Koonfur Afrika: Muxuu yahay xeerka lagu doonayo in dumarka ay niman badan isla qabi karaan?

Dumarka ragga badan isla guursada

Xigashada Sawirka, Olivia Howitt

Qoraalka sawirka, Dumarka ragga badan isla guursada

Haweenka ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa laga yaabaa in dhowaan loo oggolaado in ay "mar qura guursan karaan in ka badan hal nin", iyadoo sababta lagu sheegay in la dhiirri gelinayo sinnaanta.

Soo jeedintan oo hadal heyn badan ka dhalisay gudaha dalkaas ayaa waxaa haatan eegaya dowladda Madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Ragga Koofur Afrika ayaa sharci ahaan waxaa loo oggol yahay inay haween badan guursadaan.

Waaxda Arrimaha Gudaha Koonfur Afrika ayaa dhowaan soo jeedisay in haweenka si sharci ah loogu oggolaado inay mar qura niman badan guursan karaan, si lamid ah ragga dalkaas.

Qoraalka Codka, Guurka casriga ah oo la dhaliilay

Warbixin guurka ku saabsan oo ay waaxda arrimaha gudaha daabacday, ayaa lagu sheegay in sharciga guurka ee haatan dalkaas ka jira uu faquuqayo haweenka, isla markaana uusan ka tarjumeynin sinnaanta jinsiga.

Warbixinta oo loogu magac daray Warqadda Cagaaran ayaa sidoo kale waxay aqoonsaneysaa guurka Hindida, Yuhuudda, Muslimiinta iyo kan Rastafari-ga.

Dadweynaha dalkaas waxay heystaan ilaa dhammaadka bisha June si ay fekerkooda uga dhiibtaan arrintan.

Sidee arrintan looga falceliyay?

Elizabeth Retief, oo xubin ka ah ururka PolyamorySA, ayaa soo dhoweysay soo jeedintan iyadoo ku sheegtay inay tahay tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah.

Sida ay qabto Retief, soo jeedinta waaxda ayaa horseedi doonta in la aqbalo dhaqanka guurka badan ee dalkaas.

Waxay sheegtay in guurka badan ay ku saleysan yihiin qiyamka, fekerka dhaqanka iyo doorarka jinsiga kala duwan.

Dad kale oo la dhacsan soo jeedintan ayaa baraha bulshada kaga dhiibtay ra'yigooda:

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

"Nin Afrikaan ah ma oggolaanayo inay haweenka rag badan isla guursadaan"

Mzwanele Manyi oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Isbeddelka Afrika (ATM) ayaa su'aal geliyay sida in haweenka loo oggolaado inay rag badan mar qura isla guursadaan ay wax uga qaban karto sinnaanta.

"Ma waxaa i dhaafay cabashada haweenka ama shirarka iyagoo ku baaqaya inay rag badan mar qura guursadaan?" ayuu yiri.

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

"Hadday raggu yihiin qashin, maxay haweenku u doonayaan kuwo kale?" ayuu Manyi ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Wuxuu intaas raaciyay in nin Afrikaan ah oo magac qabiil ku abtirsada uusan oggolaan doonin inay haweenku rag badan mar qura isla guursadaan.

"Nin Afrikaan ah waxba kuma falayo haweeney uu uureeyay nin kale. Sidaas darteed, haddii ay haweeneydu qabaan saddex nin oo Afrikaan ah ayna uur yeelato, labada kale waa 'inay bannaanka ka joogaan' inta ay uurka leedahay. Taas mala sameyn karaa?"

Dad badan ayaa hadalka siyaasigan ka falceliyay, iyadoo qaar ay taageereen kuwo kalena ay ku dhaliileen inuu ka soo horjeedo sinnaanta.