Cusmaan Nurmagomedov: Waa kuma wiilka doonaya inuu baddelo feeryahanka Muslimka ah ee Khabib?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Usman Nurmagomedov wuxuu sheegay inuu doonayo inuu "raaco wadadii" wiilka ay ilma adeerka yihiin ee Khabib Nurmagomedov.
Khabib waxaa loo arkaa inuu yahay mid kamid ah halgamayaashii ugu fiicnaa ee MMA marwalba xitaa kadib markii uu ka fariistay cayaaraha sanadkii hore isaga oo rikoor fiican ka heysta.
"Waxay ii tahay dhiiro galin weyn inaan ku dagaalamo magaca Nurmagomedov," Usman ayaa sidaasi usheegay BBC Sport.
"Waxaan rabaa inaan raaco raadadka Khabib, inaan raaco safarkiisa, aakhirkana aan noqdo qof ka sii wanaagsan isaga."
Usman waxa uu bishii Oktoobar heshiis la saxeexday shirkadda fadhigeedu yahay Maraykanka oo lagu magacaabo MMA oo ah shirkad maalgelisa ciyaarta Bellator ka dib markii uu si qurux badan ugu bilaabay xirfaddiisa.
22 jirkaan ayaa dhammeystiray 10 ka mid ah 11-ka dagaal ee uu ka qeyb galay, iyadoo toddobo ka mid ah uu yimaaday wareega koowaad.

Xigashada Sawirka, Instagram
Wuxuu si joogto ah tababar ula qaataa laacibkii hore ee feerka UFC ee Khabib wuxuuna yidhi khibraddu waa u diyaargarowga ugu habboon ee dagaalkiisa, jidh ahaan iyo maskax ahaanba.
"Dhammaan tababarkayga oo dhan waxaan la qaatay Khabib," ayuu yiri Usman.
"Waa shaqo aad u adag in lala tartamo oo lala tababarto. Marka sidaa darteed marka uu tabarka dhamaado waa kuu fududaanayo inaad la dagaallanka dadka kale."
"Wax walba waxaan ka bartaa Khabib. Mar kasta oo aan doonayo inaan wax ogaado ama barto, Khabib ayaa jooga."
'15 dagaal hal maalin'
Khabib wuxuu sheegay in sababta ugu muhiimsan ee uu u go'aansaday inuu ka fariisto ay tahay inuu maamuuso xusuusta aabihiis iyo tababarihiisa Abdulmanap Nurmagomedov, oo bishii Luulyo u dhintay dhibaatooyin ka dhashay xanuunka Covid-19.
Usman, oo sidoo kale uu tababaray Abdulmanap, wuxuu maamuusay adeerkiis.
"Wuxuu i baray wax walba, ma ahan oo kaliya dagaal, laakiin shaqsi ahaan qofkaan ahay sidoo kale", ayuu yiri Usman.
"Wuxuu i baray sida loola hadlo dadka, sida loola dhaqmo dadka, wuxuu i baray wax walba.
"Aad ayaan u tabayaa isaga."
Usman wuxuu legdanka ku bilaabay siddeed jir ka hor intaan loo soo bandhigin MMA markii uu gaaray 11 sano.
Markuu ahaa 18, Usman wuxuu xasuustaa waqti uu Abdulmanap u kaxeeyay inuu ka qayb galo tartanka sambo, halkaas oo uu maalin qura ku dagaallamay 15 goor oo la yaab leh.
Sambo waa nooc ka mid ah tartanka dagaalka oo caan ka ah Ruushka.
"15 daqiiqadood kasta, waxaan galayay tartaan dagaal oo cusub."
Usman ayaa sheegay in hadii Abdulmanap uu halkaan joogi lahaa maanta,uu wax badan ka caawin lahaa.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan











