Ladiifa Annaadi: Waa tuma haweenaydii ugu horraysay Masar iyo Carabta ee duuliye noqotay?

Ladiifa Annaadii

Xigashada Sawirka, WIKIPEDIA

Qoraalka sawirka, Ladiifa Annaadii

Dhamaadkii sannadkii 1933, ayaa gabadhii u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda haweenka ee Huda Shacraawi, waxay dhambaal hambalyo ah u dirtay inan dhalinyaro ah oo dhawr iyo labaatan jir ahayd, waxayna kuna tidhi "dalkaagii baad sharaftay, hankayagiina kor baad u qaadday oo waxaad hormarkeenna saartay taaj lagu faano".

Inantaasi waxay ahayd Ladiifa Annaadi oo lix iyo labaatan jir ahayd, waxaanay munaasibadu ahayd guushii ay ka gaadhay tartan duulimaadyada ah oo lagu qabtay Masar. Waxay ahayd gabadhii ugu horeysay ee Muslim an, kana soo jeeda dalalka Carabta ee duuliye noqotay.

Waa tuma Ladiifa Annaadi?

Ladiifa Annaadii waxay ku dhalatay Qaahira sannadkii 1907, waxa dhalay aabe ka shaqeynayay madbacadda boqortooyada, waxaanay ku biirtay waxbarashada tooska ah taas oo ay ku jireen tiro kooban oo dhigeed ahi waagaa.

Dugsiga dhexe markay ku jirtay ayaya maqashay Ladiifa duulimaadyada. Arintaas oo waagaa ahayd wax cusub ayaa maankeeda qabsaday ilaa ay go'aansatay in ay ka dhabayso.

Sannadkii 1932 waxa la aasaasay dugsiga duulimaadka Masar oo laga furay Almaada. ka dibna halkaa ayay ka gashay Ladiifa.

Laakiin si ay hawshaasi ugu suurto gasho waxa qasab ahayd in ay baadhaan laba askari oo boolis ah oo ay soo hubiyaan in ehelkeedu ogol yahay iyo in ay iska bixin karto lacagta lagu dhiganayo.

Ladiifa waxay ula timi maamulka dugsiga hooyaded, si ay u buuxiso shardiga koobaad waxaanay si xeeladaysan shaqo uga heshay dugsiga oo ay xog-hayn u noqotay si ay iskaga bixin karto lacagta. Arintaas aabaheed waxba kama ogayn in ay dugsigaa gashay.

Ladiifa waxay toddobaadkii geli jirtay laba xiisadood ilaa ay qaadatay 67 saacadood oo tabobar ah oo ay bareen macalimiin Masaari iyo shisheeye ahi.

Sannakdii 1933 ayay Ladiifa hesha ruqsada duulimaadka sidaas ayayna ku noqotay haweenaydii u horaysay Masar ee ruqsadaa heshey iyo gabadhii labaad ee dunida. Waxaa ka horaysay uun gabadh Maraykan ah oo lagu magacaabi jiray Emelia Hart oo keligeed diyaaradda duulin jirtay.

Waxay Ladiifa noqotay qofka 34 ee ruqasadaa qaata dalka Masar.

Bishii Diisember 1933, waxa tartan duulimaadka dheereeya ah lagu qabtay Masar oo ay ka qayb galeen duuliyeyaal ka socday in ka badan lixdan dawladood.

Ladiifa waxay kaga qayb gashay tartankaasi inta u dhaxaysa Qaahira iyo Alexanderia. Dadkii oo dhanna waxay kaga yaabisay in ay noqtay qofkii ugu horeeyey ee gaadhay goobtii loo tartamayey. Dhamaan intii tartanka ku jirtay, daqiiqad buuxda ayay ka horraysay.

Laakiin gudidii ayaa diiday in ay u qiraan in guushaa gaadhay, kuna dooday in ay iska indho tirtay laba teendho oo ku yaallay xeeliga badda cad oo aanay ku dul wareegin midkood, sidii loo baahnaa waxaana abaalmarintii sidaa lagu siiyey tartame Faransiis ahaa.

Ladiifa Annaadii oo noqotay hal hays

Wargeysyada Masar ayaa ku dhaatay artinaa ugubka ahayd, waxaanay Ladiifa Annaadii noqotay halhays maadaama ay noqotya haweenaydii u horaysay dalkaas ee diyaarad duulisa.

Salaama Muusa oo ka waramaya ayaa wargeyska "Al-Majalla Al-Jadiida" ku qoray, cadadkii soo baxay Jeeniweri 1934, waxaanu yidhi: "Laakiin Masar waxay la dagaalantay dhaqamadan oo way ku guulaysatay dagaalkaa… waxay dunida u muujisay in gabadha Masriyada ahi aanay ahayn guri joog... iyo in ay leedahay dhiirani mudan in ay caalamka ka yaabisio."

"Haweenka ayey safka hore kaga jirtaa…. Waana taa aan aragno in horumarka Ladiifa Annaadi uu astaanta u yahay qof kasta oo reer Masar ahi kuna dhaadanayo".

Ladiifa waxay ka sheegaysay in aabaheed markii uu arrinta ogaaday aad ugu cadhooday oo aanu rumaysan xirfadeeda illaa mar ay diyaaradda ku qaaday oo ay dul marisay Ahraamta. Duulimaadkaas oo ay Ladiifa ku sheegtay inuu ahaa kii ugu fiicnaa nolosheeda.

Ladiifa waxay albaabka u furtay jiilalkii ka dambeeyey ee hablaha reer Masar, oo ay ka mid yihiin Linda Mascuud, Casiisa Maxram, Caayida Takla iyo qaar kale.

Ladiifa waxay u dhooftay Switzerland oo ay degtay oo ay ka qaadatay dhalashada dalkaas, halkaas ayayna deganayd ilaa sannadkii 2002 oo ay ku dhimatay iyada oo 95 jir ahayd.