Ammaanka Galmudug ma faraha ayuu ka baxay?

Xigashada Sawirka, Galmudug State House
Tiro madaafiic ah ayaa xalay lagu weerarray magaalada Dhuusamareeb oo ay xilligaas ku sugnaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), Ra'iisale Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.
Dhawr qof ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen weerarkaas madaafiicda loo adeegsaday.
Dhuusamareeb ayaa martigelinaysa shir muhiim ah oo ay madaxdaas uga tashanayaan khilaafka hareeyay hannaanka doorashada lagu waday inay soo billaabato dhamaadkii sanadkii hore.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in la dilay mid ka mid ah dableyda xalay madaafiicda ku weerartay magaalada Dhuusamareeb isla markaana la qabtay mid kale.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ilaa toban madfac ay ku rideen dhawr goobood oo ka tirsan Dhuusamareeb oo ay ku jirto xarunta madaxtooyada.
Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in duqeynta kadib ay ciidamada dowladda fuliyeen hawlgal ka dhan ah dableyda falkaas geysatay.
"Hawlgal ay ciidamada isla habeennimadii ka sameeyeen duleedka magaalada ayaa waxaa lagu dilay mid kamid ah dableydii madaafiicda soo riday, mid kalena waa lagu qabtay oo ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku haya," ayuu yiri wasiir Falagle.
Wasiirka ayaa intaa raacisay in duqeynta xalay ujeedkeedu ahaa in lagu khalkhal geliyo shacabka deegaanka, balse ammaanka Dhuusamareeb uu sugan yahay oo aan wax dhibaato ah ka jirin.
Balse waxaa fekerkaas mid ka duwan qaba xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise, oo ka mid ahaa baarlamaankii hore ee Galmudug.
"Duqeynta xalay waxay muujinaysaa in habacsanaan dhanka amniga ah ay jirto, maadaama ay magaalada ku sugan yihiin madax heer qaran ah. Waa markii ugu horreysay tan iyo markii la yagleelay Galmudug oo ay Al-Shabaab awood u yeeshaan inay duqeeyaan caasimadda maamulkan."

Xigashada Sawirka, Galmudug State House
Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya qeybo ka tirsan Galmudug, sida degmada Ceelbuur iyo deegaanno xeebta ku teedsan oo ay kamid tahay Xarardhere.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa khudbaddiisii musharraxnimada ee uu sanad ka hor ka jeediyay baarlamaanka maamulkaas ku sheegay inuu sida ugu dhaqsaha badan Al-Shabaab uga qabsan doonaan deegaannada ay ka joogaan Galmudug.
Dagaalka Xananbuure
Deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45KM u jira Dhuusamareeb waxaa maalintii afaraad ka socda dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed, waxaana halkaas laga soo sheegayaa khasaaro nafeed.
Wasiir Falagle ayaa BBC u sheegay in dagaalka Xananbuure ay xalliyeen bilooyin ka hor, haatanna ay diyaar u yihiin inay kala dhex galaan "labada maleeshiyo ee isku jufada ah" ee halkaas ku dagaallamaya.










