Maalinkii ugu dhimashada badnaa dalka Myanmar

Xigashada Sawirka, Reuters
Booliiska dalka Myanmar ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal halkaasi oo ay ugu yaraan 18 qof ku dhinteen, waxaa sidaasi shaaciyay xafiiska xuquuqda aadanhaa ee Qaramada Midoobey.
Xafiska ayaa ku tilmaamay in maanta ay ahayd maalinkii ugu dhimasada badnaa tan iyo intii ay bilaabmeen dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay.
Waxaa sidoo kale dhimasho laga soo sheegay dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Yangon, Dawei iyo Mandalay, halkaai oo ay booliiska isticmaaleen rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
Ciidamada ammaanka ayaa shalay bilaabay howgal khasaaro geystay ka dib muddo toddobaadyo ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo afgembigii 1 February ay xukunka kula wareegeen militariga.
Dhanka kale Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay in dibadbax nabadeed awood xad dhaaf ah ay booliiska u adeegsadaan ka dib dilka 18 qof.
Xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dhacdadasi.
Dadka falanqeeya arrimaha dalkaasi ayaa sheegaya in ay jirto halis ah in ay rabshadaha sii kordhaan maadaama dibadbaxayaasha iyo militarigaba aysan muuqan in go'aankooda ay ka laabanayaan.

Xigashada Sawirka, EPA
Hogaamiyihii Myanmar Aung San Suu Kyi, ayay sidoo kale militariga xabsiga u taxaabeen,markii ay xukunka la wareegeen, taasi oo cambaareyn kulul ay kala kulmeen.
Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaanno Burma, waxaa xukumayay militariga ilaa inta ay isbadallada dimuqraadiyadeed ka billaabanayeen sanadkii 2011-kii.
Sanadkii 2015-kii, markii ay waddankaas ka dhacday doorashadii ugu horreysay oo si madax bannaan loogu tartamay muddo tobannaan sano gudahood ah, Aung San Suu Kyi ayaa qabsatay xukunka kaddib markii ay guul taariikhi ah ka gaadhay doorashada.
Waxaa loo arkayay in ay tahay qof ku dayasho mudan oo u dadaalay dimuqraadiyadda, sidoo kalena xuquuqdeeda uga tanaasushay si ay ula dagaallanto janaraallada xukunka adag ee militariga.
Gudaha dalkeeda, wali waxay ka tahay qof taageero ballaadhan ka heysa shacabka u baan diinta Budiistaha.
Laakiin dhinaca caalamka, sida ay uga jawaabtay xasaradaha muslimiinta Rohingya awgeed, waxaa looga arkaa qof ay sumcad darro weyn ku dhacday.
Maamulka Aung San Suu Kyi waxaa lagu bartay sida uu ula dhaqmay qoomiyadda muslimiinta u badan ee Rohingya - oo dalkaas looga tiro badan yahay. Haddaba sidee bay haweeneydan nabadda ku caan baxday ku gaartay heerkan?










