Sidee toddobo bilyan oo qof oo ku nool dunida loo gaarsiin doonaa tallaalka Corona?

Dhalooyinka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dhalooyinka lagu keydiyo tallaalka

Cilimi baarayaasha ku sugan guud ahaan caalamka ayaa ka shaqeynayaa sidii lagu heli lahaa tallaal looga hortaggo cudurka Covid-19.

Ra'iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa arrintaas ku tilmaamay "Dadaalkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee laiska kaashado nolosheena"

Marka laga soo tego dadaallada dhanka seyniska ee lagu raadinayo tallaal waxtar leh, su'aasha haatan lais weydinayo ayaa ahaa sidee tallaalka lagu gaarsiin doonaa 7 bilyan oo qof oo ku nool dunida?

Dalka UK, shaqada ugu weyn ee lagu baadi goobayo tallaalka wuxuu ka socda xarunta seyniska ee Harwell ee ku taalla magaalada Oxfordshire, waana goobta noqoneyso xarunta UK ee kusoo saareyso tallaalka iyo halka laga qorsheyn doono cilmi baarista.

"Waxaan fileynaa inay diyaar noqon doonto dabayaaqada sanadka 2022-ka, haatan waxaan rajeyneynaa in aan kusoo bandhigno barta Online-ka sannadka 2021-ka" ayuu yiri Matthew Duchars oo ah madaxa fullinta ee xarunta cilmi baaristan VMIC ee UK.

'Sida adiga oo dubayo Keek'

Matthew Duchars wuxuu sheegay in howsha ka shaqeynta tallaalka ay tahay mas'uuliyad weyn.

"Waa arrin muhiim u ah dalka iyo guud ahaan adduunkaba, in si deg deg ah oo hufan loo soo saaro nooc kamid ah tallaaladan" ayuu yiri.

"Is barbardhiga iyo dadaalka- waxaa uu lamid yahay sida adiga oo guriga ku dubayo Keek, waxaad waqti badan ku qaadan kartaa diyaarinta Keek wanaagsan, haatan waa in aad raadisaa sidii aaad 70 malyan oo qof ugu diyaarin laheyd Keek, waxay dhammaantood doonayaan in uu noqdo mid wanaagsan, marka waa arrin caqabad leh"

Jaamacadda Oxford waxay horey bilowday howlaha baadi goobka tallaalka haatan waxay bilaabeysaa soo saarista tallaaka ka hor inta aanan la ogaan natiijada lagu tijaabinayo tallaalka ee ka socda caalamka.

In la gaarsiiyo dunida, waxay u baahan tahay in la soo saaro balaayin kamid ah tallaalka Covid-19.

Ha'yadda caalamiga ah ee qaabilsan tallaalka ee Gavi ayaa ugu baaqeysaa dalalka caalamka inay ka fakaraan sidii ay u bilaabi lahaayeen tallaalka ka dhanka cudurka Corona.

Tijaabada tallaalka jaamacadda Oxford oo ka socda Koonfur Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tijaabada tallaalka jaamacadda Oxford oo ka socda Koonfur Afrika

Ma fududo in arrintani loo helo iskaashi caalami ah sababta oo ah dalal badan oo qani ah waxay horey heshiisyo labo geesood ah ula galeen shirkadaha soo saara dawooyinka si ay u helaan tallaalka haddii la xaqiijiyo waxtarkiisa.

Sida looga hortagi karo danaha gaarka ah

Seth Berkley oo ah madaxa fullinta ee Ha'yadda caalamiga ah ee qaabilsan tallaalka ee Gavi ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay 'Qarameynta tallaalka' taas oo looga kala jeedo in dalka soo saaro tallaalka marka hore uu isku bilaabo.

"Waxay ila tahay, in dhammaan waddamada ay ka fakaraan dunida inteeda kale waana arrinta ugu waanaagsan ee muhiimka ah, ka fakarka danaha gaarka ah waa arrin meesha ku jirto"

Profesoor Toby Peters oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha cimilada qabow kana tirsan jaamacadda Birmingham ayaa ha'yadaha sida Gavi ka caawinayaa sidii ay ku ballaarin lahaayeen firinjeerada la hayo ee lagu keydinayo tallaalka ee waddamada horumaray.

Waxaa loo baahan yahay dhalooyin iyo firinjeer lagu keydiyo tallaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa loo baahan yahay dhalooyin iyo firinjeer lagu keydiyo tallaalka

Yaa safka hore uga jiraa?

Dr Charlie Weller, oo ah madaxa tallaalka ee ha'yadda UK Wellcome TrusT , waxay sheegeysa in dalalka ay su'aalo badan iska weydin doonaan tallaalka.

"Yaa u baahan tallaalkan? dalkee wajahayaa halista ugu badan? yaa mudnaanta la siinayaa? waxaana loo baahan yahay in go'aan laga gaaro arrintaas.

Xitaa fullinta howlaha tallaalka waa kuwa adag.

Tusaale ahaan dalka UK, waxay eegeysaa nidaam ku aadan goobaha codeynta si ay faahfaahin uga hesho tirakoobka shacabka balse dalalka saboolka ah xaaladdu sidaas wey ka gedisantahay.

Dr Charlie Weller waxay sheegeysaa in adeegyada xarumaha caafimaadka oo tayo leh iyo shaqaalaha caafimaadka oo khibrad leh ay fududeyn karto in la tallaalo dadka gaarka ah.

Seynisyahanada waxay filayaan in la heli doono tallaal balse intooda badan waxay sheegayaan in habeenkii ay u soo jeedaan sidii loo heli lahaa wax loo baahan yahay ee ah si balaayin qof loo gaarsiiyo tallaalka.