Shabeel dad hortood ku cunay haweeney ka shaqeysa beer xayawaan

Shabeel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shabeelka nooca Siberia

Shabeel nooca Siberian-ka ah oo ayaa haweeney ku cunay beer xayawaan oo ku taal caasimadda Zurich ee dalka Switzerland. xilli ay halkaa ku sugnaayeen dad u soo daawasho tegay goobta iyo weliba shaqaalaha beerta.

Shaqaalaha ayaa haweeneydaasi u gurmaday, balse uma suurtagelin inay noolasheeda badbaadiyaan, sida uu sheegay maamulka beertaasi.

Baaritaan ku aaddan sida uu falkaasi u dhacay iyo waxa dhaliyay in haweeneyda iyo shabeelka ay isku meel joogaan ayaa hadda socda.

Shaqaalaha beerta ayaa sheegay in haweeneydaasi la badbaadin karay haddii gurmadka ay u baahneyd uu soo gaari lahaa xilli wanaagsan .

Shabeelka ayaa la sheegay in sanadkii 2015 uu ku dhashay beer ku taal dalka Denmark, sanadkii horena loo soo wareejiyay xerada Zurich.

Dadkii goobjoogga u ahaa falkaasi naxdinta badan ayaa loo fidiyay gargaar niyad-dejin ah.

Weerarka ayaa dhacay Sabtidii shalay ahayd, waxaana maamulka beertaasi uu sheegay in maanta oo Axad ah ay goobtaasi xirnaan doonto.

In xayawaanka ku sugan xeryaha lagu carbiyo ay halkaa dad ku cunaan ayaa ah arin aan inta badan dhicin, balse ma aha markii ugu horreysay ee xayawaan uu qof ku weerarro gudaha xeradaasi Zurich.

Bishii December 2019, yaxaas ku jiray xeradaasi ayaa gacanta ka qaniinay qof kamid ah shaqaalaha nadaafadda ee halkaa, markii laga fujin waayayna waxa ay noqotay in yaxaaska la toogto.