Prince Philip: Madaxda Caalamka oo ka fal celiyay geerida amiirka Edinburgh

Prince Philip with ex-US President George W Bush in Washington in 2007

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Prince Philip wuxuu boqoradda ku wehlinayay ilaa boqol safar, markanna waxay la sawiran yihiin madaxweyne George W Bush iyo xaaskiisa Laura oo ay Washington kula kulmeen 2007

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa farriimo tacsi ah usoo diraya Qoyska Boqortooyada ee Qasriga Buckingham kaddib markii lagu dhawaaqay geerida Prince Philip, oo ahaa Amiirka Edinburgh, kaasoo ku dhintay da'da 99.

Boqortooyooyin, madaxweyaal, Ra'iisul Wasaareyaal isugu jira kuwo hore iyo kuwo hadda xilalka haya ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada seyga boqoradda Ingiriiska.

Amiirka dhintay wuxuu boqoradda ku wehlinayay ilaa boqol booqasho oo ay ku tagtay meelo ka mid ah caalamka.

"Wuxuu tusaale lagu daydo u ahaa jiil aan waligood dambe dib u arkeynin," ayuu yidhi Ra'iisul Wasaaraha Australia, Scott Morrison.

Australia

Mr Morrison ayaa sheegay in amiirka uu taageero joogto ah siin jiray boqoradda, sidoo kalena uu garab taagnaa hayado badan oo ka dhisan Australia.

Hoggaamiyihii hore ee dalkaas, Julia Gillard, ayaa sheegtay in amiirka uu ahaa "nin waajibaad badan hayay, taageero buuxdana heystay".

Sweden

Boqor Carl Gustaf ayaa sheegay in amiirka uu ahaa "saaxiib wanaagsan oo qoyskiisa ay isu dhawaayeen sannado badan, xiriir aad u wanaagsanna uu ka dhaxeeyay".

Afhayeen u hadashay Qoyska boqortooyada Sweden oo lagu magacaabo Margareta Thorgren ayaa BBC-da u sheegtay in boqorka iyo amiirka dhintay ay si wadajir ah markab ugu raaceen England, iyadoo intaasna ku dartay: "Safarkaas wuxuu bilow u ahaa saaxiibtinnimo aad u weyn oo ka dhaxeysay labadooda."

Holan

Qoyska boqortooyada ayaa sheegay in ay Prince Phlip ku xasuustaan qaddarin aad u ballaaran, waxayna intaas ku dareen: "Wuxuu noloshiisa oo dhan u qoondeeyay inuu u shaqeeyo dadka reer Britain iyo gudashada waajibaadkiisa.

Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, George W Bush, ayaa ku amaanay amiirka inuu ahaa nin sharaf badan, isagoo sheegay in Prince Philip uu soo qaatay "nolol dheer oo xasuus badan leh" uuna "ahaa nin u qalmay naftiisa iyo dadka kaleba".

Belgium

Boqor Philippe ayaa farriin tacsi oo khaas ah u diray boqoradda, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inuu si toos ah ula hadlo boqoradda marka ay macquul noqoto.

EPA

Xigashada Sawirka, Prince Philip

Qoraalka sawirka, Prince Philip oo ka qayb galay xaflad ku saabsaneyd Dagaalkii 1-aad ee Adduunka, oo ka dhacday Ypres, Belgium, 2013

Malta

"Waxaan si dhab ah uga naxnay geerida Prince Phlip, oo gurigiisa ka dhigtay Malta marar badanna kusoo noqon jiray halkan. Dadkeennu waligood way xasuusnaan doonaan," ayuu soo qoray Ra'iisul Wasaare Robert Abela.

New Zealand

Ra'iisul Wasaare Jacinda Ardern ayaa tidhi: "Anigoo ku hadlaya afka shacabka New Zealand iyo dowladda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa boqoradda iyo dhammaan qoyskeeda."

India

Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa sheegay inuu murugada la qaybsanayo "shacabka Britain iyo Qoyska Boqortooyada". Wuxuu sheegay in amiirka dhintay "uu sharaf ku lahaa xirfadda militariga uuna hor muud ka ahaa howlo samafal ah oo ka socday dalal badan".

The Duke of Edinburgh with his mother Princess Alice Of Battenberg

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiirka Edinburgh oo la sawiran hooyadiis Princess Alice Of Battenberg

Israel

Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in amiirka uu ahaa "Howl-wadeen u shaqeynayay shacabka aadna looga xiisi doono Israel iyo caalamka oo dhan".

Amiirka hooyadiis, Princess Alice of Battenberg, oo geeriyootay 1969-kii, ayaa ku aasan Kaniisadda Mary Magdalene ee magaalada Qudus.