Markabka shidaalka ee quusay: Sidee looga hortagi karaa saameyntiisa deegaanka?

Sri Lankan Air force image shows ship sinking. 2 June 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Sawir ay qaadeen ciidammada cirka ee Sri Lanka oo muujinaya markabka oo sii quusaya 2 June 2021

Dadaallo ayaa ka socda Sri Lanka si looga ilaaliyo qaar ka mid ah meelaha ugu caansan xeebaha waddanka dhibaaatada soo fool leh ee deegaanka.

Cabsidan ayaa timid ka dib markii markab xamuul oo ay saaran yihiin intaas oo tan oo kiimiko iyo shidaal ah uu ku degay meel ka baxsan xeebta galbeed ee dalka, agagaarka dekedda Colombo.

Markabka 'MV X-Press Pearl' ayaa degay Arbacadii, isagoo sii daayay balaayiin caag ah - oo loo adeegsado soo saarista badeecooyinka maalinlaha ah.

Cabsida hadda jirta ayaa ah in qaar ka mid ah 350 tan oo shidaal ah oo saaran markabka ay quban doonaan.

Marka, maxaa la samayn karaa si loo yareeyo dhibaatda uu geysan kara markabkan quusaya.

Nadiifinta badda

Waxaa jira hab maamuusyo caalami ah oo hagaya wax ka qabashada musiibooyinka deegaanka, oo ay ku jiraan saliidda ku daadata badda.

bbc

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, nan dhex socda haraaga walxa ka soo daatay markabka X-Press Pearl 29 May

Sida laga soo xigtay ururka warshadaha saliida iyo gaaska ee Maraykanka, qulqulka biyaha badda, ujeedooyinka koowaad ee ka jawaab celinta musiibada waxaa ka mid ah ka hortagga saliidda in ay gaadho xeebta iyo yareynta saameynta ay ku leedahay badda.Laakiin Maamulka Badbaadada Qaranka ee Mareykanka (NOOA) ayaa sheegaya in howlaha nadaafadda aan waligood laga saari karin 100% saliidda daadatay.

‘Tallaabooyinka ka hortagga’

Oil spill boom in response to tanker leak

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalintii Khamiista, Wakaaladda Ilaalinta Deegaanka Badda ee Sri Lanka waxay sheegtay in ay isku deyayaan in xalliyaan mushkiladdan si kasta o u adag tahay kala saaridda labadoodu.

Pearl-ka 'X-Press Pearl' wuxuu gubanayay ku dhowaad laba toddobaad, ka hor inta aan dabka la damin toddobaadkan.

"Haddii saliiddu wali jirto, waxaan horay u qaadnay tallaabooyin taxaddar ah oo aan wax uga qabaneyno xaaladdaas haddii ay dhacdo in (saliid) daadato", ayuu yiri sarkaalka deegaanka.

Ma jirin wax calaamado ah oo muujinaya shidaal ka daadanaya markabka maalintii Khamiista, laakiin ciidamada badda ee Siri Laanka waxay horeyba uga codsadeen caawimaad dhanka Hindiya oo iyadu gacan ka geysaneysa la tacaalida dabka iyo daadadka ka dhalan kara.

Laakiin markabka quusay ayaa durba sii daayay inta badan shixnadiisa sunta ah ayd ee agagaarka biyaha ku xeeran magaalada Negombo, halkaasoo ay ku yaalliin qaar ka mid ah xeebaha ugu caansan dalka.

Inta badan dadaallada hadda socda waxay ka kooban yihiin nadiifinta xeebta, oo ay ku soo qulqulayeen balaayiin caag ah oo loo yaqaan nurdles.

Residents collect debris washed ashore from the Singapore-registered container ship MV X-Press Pearl

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka deegaanka oo guraya walxa ka soo daatay markabka oo ku soo caariyay xeebaha

Dawladdu waxay mamnuucday kalluumaysiga xeeb dhererkeedu yahay 80km, laakiin waxaa jira cabsi ku saabsan qoysaska kalluumeysatada maxalliga ah oo aan awoodin inay u baxaan badda si ay noloshooda u maareeyaan.

Dabka oo socday muddo labo todobaad ah oo biloowday ka dib marki uu quusay markabka X-Press Pearl ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay daadinta nitric acid, sida ay sheegeen saraakiisha Sri Lanka.

Markabka xamuulka ah ayaa siday 25 tan oo ah asiidh nooca aad u sunta badan, taas oo loo adeegsan karo soo saarista Bacriminta iyo waxyaabaha qarxa.

Ciidamada badda ee Sri Lankan iyo Hindiya ayaa si wada jir ah u shaqeynayay maalmihii la soo dhaafay si looga hortago in ay jabto oo ay degto.

Khasaaraha intaa ma lagu joojin karaa?

Khabiirka deegaanka Dr Ajantha Perera ayaa BBC-da u sheegtay in markabka degay uu "xaaladdii ugu xumeyd ee deegaanka u horseedi karo".

Dhammaan badeecadaha halista ah, nitric acid iyo waxyaalahan kale oo dhan, iyo saliidda saaran markabka, haddii ay quusto waxay aasaas ahaan burburin doontaa gunta badda oo dhan, "ayay tiri.