Cudurkii dilaaga ah oo ay u dhinteen malaayin qof ee horseeday in la helo tallaalkii ugu horreeyay

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cudurka busbuska waa mid dilaa ah, "Qofka uu ku dhaco wuxuu dareemaya xannuun jirka ah, qandho, dhuun xanuun, madax xanuun iyo neefsiga oo qofka ku adkaado" Sida uu sheegayo René Najera oo ah tafatiraha bog ka hadlo taariikhda tallaalka ahna dhakhtar ku takhasusay baaritaanada cudurrada.

Wuxuu intaas ku daray "Dhammaan qofka uu ku dhacay busbuska waxaa jirkiisa oo idil qabsanayaa boogo laga bilaabo cagaha, dhuunta, xabadka iyo xitaa sanbabada, muddo labo maalmood gudahood wey angagayaan"

Ganacsigii adduunka iyo maamuladii boqortooyada oo si weyn u baahayay ayaa kaalin weyn ka qaatay fiditaanka cudurka busbuska guud ahaan caalamka, cudurka wixii xilliggaas dilay saddex meelood hal meel dadka waaweyn halka 10-kii carruur ah ay 8 kamid ah u dhimanayeen, horraantii qarnigii 18-aad cudurkan wuxuu sanad kasta qaaradda Yurub ku dilayay 4000 qof.

Sanadkii 1721-kii, xanuunka busbuska wuxuu ka dillaacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka, wuxuuna dilay boqolkiiba siddeed bulshada ku nooleyd halkaas, dadkii ka kacay cudurka wuxuu ku reebay saameyn weyn sido . arag la'aan iyo boogo foolxun.

Dadka waxay xilliggaas bilaabeen inay isku daweeyaan siyaabo kala duwan, waxaana kamid ahaa in bukaanada uu ku dhacay cudurka la geyn jiray qol kuleyl ah ama qol qabow ah, dadka qaar waxaa laga reebi jiray inay cunaan qaro ama xab-xab, qarnigii 17-aad, bukaanada qaar waxaa la siin jiray khamri si aysan u dareemin xanuunka.

Ka hor fikradda Jenner dadka waxay isku daweyn jireen siyaabo kala duwan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ka hor fikradda Jenner dadka waxay isku daweyn jireen siyaabo kala duwan

Waxaa markii danbe bilowday dadaallada lagu raadinayo tallaalka, waxaana la sameyn jiray in dheecaanka qofka uu ku dhacay cudurka laga soo saaro si loo ursiiyo qofka uusan weli ku dhicin cudurka. Waxaana nidaamkaas markii ugu horreysay laga adeegsaday qaarahada Afrika iyo Aasiya.

Horraantii qarnigii 18-aad, waxaa laisla dhexmarayay warar ku saabsan inay jiraan dad ku nool dalka Ingiriiska oo adkeysi u leh cudurka busbuska maadama difaaca jirkooda uu adag yahay, haweeney dhaqan jirtay lo'da ayuu ku dhacay busbuska kaas oo kamid ah kan ku dhaca lo'da oo ah mid fudud.

Markii cudurka busbuska uu ka dillaacay galbeedka Ingiriiska sanadkii 1744-tii, nin beeraley ah oo la oran jiray Benjamin Jisty ayaa la yimid fikrad cusub oo ku saabsan tallaalka cudurkan, wuxuu dheecaan kasoo saaray naasaha lo'diisa kaddibna wuxuu mariyay boogaha jirka xaaskiisa iyo canugiisa oo uu ku dhacay busbuska, waxay tallaabadaas suurogelisay inay ka bogsadaan xanuunka.

Sanado kaddib ayaa la ogaaday fikradda Jesty, nin dhakhtar ahaa oo la oran jiray Edward Jenner kaas oo ku noolaa London, ayaa isagana keenay fikrad lamid ah tan ninkaas beeraleyda ahaa.

Jenner wuxuu si weyn ugu han weynaa in uu la yimaado fikrad u horseedi karta in la helo tallaal looga hortaggayo cudurka, sanadkii 1976-dii kaddib markii uu daraasad kusoo sameeyay beeraleyda lo'da dhaqan jirtay wuxuu bilaabay tijaabinta caddeymaha uu soo helay.

Jenner wuxuu deecaan kasoo saaray lo'da uu ku dhacay busbuska, wuxuuna dheecaankaas mariyay jirka canug 8 jir ahaa oo la oran jiray James Phipps, kaddibna waxaa cudurka ka bogsaday canuga, Jenner wuxuu markii danbe canuga ku duray dheecaan laga soo qaaday qof kale oo qabay cudurka busbuska, James iyo dadkii uu la kulmay kuma uusan dhicin busbuska.

Jenner ma uusan aqoon cilmiga seyniska, xilliggaas mana ogeyn in feyraska "variola" uu sababo cudurka busbuska isla markaana kaalinta difaaca jirka ee la dagaallanka cudurka lama ogaan wakhtiggaas.

"Waxay sameynayeen Jenner iyo kooxdiisa waxay ku tiirsanayeen inay xoojiyaan difaaca jirka si looga xusuusto balse wax fikrad ah kama aaney heysin seyniska" ayay tiri Sheila Cruickshank, oo ah profesoor ka tirsan qeybta tallaalka ee jaamacadda Manchester.

Jenner tallaalkii uu kasoo saaray cudurkii ku dhacay lo'da wuxuu uga gollahaa badbaadinta nolosha, wuxuuna ogaa in xakameynta cudurka ay ku xirneyd in tallaal la gaarsiiyo dad badan.

presentational grey line

"Jenner ma uusan dooneyn in uu lacag ka sameeyo tallaalka balse wuxuu dadka ku daaweyn jiray waxa uu isaga keenay, waxa uu doonayay waxay aheyd in la helo tallaal looga hortaggayo fiditaanka cudurka" ayuu yiri Owen Goyer, oo ah agaasimaha matxafka laga sameeyay guriga Jenner.

Guri uu isaga lahaa oo ka sameysnaa alwaax wuxuu u baddalay xarun uu dadka uu ku daweyn jiray, wuxuu halkaas ku qaabilay dadka magaalada Axad kasta si ay u helaan tallaalka.

"Jenner wuxuu dhakhaatiirta u qori jiray waraaqo uu ku tusinayo tallaalka, wuxuuna ugu baaqi jiray inay tijaabiyaan si dhammaan dhakhaatiirta si weyn loo qaddariyo ay dadkooda u gaarsiiyaan tallaal" waxaa sidaas yiri Goyer.

Tallaalo lagu xusayo Edward Jenner oo tallaalayo canugiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tallaalo lagu xusayo Edward Jenner oo tallaalayo canugiisa

Kaddib markii dhakhtar Jenner uu daabacay cilmi baarista uu sameeyay, warka ku saabsan arrintaas wuxuu gaaray guud ahaan qaaradda Yurub, boqorkii Spain ayaa ka caawiyay in la faafiyo farriinta dhakhtarka.

Boqorkii Spain Charles IV, dad badan oo ka tirsan qoyskiisa ayaa u dhintay busbuska, cudurka wuxuu dad badan ku reebay boogo saameyn ku yeeshay noloshooda, waxaana dadkaas kamid ahaa gabadhii uu dhalay boqorka Maria Luisa, wuxuu dhakhtar u xilsaaray in uu hogaamiyo ololaha caalamiga ah si loo gaarsiiyo shacabka ku nool guud ahaa boqortooyada Spain tallaalka.

Markii danbe, ololaha wuxuu gaaray Koonfurta iyo bartamaha Amerika, xitaa waxaa la gaarsiiyay badda Pacific, 20 sano gudahood tallaalka Jenner wuxuu ka qeyb qaatay badbaadinta nolosha malaayiin qof, dalalka waxay bilaabeen inay qaataan tallaalka tan iyo sannadkii 1979-kii oo cudurka dunida laga ciribtiray.

René Najera wuxuu yiri "Khibradda Jenner waxay horseeday rajada ah in tallaal loo heli karo safmarka koroona ee haatan dunida saameeyay, in ka badan 200 sano waxaan helnay macluumaad ku saabsan feyrasyada iyo kaalinta difaaca jirka balse Jenner ma uusan ogeyn macluumaadkan inkasta oo uu horseeday guushan"

"Aragtideydu waxay tahay, in Jenner uu weli kamid yahay halyeeyada fikrad cusub kusoo biiriyay cilmiga seyniska, dadaalkiisa iyo dulqaadka uu muujiyay ee horseeday curinta fikraddaas waxay wax ka baddashay dunida isla markaana ay ka qeyb qaadatay badbaadinta malaayin qof" ayuu yiri Goyer.