Jilaa Faransiis ah oo lagu khalday argagixiso

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii qof ka shaqaynaya tareen dheereeya oo marayay Koonfurta Faransiiska uu suuliga ka maqlay erayada "qori" iyo "hub" oo af Ingiriis ah wuxuu is yiri balaayo ayaa dhici doonta.
Arrintan ayaa ku soo aaday maalin uun ka dib markii magaalada Paris lagu fashiliyay weerar la qorshaynayay.
Xaaladda oo aad u kacsan ayayna booliisku tareenka ka soo galeen boosteejada Valence
Laakiin qofka laga shakiyay wuxuu noqday jilaa Faransiis ah oo ku celcelinayay erayadii uu filinka ku jili lahaa si uu u sii xifdiyo.
Tareenka ayaa laga dajiyay isaga oo su'aalo la waydiiyay balse markii dambe waa la sii daayay.
- Gabadh Muslim ah oo Faransiiska lagu dhibay
- Qaxooti Suuriyaan ah oo Kanada ku nool oo wiilkooda u bixiyay Justin Trudeau
- Masuul Faransiis ah oo ganaax ku mutay hadal uu Muslimiin ka sheegay
- Faransiiska: Muran ka dhashay mamnuucida dhar badda lagu xirto
- 28 Nin oo Faransiiska u dagaalamay ayaa dhalasho la siiyey
Arrintaasi waxay dhacday Arbacadii ka dib iyadoo tareenkaasi uu ka soo kici timay magaalada Marseille uuna ku sii jeedo caasimadda Paris, sida uu ku warramay websiteka Farance Bleu ee wax ku qora afka Faransiiska.






