Tallaalka coronavirus ee Pfizer: Mareykanka oo ansixiyay in dawadan loo adeegsado xaaladaha degdega ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay'adda maamusha Cunnada iyo dawooyinka waddanka Mareykanka (FDA) waxa ay meelmarisay in xaaladaha degdega ah loo isticmaali karo tallaalka fayraska korona ee ay samaysay shirkadda Pfizer-BioNTech.
Hay'adda ayaa sheegtay in meelmarinteedu ay aheyd "guul taariikhi ah" oo laga gaaray cudurka safmarka ah, kaas oo gudaha Mareykanka ku galaaftay nolosha in ka badan 295,000 oo qof.
Tallaalka, oo horseedaya in difaaca jirka uu boqolkiiba 95% ka hortago cudurka Covid-19, Waxay hay'adda FDA u aragtaa inuu yahay mid waxtar ah oo ammaan ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in tallaalka ugu horreeyay la bixin doono "wax ka yar 24 saacadood".
"Maanta qarankayaga waxa uu gaaray mucjiso caafimaad," Mr Trump ayaa sidaa yiri. "Waxa aynu muddo sagaal bilood ah ku soo saarnay tallaal waxtar ah oo ammaan ah."
Ka hor inta aanan warka lagu dhawaaqin, habeenkii Jimcaha, ayey hay'adda FDA cadaadis wayn kala kulantay maamulka Trump si uu u meelmariyo isticmaalka tallaalka.
Madaxa hay'adda, Stephen Hahn, ayaa loo sheegay inuu tallaalka meelmariyo si loogu isticmaalo xaaladaha degdega ah, ka hor Jimcaha ama inuu xilka banneeyo, waxaa sidaasi ku warrantay warbaahinta Mareykanka, walow uu arrintaas ku tilmaamay "been".
Xoghayaha Caafimaadka iyo Adeegyada bini'aadamka, Alex Azar, wuxuu gelinkii hore ee Jimcaha, weriyayaasha u sheegay in waaxdiisa ay la shaqeyn doonto shirkadda Pfizer si Isniinta ama Talaadada loo bilaabo barnaamij ballaaran oo tallaal ah.
Tallaalka Pfizer waxaa ansixiyay hay'adaha maamula arrimaha caafimaadka ee UK, Canada, Baxrayn iyo Sucuudi Carabiya. Sida dalalkaas, Mareykanka ayaa qeybta ugu horreeya ee tallaalka waxa uu siinayaa dadka da'da ah, howlwadeennada caafimaadka iyo shaqaalaha gurmadka degdega ah.
Dhimashada uu sababay fayraska korona ayaa Mareykanka waxa ay sare u yara kacday tan iyo bishii Nofeembar. Arbacadii, waxa uu dalkaas diiwaangeliyay in ka badan 3,000 oo dhimasho - tiradaas oo ah midda ugu sarraysa ee maalinqura caalamka laga diiwaangeliyay.
Maxay FDA sheegtay?

Xigashada Sawirka, Reuters
"Meelmarinta hay'adda FDA ee in tallaalka Covid-19 in loo adeegsado xaaladaha degdega ah ayaa ah guul taariikhi ah oo laga gaaray cudurkan halaaga ah ee saameeyay qoysas badan oo ku nool waddanka Mareykanka iyo daafaha dunida," ayuu yiri Mr Hahn.
Waxa uu sheegay in ansixintu ay timid kaddib "markii la sameeyay hannaan furan oo baraxtiran oo dib loogu eegayay arrinta" taas oo lagu xaqiijiyay in tallaalku uu gaarsiisan yahay "Heerrarka waxtarka, badqabka iyo tayada wax soo saarka ee hay'adda FDA".

Xigashada Sawirka, Reuters
Khamiistii, khubarada caafimaadka ee latalisa FDA ayaa waxa ay ku talabixiyeen in la ansixiyo in tallaalka loo isticmaalo xaaladaha degdega ah. Guddiga ka kooban 23-ka xubnood ayaa waxa uu gaaray go'aanka ah in faa'iidada tallaalka ay ka wayn tahay halistiisa.
Xaaladaha degdega ah, ayey FDA-du sheegtay, in aanay ahayn ansixin dhammaystiran, taas oo u baahan in Pfizer ay soo buuxiso arji kan ka duwan oo arrintaas ay ku dalbanayso.
Siduu tallaalkan u shaqeeyaa?
Tallaalka Pfizer/BioNTech ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee muujiya natiijo wanaagsan, ka dib markii lagu sameynayay tijaabooyinka markii uu marayay wajiga ugu dambeeyay ee samayntiisa.
Waa nooc cusub oo lagu magacaabo tallaalka mRNA kaas oo isticmaalaya hidda-side yar oo fayraska safmarka ah si jirka loo baro sida loola dagaalamo Covid-19 iyo in difaaciisa la dhiso.
"Tallaalku waxa uu ka kooban yahay waxyar oo fayraska mRNA ee [Covid-19] kaas oo galaya unugyada jirka si uu u sameeyo borotiin gaar ah," ayey FDA tiri.
"Markii qofka lagu duro tallaalka, jirka ayaa waxa uu soo saarayaa borotiinno aanan sababayn cudur balse dhisaya difaaca jirka kuwaas oo baranaya habka la isaga difaaco cudurka [Covid-19]."
Tallaalka waxa uu ka kooban yahay laba cirbadood oo 21 maalmood ay u dhaxayso qaadashadooda, iyadoo dooska labaad uu yahay xoojiyo. Difaaca jirka ayaa xoogaysanaya kaddib marka uu ruuxa qaato dooska koobaad hasayeeshee saameyn buuxdo waxaa la gaarayaa 7 maalmood kaddib marka dooska labaad la qaato.














