Qalalaasaha Tigray: Dembiyo dagaal miyaa ka dhacay Itoobiya?

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa si isdaba joog ah u beeniyay eedaha ah in ay bartilmaamedsadeen dad rayad ah

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa si isdaba joog ah u beeniyay eedaha ah in ay bartilmaamedsadeen dad rayad ah

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay heleen warbixino is daba joog ah oo ku saleysan dilka iyo beegsiga qoomiyad, lagana yaabo inuu gobalka waqooyiga Itooboiya ku yaalla ee Tigray ay ka dhaceen dambiyo dagaal.

Ciidamada difaaca dalka Itoobiya ayaa gobalka galay horaantii bishii November ee sannadkii tagay, ka dib markii ciidamada Xsiga TPLF ay qabsadeen saldhigga milatariga ee gobalkaas ku yaalla.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday inay guul ka gaartay dagaalka, dhamaadkii bishii November, balse Midowga Yurub ayaa sheegay in xaaladda ay wali tahay mid adag.

Sidoo kale Miowga Yurub ayaa sheegay in isku dhacyada halkaa ka jira ay caqabad ku yihiin xasiloonida gobalka.

Dowladda uu raysal wasaaraha ka yahay hoggamiyaha ku guuleystay billadda Nabadda Caalamiga ah, Abiy Axmed, ayaa ku adkeysanaysa in ay adeegsanayso awood si ay u soo celiso sharciga iyo kal dambeeynta gobalkaas, isla markaana ay cadaaladda u hor keento kuwa dambiilayaasha ah.

Tan iyo dhamaadkii bishii November, waxaa gobalka ka socda howlgallo lagu baadigoobayo hoggaamiyaasha baxsadka ah ee xisbiga TPLF, kuwaas oo wacad ku maray in ay sii wadayaan dagaalka ka dib markii laga qabsaday caasimadda gobolka.

"Xaaladda ka jirta gobalka Tigray aad ayay ugu duwantahay waxa la sheegayo ee ah in sharciga iyo kala dambeynta la soo celiyay," sida uu warbixin ku sheegay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell.

"Waxaan helnaa warbixinno isdaba-joog ah oo ku saabsan rabshadaha ku saleysan qowmiyadaha, dilka, dhaca badan, kufsiga, dib u celinta qasabka ah ee qaxootiga Erateriya iyo dambiyada dagaal ee suurta galka ah in ay dhacaan," ayuu yiri Josep Borrell, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

In ka badan laba milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda, kuwaas oo ku noolaa gabalka Tigray, waxayna hadda aad ugu baahan yihiin gargaar bini-aadanimo, laakiin wali waxaa xadidan dhaqdhaqaaqa gobalka.

Tigraygu waxay shacabka Itoobiya oo ah in ka badan 110 milyan, ka yihiin ku dhowaad boqolkiiba 6%.

Sidey xiisadda ugu lug yeesheen dalalka dariska la ah Itoobiya?

Mr Borrell wuxuu sheegay in ciidamada Eriteriya ay ku lug lahaayeen dhaq dhaqaaqyo militari oo ka dhacay gobalka Tigray, arrintaas oo ay beeniyeen dawladaha Itoobiya iyo Eriteriya.

Haween dabaal dagaya kadib heshiiskii Itoobiya iyo Eritariya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Abiy wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel kadib joojintii xiisaddii kala dhexeysa Eritariya, taasoo dhalisay dabaaldegyo ka dhacay dalalkaas

Dowladda Itoobiya waxaa lagu eedeeyay in ay si qasab ah dib ugu celiyeen qaxootigii Eriteriyaan ah oo ku noolaa xeryaha Qaramada Midoobay ay maamusho ee ku yaallay Tigray, ka hor inta uusan dagaalku qarxin.

Ku dhowaad 100,000 oo Ereteriyaan ah ayaa ku noolaa afar xero oo ku yaallay gobalka Tigray, kuwaas oo ka soo cararay cadaadis siyaasadeed iyo isu qasbida ku biiritaanka ciidanka dalkooda.

Hadalkaan ka soo yeeray Midowga Yurub ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Madaxa Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, Filippo Grandi, uu sheegay in UNHCR aan la siin fasax ku aadan tagitaanka xeryaha qaxootiga ee Shimelba iyo Hitsats, tan iyo horraantii bishii November.

Midowga Yurub ayaa sheegay in dhibaatada ay sidoo kale saameysay dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Gudaha Soomaaliya, waxaa laga saaray ciidamada Itoobiya ee halkaas loo geeyay si ay uga caawiyaan in ay caawiyaan dowladda ay taageerto Qaramada Midoobay dagaalka ay kula jirto kooxaha Islaamiyiinta ah.

55,000 oo Itoobiyaan ah ayaa u qaxay Suudaan colaaduna waxay "si khatar ah" u kordhisay xiisadaha xadka ee gobolka lagu muransan yahay ee al-Fashaga.

Maxey tahay jawaabta Itoobiya?

Safaaradda Itoobiya ee magaalada London ayaa sheegtay in masuuliyiinta ay doonayeen in ay caawiyaan kuwa u baahan gacan qabashada.

"Dowladda Itoobiya waxaa wali ka go'an inay si dhow ula shaqeyso saaxiibadeeda bani'aadamnimada iyo horumarinta, si wax looga qabto caqabadaha taagan ee hor istaagi kara badbaadada, wax ku oolka ah", ayuu yiri.

Mr Borrell wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay sii wadi doonaan joojinta 88 milyan oo lagu taageerayo miisaaniyada Itoobiya, ilaa laga ogolaaanayo marinka gargaarka bani'aadamnimada ee Tigray.

Wuxuu soo jeediyay in Suudaan ay gacan ka geysan karto sidii xal loogu heli lahaa xaaladdaan iyadoo la tixgelinayo sida Itoobiya ay gacan uga geysatay wada-xaajoodka heshiis nabadeed ka dib markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir sanadkii 2019.

"Sida aan inta badan dhahno, waxaan taageernaa 'xalka dhibaatooyinka Afrika'. Waa degdeg hada in la helo xalalkan."