Afduubka Nigeria: Sababtan ayaan u doonayaa inaan ugu laabto iskuulkii la iga afduubay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gabar laga afduubtay dugsi sare oo ku yaala gobolka Zamfara ee Nigeria ayaa sheegtay in inkasta oo dhibaato fool xun ay soo gaartay ay danaynayso inay ku laabato iskuulka.
Gabadhan oo la hadashay BBC Hausa, oo aanan magaceeda la shaacinin ayaa ka warantay habeenkii ay dabley hubaysnayd qabsadeen 279 arday oo ay ka mid ahayd, balse waxa ay sheegtay in dhacdadaan aysan waxbarsheeda ka raabi doonin.
"Runtii waxaan rabaa inaan ku laabto iskuulka maxaa yeelay waxaan rabaa inaan yeesho mustaqbal ifaya, balse waxaan u baahanahay dowladda inay ciidammo nabad galyo oo joogto ah geyso iskuulkeena ka hor inta aanan dib ugu noqonin." ayay tiri.
Waxay sharaxaad ka bixisay sida jugta culus iyo dhawaqa rasaasta ee hurdada ka kiciyay abbaare 01:00 Jimcihii , iyadoo rag hubeysan ay soo galeen qolka ay ku jireen , taasoo naxdin ku reebtay inta badan ardayda.
"Waxaan u haysannay inay yihiin macalimiinteena oo raba inay noo kiciyaan salaada subax.
"Waxaan maqalnay dhawaaqa rasaasta, wax yar kaddin rag hubaysan ayaa qolkeena soo galay markaas ayaan wada qaylinnay," ayay tiri.
Waxay ku hanjabeen in ay toogan doonaan cidii sii qaylisa, iyaga oo ka sii cabsi qaba gabdhaha.
Gabdhaha ayaa markaa la isugu keenay barxadda iskuulka waxaa lagu amray inay u sheegaan ardayda kale halka ay ku dhuumanayaan
"Qaarkood way nala joogeen halka kuwa kale ay aadeen qolalka kale ee harsan oo ay ka soo heleen ardayda kale. Kadibna waxay nagu amreen inaan ka baxno iskuulka, iyagoo rasaas hawada u ridaya, waxayna nala aadeen dhanka kaymaha iskuulka ka dambeeya," ayay tiri.
Kooxo hubeysan oo ka howlgala Zamfara ayaa inta badan afduub ka fuliya halkaas, si ay u helaan madax furasho, laakiin markii rag hubeysan ay in ka badan 300 oo wiilal ah ka kaxeysteen Kankara oo deris la ah gobolka Katsina bishii Diseembar ee sanadkii hore, ayaa wararka qaar waxa ay sheegeen in kooxda Boko Xaram, oo ka howlgasha waqooyiga-bari ay ka dambeeyeen weerarka.
Ugu yaraan 42 qof oo ay ku jiraan 27 arday ah, kuwaasi oo laga afduubtay magaalada Kagara ee gobolka Niger, ayaa weli ku jira gacanta dadkii afduubtay.
Afduubka sanadkii 2014-kii magaalada Chibok ee waqooyi bari dalkaas Nigeria ay maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee Boko Xaram ku qafaasheen gabdho iskuulley ah oo gaaraya 276, ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaas oo ah aafo lagu bartilmaameedsanayo Iskuullada Nigeria, balse weeraradii ugu danbeeyay ayaa waxaa looga shakinsan yahay in ay ka danbeeyaan kooxo burcad oo danbiilayaal ah.
Waxay nagu qariyeen godad
"Markii aan xoogaa ku soconay mugdiga kaymaha, waxaa nagula amray inaan godad seexanno."
"Waxaan soconnay ugu yaraan 12 saacadood ... markii aan gaarnay xeradooda aad ayaan u daalnay.
"Waxay noo kala qaybiyeen laba qaybood, waxaa jiray laba geed oo waaweyn oo godad waaweyn lahaa oo ku dhow meel biyo mareen ah, waxayna koox walba ka codsadeen inay galaan godadka.
"Godku ayaa aad u yaraa balse waxaan ku qasbanayn inaan hadalkooda raacno.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xerada dhexdeeda gabdhaha waxaa lagu qasbay inay karsadaan raashinkooda, iyadoo afduubayaasha ay geeyeen wabi si ay biyo uga soo dhaamiyaan.
Gabadha ayaa sheegtay in kooxda afduubatay ay ku hadlayeen luuqadda Fulani, oo ah luuqad ay ku hadlaan dadka dagan waqooyiga Nigeria.
Ma aysan fahmaynin luuqada balse qaar ka mid ah ardayda kale ayaa u tarjumay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo bishii Diseembar, in ka badan 600 oo arday ayaa laga afduubay iskuulo ku yaal woqooyiga galbeed Nigeria, taas oo abuurtay walaac hor leh oo ku saabsan dhibaatada afduubka ee dalkaas ka jirta.
Afduubkii Jimcihii loo geystay 317 arday oo ka tirsan Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Jangebe, oo ku yaala gobolka Zamfara, ayaa ahaa afduubkii labaad ee laga geysto dugsiyada muddo ka yar 10 maalmood, iyada oo 27 wiil iyo macallimiintooda oo laga kaxeystay iskuul ku yaal Kagara, gobolka Niger 17-kii Febraayo.
Maamulka ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday iskuullada waqooyi galbeed ay geysteen "burcad", hubaysan iyo maleeshiyaadka kale ee hubeysan ee ka howlgala gobolka, kuwaas oo inta badan dhaqaalahoodu yahay lacag madax-furasho ah inay dadka weydiistaan.
Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari ayaa dhawaan sheegay in dowladdiisa aanay u jilci doonin handadaadda uga imanaysa kooxaha dambiilayaasha ah ee bartilmaameedsanaya carruurta iskuulayda ah ee aanan waxba galabsan.
Bayaanka madaxweynaha ayaa daba socday afduubka 317 gabdho iskuulay ah oo Jimcihii laga afduubtay iskuul ku yaal waqooyi galbeed Nigeria.
Bayaanka oo ku qornaa luuqad adag ayuu madaxwayne Buhari ku sheegay in dowolad goboleedyada dalkaasi laga doonayo in ay dib u eegis ku sameeyaan nidaamyadooda ah in dambilayaasha lagua baalmariyo lacago iyo gawaari,.
Waxaa uu madaxwaynaha ku celiyay oo kali ah wax sanooyiin badan uu sheegayay mamaulkiisa, taasi oo ah in aysan wadaxaajood la gali doonin burcadda afduubyada geysta.










