Maxaa ku qasbay Jilaagan in ay dharka dhigato iyada oo masraxa taagan?

Xigashada Sawirka, EPA
Jilaa u dhalatay dalka Faransiiska ayaa cabasho ay qabtay ku muujisay in ay dharka iska dhigto oo ay is qaawiso xilli lagu guda jiray xafladda abaalmarinta filmaanta Fransiiska.
Corinne Masiero, oo 57sano jir ah ayaa ka dalbanaysay dowladda faransiiska inay taageerto dhaqankan xilligan lagu guda jiro feyrisaka Corona ee safmarka ah.
Mrs Masiero, ayaa markii goobtii ay xafladda ka socotay looga yeeray waxay soo gashay iyada oo xiran go'o dhiig leh oo loo ekeysiyay dameer ka hor inta aysan maryaha isaga dhigin masraxa.
Goobaha shaneemooyiinka dalkaasi Faransiiska ayaa xiran in ka badan muddo saddex bilood, taasi oo qeyb ka ah xakameynta feyriska Corona.
Masiero ayaa lagu casuumay xafladaasi abaalmarinta aflaanta Faransiiska si ay u bixiso mid ka mid ah abaalmaranidii halkaasi laga bixinayay.
Balse waxay ka naxisa dadkii xafladda ku sugnaa ka dib markii dharka ay isaga bixisay masraxa islamarkana jirkeeda ku qorta erayo ay ka mid ahaayeen "dhaqan ma jiro, dhaqan ma jiro.
Waxay si toos ay codsi ugu jeedisay rai'sul wasaraha Faransiiska Jean Castex, Masiero waxaana farriin dhabarka uga qornayd ay ahayd: "dib noogu soo celi dhaqanka,Jean."
Jilaayada iyo agaasimayaasha filimada ayaa markii ay xafladda khudbadaha ka jeedinayeen dhankooda codsi kaasi la mid ah jeediyay.
Bishii December, boqolaal isugu jira jilaayaal iyo fanaaniin ayaa isugu soo baxay waddooyiinka magaalada Paris iyaga oo ka cabanaya go'aanka ay dowladda ku xirtay goobaha lagu soo bandhigo dhaqanka.










