Xasuusta carruurtii ay aabbeyaashood xasuuqa geysteen: 'Aabbeheey wuxuu ahaa dilaa halis badan'

"Aabbe, ma waxaad dishay boqollaal qof?" Su'aashaas ma aha mid ay dadka badankood jecel yihiin inay weydiiyaan waalidiintooda. Laakiin gabdho iyo wiilal u dhashay dalka Argentina, waxay ku khasban yihiin in ay helaan jawaabta su'aashaas.
Markii ay maqashay dhawaaqa telefoon gurigooda oo lasoo wacayo, Analía Kalinec oo daggan magaalada Buenos Aires waxa kama aysan ogeyn in wicitaankaas uu burburin doono qoyskeeda.
"Waxay ahayd hooyadeey. 'Fiiri, ha nixin laakiin aabbahaa wuxuu ku jiraa xabsi,' ayay igu tidhi. 'Balse ha walwalin, arrintan waxay ku saabsan tahay siyaasad uun.' Ilaa markii uu telefoonkaas ii soo dhacay, waligey uma maleynin in aabbeheey uu ku lug lahaa xukun kali talis ah. xitaa hal mar kama fikirin..."
Analía aabbeheed, oo lagu magacaabo Emilio Kalinec, wuxuu ahaan jiray askari hore oo lasoo shaqeeyay dowladdii militariga ee arxanka darneyd ee dalka Argentina kasoo talisay intii u dhaxeysay 1976-kii ilaa 1983-kii.
Isaga waxaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah tacaddiyadii bani'aadannimo ee ugu xumaa dalkaas taariikhdiisa dhow - kuwaasoo isugu jira 180 afduub, jir dil iyo dilal laga fuliyay xero qarsoodi ah oo ay dowladda lahayd.
Toddobadii sano ee ay xukunka heysatay, dowladda militariga ah waxay bartilmaameedsatay siyaasiyiinta kasoo horjeeday - sida dadka hanti wadaagga aaminsan, kuwa bulshada u adeega, hoggaamiyeyaasha ururrada, ardayda iyo dadka dhinaca fanka u dhaqdhaqaaqa.
Ilaa 30,000 oo ruux ayaa "la waayay" kaddib markii la afduubtay si sharci darro ahna ay xabsi u geeyeen askarta dowladda ee uu ka mid ahaa Kalinec.
Laakiin Analía wax war ah kama aysan heynin sirta aabbeheed ee sida fiican looga qariyay ilaa laga soo gaaray sanadkii 2005-tii, markaas oo ay ahayd 25 jir. Xilligaas ayay ahayd markii ay hooyadeed telefoonka kasoo wacday.
Kalinec waa la xiray, waligiisna lama sii deynin, inkastoo xaaskiisa ay rajo fiican ka qabtay in la iska fasixi doono. Sanadkii 2010-kii, waxaa lagu riday xukun xabsi daa'in ah oo uu ku muteystay tacaddiyo bani'aadannimo oo lagu helay.
"Wuxuu i weydiiyay: 'Ma u maleyneysaa inaan ahay dilaa?'" ayay tidhi Analía. "Muxuu iga filayay inaan dhaho? Wuxuu ahaa aabbeheey oo aan jeclaa, aad baan ugu dhawaa.... waan argagaxay."

Paula (oo BBC-da ka codsatay inaan la adeegsanin magaceeda oo dhammeystiran) ayaa sidoo kale ka war heyshay sirta ku saabsan aabbeheed ee qarsooneyd.
Markii ay ahayd 14 jir ayuu iyada iyo walaalkeed u kaxeeyay goob lagu qaxweeyo, wuxuuna u sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka sirdoonka. Markii dambe waxay ogaatay inuu soo basaasi jiray dadka ay dowladda raadineyso, uuna farta ku fiiqi jiray kuwa lasoo qabanayo.
"Tan iyo markii aan ogaaday in aabbeheey uu qeyb ka ahaa qisooyinka aan ka maqli jiray xukuumaddii kali taliska ahayd iyo inuu isaga usoo shaqeeyay, waxaan dareemayay ceeb iyo sidii inaan aniga lafteyda kasoo qeyb qaatay arrimahaas," ayay tidhi Paula.
"Hadda waan ogahay wax walba, wax aan ka qaban karana ma jiraan. Waxay la mid tahay sida anigoo qarinaya sir aanan dooneynin inaan qariyo."
Gabdhahan sannado ayay ku qaadatay inay maskaxdooda ka dhaadhiciyaan taariikhda qoysaskooda, laakiin dhawaan ayey dareemeen dhiirranaan ku aaddan in la joogo waqtigii ay soo bandhigi lahaayeen.
Waxay qeyb ka yihiin koox isugu jirta wiilal, gabdho iyo qaraabo kasoo jeeda dadkii xasuuqa geystay", sida ay sheegeen.
Waxay eedeeyaan aabbeyaashood, badankoodna waxaa arrintaas ku deyriyay qoysaskooda.

Analía Kalinec, oo hadda ah khabiir dhinaca cilmi nafsiga ku xeel dheer, waxay dhalatay sanadkii 1980-kii, xilligaas oo ahayd markii ugu darneyd ee ay xukuumaddii militariga ee loo yaqaannay Junta ay la dagaallameysay dadkii kasoo hor jeeday ee garabka bidix.
Xasuusteeda ku saabsan aabbeheed oo boolis ahaa waxay kasoo bilaabataa waqtigaas - waxay xasuusataa isagoo u kariya hilibka duban, gabdhihiisa u kaxeeya garoomada ciyaaraha iyo safarrada kalluumeysiga.
Iyada iyo saddex gabdhood oo walaaleheed ah waxaa dhammaantood lagu guursaday da' yar, waxayna jeclaayeen inay siyaasadda ku biiraan.
Maalintii ku xigtay markii ay hooyadeed telefoonka kasoo wacday, waxay xasuusataa in ay aabbeheed xabsiga ku booqdeen.
"Markii aan la hadalnay, wuxuu yidhi 'ha rumeysanina waxa ay iga sheegi doonaan, waxaasoo dhan waa been la dhoodhoobay," ayay tidhi.
Wuxuu qoyskiisa u sheegay inaysan jirin wax uu raalligalin ka bixiyo, dhammaan waxyaabihii uu sameeyayna ay qeyb ka ahaayeen "dagaal", haddana dadka soo dacweeyay ay yihiin kuwii garabka bidix ee dowladda kasoo horjeeday, oo doonaya inay ka aar gutaa.
"Hal eray kama fahmin hadalkiisa," ayay tidhi Analía.
Waxay Analía sheegtay in sheekooyinka ku saabsan xukunkii kali taliska ay u ahaayeen wax lasoo dhaafay, sanadihii ka dambeeyay markii aabbeheed la xirayna ay ku nooleyd inkiraad.
"Markii hore waxaan taageeri jiray hooyooyinka iyo ayeeyayaasha sameeya ololaha ay xuquuqda ugu raadinayeen dadkoodii la waayay," ayay tidhi. "Wax walba way fiicnaayeen laakiin aabbeheey wax lug ah kuma uusan lahayn arrimahaas. Wali waxaan aaminsanaa in khalad laga galay... balse markii dhageysiga dacwada la billaabay ayaan gartay in waxyaabaha uu aabbeheey noo sheegayay ay been ahaayeen."

Analía waxay taariikhdii lasoo dhaafay ee aabbeheed si fool ka fool ah ula kulantay markii ay aqrisay feylasha kiiskiisa. Waxay ogaatay xogta ay marqaatiyaasha bixiyeen ee lagu aruuriyay warqado ka badan 800 oo bog.
"Waxaan aqrista sheekooyinka ku saabsan xeryaha qarsoodiga ah ee ay militariga ku hayeen dadkii la afduubtay. Waxay ahayd sidii khariidad aan meel ka mid ah ku arkayay aabbeheey, wax aan u dul qaadan karana ma ahayn," ayay tidhi.
Dadka dhibaneyaasha ah ma aysan aqoonin magaciisa saxda ah, waxayna u garanayeen oo kaliya "Doctor K". Ciidankii la shaqeynayay oo dhan ayaa magacyo naaneys ah baxsan jiray si ay u qariyaan aqoonsigooda dhabta ah.
"Magacaas waan aqaannay, sababtoo ah ayeeyadeey ayuu mar uga sheekeeyay, markii la weydiiyay sababta naaneystaas loogu bixiyayna wuxuu ku sharraxay inuu ahaa askari toosan oo u ekaa sida qareennada, halkaasna qareennada looga yaqaanno dhakhaatiir. Laakiin waxaa laga yaabaa sababta ay magacaas ugu bixiyeen inay ahayd maadaama uu dhakhtar ka ahaa dadkii lagu jir dili jiray goobtii ay ku magacaabeen 'masraxa qalliinka'."
Analía waxay ugu dambeyn aabbeheed ku wajahday xabsiga dhexdiisa, waxayna ka dalbatay sharraxaad.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Markii aan sidaas sameeyay, waxaan u tagay nin xasaaqsan oo marmarsiiyo u sameynaya wax aan marmarsiiyo loo yeeli karin. Intii uu sharraxaadda wadayna wuxuu ii xaqiijiyay arrintii iigu darneyd oo ah inuu falalkaas oo dhan kasoo qeyb qaatay. Waxay ila noqotay wax aan qaadan waayay oo maskaxda ila xanuuntay."
Murugadeeda waxaa aad usii xoojinayay in qofkaas uu ahaa aabbeheed oo ay jecleyd ilaa yaraanteedii, sida ay sheegtay Analía.
"Markii hore waxaan isku dayi jiray inaan kala saaro. Waxaan dhihi jiray, 'dhinac waxaa taagan aabbeheey dhinaca kalena ninkii dadka jir dili jiray.' Sidaas ayaan u baahnaa haddii kale maskaxdeyda way qarxi lahayd. Laakiin waxaan garawsaday in xaqiiqdu ay ahayd in labada ruux ee aan isbarbardhigayo uu yahay hal qof oo kaliya."
Tobannaan qof ayaa ku caddeeyay Eduardo Kalinec inuu ka mid ahaan jiray raggii ka qeyb qaatay xariga, su'aalo weydiinta iyo jir dilka ka dhici jiray saddex xarun oo dadka lagu heyn jiray. Wuxuu xilligaas da'diisa u dhaxeysay 20 ilaa 30 sano.

Xigashada Sawirka, CIJ
Laakiin dhammaan dadkii falalkaas arxan darrada ah kasoo qeyb qaatay caddaalad lama wada marsiinin. Kiisas badan waxaa loo waayay caddeymo ku filan oo hoeseedi kara in lala xisaabtamo dadkii eedeysnaa - sida Paula aabbeheed oo kale.
"Waan ogahay waxa uu sameeyay, sababtoo ah wuu iiga sheekeeyay," ayay tidhi. "Wuu ku faraxsanaa waxa uu sameeyay, wuxuuna isu arkayay halyeey."
Ilaa xilliga sirta fashilantay laga soo gaaray, waxay u heysatay inuu aabbeheed ahaa qareen. Waligeed kuma aysan arkin dharka booliska.
"Wuxuu ahaa dhowr iyo labaatan jir, sawirrada aan yaraanteyda arki jiray kama aysan muuqanin inuu boolis ahaa. Wuxuu lahaa timo dhaadheer, wuxuu xiran jiray shaarar nooca gacmaha dheer ah... wuxuu u ekaa dhalinyaradii caadiga ahayd ee 1970-meeyadii."

Markii ay Paula wax walba ogaatay, way aamini weysay, sida ku dhacday Analía oo kale.
Toban sano kaddib markii ay runta ogaatay, isla markii ay hooyadeed geeriyootayba, Paula waxay xiriirka u jartay aabbeheed.
Dabayaaqadii 2019-kii waxay maqashay in loola cararay isbitaal kaddib markii uu dhiig kar kusoo booday, waxay ku labalabeysay inay booqato.
Ma aysan aadin. Markii loo soo sheegay geeridiisana, kama aysan qeyb galin aaskiisa.

Dhowr sano ka hor ayay is heleen Analía iyo Paula - waxaa kale oo ay is heleen tiro kale oo ka mid ah carruurtii ay aabbeyaashood ahaayeen booliska, sidoo kalena kasoo hor jeestay waxa ay ku kaceen.
Is aragtidooda ma ahayn mid iska nasiib ah. Waxaa sabab u ahaa go'aan ay maxkamadda ugu sarreysa dalka Argentina soo saartay 2017-kii, xilligii ay jirtay dowladdii midigta-dhexe ee madaxweyne Mauricio Macri, waxaana xukunkaas lagu sii daayay boqollaal ka mid ah dadkii lagu eedeeyay tacaddiyada ka dhanka ah bani'aadannimada, oo uu ka mid yahay Eduardo Kalinec.
Durbadiiba nus malyan qof ayaa ku mudaharaaday waddooyinka, iyagoo dalbanaya in go'aankaas laga noqdo, dadkaasna dib xabsiga loogu celiyo - sidaas ayaana la sameeyay.

Xigashada Sawirka, Valeria Perasso
Mudaharaadkaas ayay isku arkeen labada gabdhood iyo kuwo kale oo iyaga la mid ahba.
"Waxaan rabnaa in aabbeyaasheen ay maraan ciqaabta dambiyadii ay geysteen," ayay tidhi Analía.
Sawirrada xuquuqdooda waxaa leh qoysaska Analía Kalinec iyo Paula.










