Doorashada Somaliland: Afar arrimood ka ogow codeynta sannadkan ee goleyaasha deegaannada

Guddiga doorashooyinka ee Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa shalay shaaciyay liiska musharaxiinta ka qayb geli doona doorashooyinka dawladaha hoose ee dhowaan dhici doona.
Waa markii saddexaad ee Somaliland laga qabanayo doorashooyinka golayaasha deegaan. Markii ugu horeysay waxay ahayd 15 December ee sannadkii 2002. Sidoo kale 2012-kii ayaa ugu dambeysay oo la doortay goleyaashan.
Doorashadii ugu horreysay ee 2002 waxaa ka qeybgalay lix xisbi siyaasadeed, waxaana ka soo baxay seddax xisbi oo kala ahaa UCID, UDUB IYO KULMIYE.
Sidoo kale, doorashadii ugu dambeysay ee 2012 waxaa ka qeybgalay toddobo urur siyaasadeed, waxaana soo baxay saddex ka mid ah oo kala ah KULMIYE, UCID iyo WADDANI.
Tirada Musharrixiinta Goleyaasha deegaanka
Sida la shaaciyay dhawaan, illaa 553 musharrax ayaa ku tartameysa 353 kursi oo ah dhammaan deegaannada Somaliland. Doorashadii 2012-kii waxaa kuraastaasi ku tartameysay musharrixiin gaareysa 2368.
Doorashadan oo dhici doonta 31 bisha May ee sannadkan, waxaa lagu tilmaamay middii ugu adkeyd dhanka loolanka oo dhallinyaro badan ay qeyb ka yihiin.
Tirada Haweenka
Ka dib markii musharrixiinta la kala reebay, keliya 14 haween ayaa u soo baxay in ay u tartami karaan kuraasta doorashada ee goleyaasha deegaanka. Tiro intaas ka abdan ayaa ku dhawaaqday inay daneynayaa inay tartamaan balse dhammaantood uma suroobin inay helaan musharraxnimo.

Qaar ka mid ah madaxda haweenka ee Somaliland waxay sheegeen in nidaamka lagu soo xulay musharaxiintaas uu xagal daaciyay haweenka. In kastoo ay soo dhoweeyeen in tiro ka badan kuwii hore ay hadda musharrixiinta ka mid yihiin.
Nafisa Yuusuf Maxamed, Agaasimaha fulinta ee Ururka haweenka Nagaad ee Somaliland, waxay BBC Somali u sheegtay in "aysan farxad gelineynin" tirada yar ee haweenka ah ee doorashada ka qeybgalaya.
"Awalba waxaa na reebayay wixii oo qabiil lagu qeybsanayo. Kootadii dumarka waxay noqotay in rag loo xirayo", ayey tiri.
Xisbiyada siyaasadda ee Somaliland ayaa horey u ballan qaaday in gobol walba ay ka soo saarayaan 18 haween ah. "Xisbiyada shuruudeeda maaney buuxin", ayey tiri Nafisa.
Tirada dadka codeynaya iyo waxa doorashadan ku cusub
Tirada codbixiyaasha doorashadan isku diwaan geliyay waa 593,749 oo qof. Waxaa lagu darayaa ilaa 700,000 oo horey u haysatay kaarkii codeynta ee doorashadii hore. Walise si rasmi ah looma shaacin tirada rasmiga ah ee codbixiyeyaasha.
Doorashadan, Tirada axsaabta siyaasadda ma aysan kordhin waxaana doorashada ka qeybgalaya seddaxdii xisbi ee ugu dambeeyay ee kala ah KULMIYE, UCID iyo WADDANI.
Musharrixiinta la reebay iyo sababta
Musharrixiinta waxaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin shahaado jaamacadeed iyo mid dugsi sare, si ay ugu qalmaan in doorashada ay ka qeybgalaan.
Sidoo kale waxaa laga doonayay in ay la yimaadaan warqad caafimaad oo caddeyneysa caafimaadka maskaxda.
Waxaa kaloo qasab ahayd in musharrax kasta uu la yimado warqad muujineysa in uusan weligii dembi galin.
Deegaanno qaar oo Somaliland ay sheegto in dhulkeeda ay ka tirsan yihiin, ayeysan doorashadan ka dheceynin, waxaana ka mid ah Badhan iyo Laasqorey.













