dayno in aanu tagno meel aan gargaar ka heli karno, wadooyinka oo dhan baa la xidhaa," ayay yidhi. Waxaanu intaa ku daray in "dadkii isku dayey in ay lug ku qaxaan, lagu qasbo in ay laaluush bixyaan oo aanayna awoodin".

"Xataa haddaan isku dayno in aan lugayno maleeshiyaadkaa ka yimid Amhara ayaa nagu qasba in aan 4000 ilaa 5000 oo bir ah qofkiiba bixiyo".

Beeraleygan ayaa intaa ku daray in dadka ka baqayaan in la dilo haddii ay maleeshiyaadka kula kulmaan kaymaha.

"Haddaan isku dayno in aan tagno meel gargaar laga helayo, waxaa na lagu dilayaa kaynta," ayuu yidhi

Maxaa Jawaab ee laga bixiyey?

.

Maamule maxaliya oo loo magacaabay degmadaas, dagalkii ka dib, ayaa BBC-da u sheegay in gargaar ka yimid dawlada federaalka ah aanu soo gaadhin laakiin kaalmo yar oo koobani ka timi dhanka gobolka ay deriska yihiin ee Amhara.

Guteteess ayaa ka digay in xaaladda "ka sii dari doonto" haddii aan deeqda la kordhin oo aan marinada gargaarka la furin.

Xukuumadu waxay sheegtay in shaqaalaha gargaarka bani'aadanimo loo ogolaaday in ay gaadhaan Tigray badankiisa.

Bilo ka dib markii dagaalku bilaabmay, waxaa go'ay adeegyadii muhiimka ahaa badankooda, illaa haatanna dib looma soo celinin. Tobannaan xarumo caafimaad ah iyo isbitaallo ayaa la dumiyay ama la bililiqeystay.

Maxaa dagaalka keenay?

Wuxuu bilaabmay dagaalka ka dib markii dawladda itoobiya ay gulufka ku qaaday gobolka si ay uga saarto TPLF oo ah xisbigii maamulayay dalkaas tan iyo 1990, xilkana laga qaaday 2018-kii.

Xisbigaas ayay aad isku seegeen ra'isal wasaare Abiy Axmed oo ay isku khilaafeen isbedello siyaaseed oo ku salaysay qaabka federaalka dalka ee ku dhisan qoomiyadda uu ahaan doonno, in kastoo qabsashadii TPLF ee saldhigyada militariga ee gobolkaas uu sababay in dowladda ay soo dedejiso dagaalka.

Abiy oo ku guulaystay abaalmarinta nabada ee Nobel ayaa ku dhawaaqay in colaadu dhamaatay dabayaaqadii Noofember, laakiin dagaalku weli wuu socdaa.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay halka 1.7 milyan oo qofna waxay ka qaxeen guryahooda. Tobannaan qof ayaa u qaxay dalka ay jaarka yihiin ee Sudan.

Colaaddan waxa sidoo kale ku lug leh dalka ay deriska ah ee Eritrea ciidamo ka socdo oo la safan ciidamada dawladda.

Dhinacyada oo dhan waxa lagu eedeeyey gabood fallo badan oo bani'aadannimada gef ku ah.