Bangladesh ayaa xirtay nin ay labaatan sano ku raad joogtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin looga shakiyey inuu ugaarsaday in ka badan 70 Shabeel oo ka mid nooca Shabeelka ee ka sii dabar go'aya Bangaldesh ayaa la xiray kaddib marki 20 sano lagu raad joogay.
Booliska dalka Baangladesh waxay sheegen Xabiib Talukder oo loo yaqaanno "Xabiib Tiger" in ugu dambeynti gacanta lagu sii dhigay, iyada oo horay seddex waaran oo soo qabasha ah loo soo saaray.
Ninkan ayaa Shabeelka ka ugaarsanayey keynta Sudarbans mangrove ee ku taalla xadka ay wadaagaan Hindiya iyo Bangladesh.
Keymahaasi ayaa ah meesha ay ku nool yihiin Shabellada Bangladesh ee Adduunka ugu badan. Iyada oo dunida oo dhan la sheego Shabeelka noocan ah iney tiro aad u yar ku soo hareen oo ay ka sii dabar go'ayaan.
Ganacsatada Suuqa madoow ayaa iibsatay Saanta, Lafaha iyo Hilibka Shabeelkaasi iyaga oo suuqyada caalamka si qarsoodi ah uga iibgeeyo.
"Ninkan in mudda ah ayuu baxsad ahaa," ayuu yiri taliyaha booliska Saidur Rahmaan oo u warramay wargeyska Dhaka Tribune.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Xabiib Talukder oo 50 jir ah ayaa ugaarsiga Shabeelka billaabay xilli uu keymahaasi uu gaaguur Shinni ah ka goosanayey.
"Waan ilaalinnaa waana ka baqnaa" ayuu yiri Cabdusalaam oo ka mid ah dadka Gaaguurta Shinnida ka shaqeysta oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP.
Cabdul Mannaan oo booliska ka tirsan oo u warramay wargeyska Dhaka Tribune wuxuu sheegay booliska iyo shaqaalaha waaxda ilaalada keymaha iney sanada badan baadi goobayaan Xabiib Talukdey si ay u soo qabtaan.
"Si qarsoodi ah ayuu ku galayey Sundarbans kaddibna ku ugaarsanayey duurjoogta uu Shabeelka ugu horreeyo iyada oo dalkaasi lagaga mamnuucaya keyntaasi in duur joogta laga ugaarsado," ayuu yiri mar uu saxaafadda uu u warramayey.
"Wuu sii waday fala-dambiyeedki caadeystay inkasta oo ay jiraan dacwado badan oo isaga ka dhan ah… iyada oo arrintanna ay ku lug leeyihiin kooxa abaabulan oo burcad ah."

Wargeysku wuxuu sheegay ninkan looga shakisan yahay ugaarsiga Shabeelka ee ay booliska muddada dheer raadceeynayeen in subaxnimada Sabtida gacanta lagu soo dhigay .
Tirakobka 2018-kii lagu sameeyey Shabeelka dalka Bangladesh ku nool gaar ahaanna keymaha Sundarbans ayaa lagu sheegay iney gaartay 114 iyada oo 2015-kii ay ahayd 106 oo keli, taasoo lagu sheegay iney tirada Shabeelka sare u kacday.
Hay'adda daryeesha duurjoogta ee WWF ayaa sanadki hore shaacisay kaddib marki uu hoos u dhac xooggan uu 10-kii sano ee ugu dambeeyey uu ku yimid tirada Shabeelka caalamka, oo ay haatan tirada dib u soo noqoneyso.
Sheekooyinka la xiriira:
- Nin watay harag shabeel oo xabsi dheer loo direy
- Shabeel "saaxiibtiisa" radinayay oo in ka badan 1,000km u lugeeyay
- Musiibo sababtay inuu Shabeel ku seexdo sariir ay qoys leeyihiin
- Shabeel dadcun ah oo maxkamad dil ku xukuntay
- Sawirka kaamerada loo qariyay shabeel oo noqday midkii ugu fiicnaa sannadkan
- Duuliyihii ay diyaaradda kula dhacday meel ay ka buuxaan masas iyo shabeel











