Alzheimer's: Seddax arrimood ka ogow dawada loo helay cudurka ilowshaha ama asaasaqa

Aldo Ceresa, 68, oo ah dhakhatar howlgab ah oo ku takhasusay qalliinka ayaa kamid ahaa dadkii lagu tijaabayay dawada
Qoraalka sawirka, Aldo Ceresa, 68, oo ah dhakhatar howlgab ah oo ku takhasusay qalliinka ayaa kamid ahaa dadkii lagu tijaabayay dawada

Waa markii ugu horreysay, ku dhawaad 20 sano ka dib, oo dalka Mareykanka laga ansixiyay dawada xanuunka asaasaqa, waxaana sidoo kale lagu wadaa in dawadan laga isticmaalo dalal kale sida Britain.

Dawada Aducanumab ayaa bartimaameedsan doontaa waxyaabaha dhaliya xannuunka asaasaqa ama ilowshaha iyo hilmaamka.

Hay'daha samafalka ayaa soo dhaweeyay wararka ku saabsan in dawadan cusub la helay.

Balse seynisyahannada ayaa ku kala qeybsan waxtarka dawadan maadama uu jahwareer ka taagan yahay natiijada ka soo baxday tijaabadii lagu sameeyay.

Ugu yaraan 100,000 qof oo ku nool UK oo qaba xanuunka asaasaqa ayay suurtagal tahay in la siiyo dawada, waa haddii waaxda qaabilsan tayada dawooyinka ee UK ay ansixiso isticmaalkeeda.

Waaxda la socota tayada dawooyinka Mareykanka ayaa sheegtay in ay heyso caddeymo la isku haleyn karo uu ku aadan waxtarka dawadan ay u leedahay bukaanada uu ku dhacay cudurkan maskaxda waxyeeleeya.

Tijaabada muranka badana dhalisay

Bishii March ee sannadkii 2019, waxaa socday heerkii ugu dambeeyay tijaabinta dawada, taas oo lagu tijaabiyay 3,000 oo bukaan, waxaana la hakiyay daraasaadkii lagu sameynayay natiijada.

Ka dib waxaana la ogaaday in sidii la rabay aanay waxbo uga qaban xaaladda xusuusta bukaanka iyo ilowshaha.

Balse sannad ka dib, shirkadda qaabilsan dawooyinka ee laga leeyahay Mareykanka ee Biogen, ayaa darasaad qotodheer ku sameysay dawada, waxay ogaatay in ay waxtar leedahay, waa haddii qofka la siiyo tiro xooggan oo ka mid ah dawada.

Dawada Aducanumab waxay wax ka qabaneysaa maskaxda qofka uu ku dhacay asaasaqa, gaar ahaan arrimaha ay ka mid yihiin.

  • Xusuusta iyo ilowshaha
  • Arrimaha la xiriira hadalka
  • Jahwareerka la soo darsa bukaanka

'Bukaanka oo hela jihada saxda ah'

Aldo Ceresa oo kamid ah dadka lagu tijaabiyay dawada
Qoraalka sawirka, Aldo Ceresa oo kamid ah dadka lagu tijaabiyay dawada

Aldo Ceresa, oo ku nool Britain, kana qeyb qaatay tijaabada tallaalka ayaa sheegay in dawadan ay wax badan u tartay. "Waxaan ku faraxsanahay in aan si mutadawacnimo ah uga qeyb qaatay tijaabada", ayuu yiri.

"Hadda ma ihi qof jahwareersan, waxaa si tartiib ah iigu soo laabaneysaa kalsoonida".

Qoyska Mr Ceresa ayaa sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay. Waxay tilmaameen in markii hore uusan xusuusan karin waxyaabaha uu doonayo in uu qabto.

"Hadda ma dareemayo wixii aan horey u dareemi jira - hadda waxaan u jiheystay dhanka saxda ah", ayuu yiri Aldo Ceresa.

Baaritaan lagu sameynayay maskaxda si loo ogaado waxtaraka dawada aducanumab
Qoraalka sawirka, Baaritaan lagu sameynayay maskaxda si loo ogaado waxtaraka dawada aducanumab

In ka badan 30 malyan oo qof, guud ahaan caalamka ayaa la sheegay in uu ku dhacay xanuunka asaasaqa. Si gaar ah wuxuu ugu dhacaa dadka ay da'dooda ka wayn tahay 65 sano.

2px presentational grey line

'Khalad weyn'

Profasoor Robert Howard, oo qaabilsan xanuunada dhimirka ayaa ku tilmaamay tijaabada dawada 'khalad weyn' oo la galay isla markanaka ay caqabad ku noqon karto cilimi baarista hadda socda ee ku saabsan raadinta ah sidii loo heli lahaa dawo waxtar leh.

Wuxuu sheegay in waaxda Mareykanka ee hubinta tayada dawooyinka ay iska dhago tirtay tijaabadii muujineysay in dawada aysan waxtar sidaas u weyn u laheyn bukaanada.

Si kastaba, Dadka u doodo bukaanada xanuunka asaasaqa ayaa dhankooda sheegay in dawada ay tahay mid 'la hubo' xilli lagu gudo jiro baadigoobka dawo cusub oo tayo leh.

Dhanka kale, waaxda cilmi baarista ku sameyneyso xanuunka asaasaqa ee UK, ayaa warqad u qoray xoghayaha caafimaadka oo ay kaga codsanayso in diiradda ay saarto hanaanka lagu ansixinayo dawadan.

Inkasta oo dhakhaatiirta ay shaki ka muujinayaan waxtarka dawada Aducanumab haddana ansixinta dawadan ee Mareykanka waxay xoojin kartaa cilmi baarista ku aadan raadinta dawo u wanaagsan xanuunka ilowshaha, taas oo horey looga gaabiyay maalgelinteeda.

Tijaabada dawada
Qoraalka sawirka, Tijaabada dawada