'Wax rajo ah ma aysan jirin': Cudur la daweyn karo oo badanaa lagu khaldo midka Asaasaqa

John Searle

Xigashada Sawirka, Barbara Gaal

Qoraalka sawirka, Kaddib muddo sanada ah oo uu ku safrayay gawaarida lagu riixo dadka naafada ah, ayuu John Searle waxa uu ugu dambayn dalxiis u raacay xaaskiisa

Markii uu John Searle bilaabay inuu dhulka ku dhaco oo uu lumiyo xusuustiisa, ayaa waxaa loo qaaday in taasi ay tahay astaamaha hordhaca ah ee cudurka dementia-yaha. Hasayeeshee waxaa soo baxday inuu ku dhacay cudur dhif ah oo naadir ah oo dhiig ku fura maskaxda. Warka wanaagsanna waxa uu yahay in cudurkaas la daweyn karo.

Sanado ka hor, John Searle in noloshiisii ay u dhammaatay.

Jirkiisa ayaa si tartiib tartiib ah u joojiyay inuu shaqeeyo. Ma uusan lugayn karayn, waa uu kufaa kacayay, xusuustiisuna ma aanay wanaagsanayn markii uu da'da 69 gaarayna kaadida ma uusan ceshin karin.

Deegaanka uu ku noolaa injineerkan howlgabka ah ee reer Canada ee degmada Brantford ayaa waxaa ka jiray cudurro noocaas oo kale ah, oo walaashii ayaa cudurka asaasaqa u dhimatay iyadoo ku jirta da'da 50-yada. Aabihii ayaa isna waxa uu u dhintay cudurka damentia-yaha isagoo ku jira da'da 80-yada. Marka waxa uu bilaabay inuu qorsheeyo mustaqbal uusan waxba ku darsan karin.

Dhakhaatiirta ayaanay u suuragelin inay siiyaan dawo cayiman, taas oo walaaca ku sii kordhisay injineerkan howlgabka ah. Daweynta cudurka Parkinson waxba ma aanay tarayn, ninkanna muusan qabin cudur asaasaqa ee Alzheimer hasayeeshee wax unbaa khaldanaa. Markii la gaaray 2018 waxa uu u baahdsay gawaarida lagu riixo dadka naafada ah si uu bannaanka u tago iyo ul ku tukubo gurigiisa dhexdiisa.

"Wax rajo ah ma aanay jirin, dariishadda ayaan fariisan jiray oo aan halkaas wax ka daawan jiray."

"Waa uu caraysnaa - caradiisu xad dhaaf ayey aheyd," xaaskiisa Barbara ayaa sidaa tiri.

"Waxaa jirtay in habeennada qaar markii aan sariirta tago inaan ku fakari jiray malaha guriganba iska gad…sababtoo ah waxa ay aheyd inaan wax walba aniga sameeyo."

Hasayeeshee arrintaasi ayaa waxa ay isbadeshay markii uu la kulmay Dr Alfonso Fasano, oo ka tirsan Isbitaalka Toronto Western, kaas oo ka daweeyay dhigga ku dhufto maskaxda ee caadiga ah.

Cudurkan ayaa waxa uu wax yeelleeyaa qeyb ka mid ah unugyada maskaxda halkaas oo ay ku taal qeybta isgaarsiinta ee maskaxda.

cudurkan ayaa sababaya in qofku ay ku adkaato inuu dhaqdhaqaaqo, xusuustiisa oo yaraato iyo dhibaatooyin ah inuusan wax sababayn karin iyo in kaadida uusan ceshan karin, astaamahaas oo badanaa lala xiriiriyo xannuunada sida Alzheimer, Parkinson iyo dementia.

Xanuunkan ayaa waxaa la qiyaasayaa in ugu yaraan 200 ee qof ee Canada u dhalatay mid uu qabo waa dadka da'doodu ka sareyso 55 sano, ama in ka badan 57,000 oo qof. Mareykanka ayaa xanuunkan waxaa lagu qiyaasaa inay la nool yihiin 700,000 oo qof oo Ameerikaan ah, balse ku dhawaad 20% dadkaas la nool xaaladdaasi ayaa la daweeyay.

"Xanuunka NPH waa mid aanan si wanaagsan loo fahmin," ayuu yiri Dr Fasano. Haddii aanan dadkaasi la dawayn guriga ayey ku uruursanayaan amaba waa ay u dhimanayaan. "Taasina waa midda aynaan doonayn inaan aragno," ayuu yiri.

2014-kii kaddib markii uu isku arkay astaamo ay ka mid yihiin in xusuustii uu lumiyay iyo in dhaqdhaqaaqa uu ku adag yahay, ayey dhakhaatiirtu ka qaadeen dheecaan maskaxda ah si ay u tijaabiyaan in calaamadahiisa ay isbadaleen ama in uu hayo xanuunka NPH.

Sideed sanadood kaddib xilli xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaanayso ayaa waxa uu la kulmay Dr Fasano waxa uuna ogolaaday in markale la baaro.

Markan xaaskiisa Barbara ayaa waxa ay dareentay in waxoogaa uu isbadelay taas oo ninkeeda uusan dareemin.

"Ma uu rumaysan doono," ayey tiri. "Waa sida 'inaan rumeeyo inay khaldanaayeen, taas oo niyadjab weyn noqon laheyd.'"

Dr Alfonso Fasano

Xigashada Sawirka, University Health Network

Qoraalka sawirka, Dr Alfonso Fasano ayaa sheegaya in iyadoo inta badan bukaannada qaba cudurka dementia si sax ah loo dabiibay haddana waxaa suuragal ah in tira yar ay qabaan cudurka NPH

Dr Fasano ayaa waxa uu soo jeediyay in tuubo la galiyo maskaxda oo laga soo dhuuqo dheecaanka, taas oo ah qaabka ugu horreeya ee lagu dabiibo cudurka NPH, noocaas oo ah midda ugu wanaagsan sida ay sheegeen daraasaad dhawaan la sameeyay.

Mr Searle waxa uu sheegayaa in in ka badan sanad uu bilaabay inay noloshiisa caadi ku soo laabato. Xusuustiisa waa ay soo hagaagaysaa, si joogto ah ayuuna gymka u tagaa oo macallinkiisa ayaa waxa uu kala shaqeeyaa sidii uu awooddiisa murqaha u soo celin lahaa.

Walow Mr Searle uusan haysan warqadda gawaarida lagu wado haddana isaga iyo xaaskiisa ayaa waxa ay bilaabeen inay safraan oo xilligii qaboobihii hore ayaa waxa ay u safrene Florida, waxa ayna haatan qorshaynayaan safaro ay ku bixiyaan Las Vega iyo Jamaica.

Walow in si khaldan loo dabiibo cudurkan NPH ay dhibaato weyn tahay, haddana Dr Fasano waxa uu ka digayaa in inta badan dadka la siiyo dawooyinka cudurrada Parkinson ama kana asaasaqa ee Alzheimer ay heleen dawooyin sax ah.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxa ay qiyaasaysaa in cudurkan dementia ee uu ka midka yahay asaasaqa uu saameeyay inta u dhaxaysa 5-8% dadka da'dooda ay ka weyn tahay 60-ka sanno.

"Cudurkan waa mid ka badan sida aannu filaynay, waana cudur si wanaagsan loo dabiibi karo, oo ay tahay in isbadel weyn lagu sameeyaa hab nololeedka dadkaasi," ayuu yiri dhakhtarku.

"Isla markaas dadka haatan waxa ay aaminayaan haddii ay qabaan cudurka Parkinson in dawo khaldan la siiyay.

"Dhammaantood waxa ay malaynayaan in dhakhtarku uu khaldanaa."