Tacaddiyada Nigeria: Maxkamadda caalamiga ah ee ICC maxay ka baareysaa dalkaas?

Dad isugu soo aruuray meeel ay weerar ku qaadeen Boko Haram oo u dhow magaalada Maiduguri

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad isugu soo aruuray meel ay weerar ku qaadeen Boko Haram oo u dhow magaalada Maiduguri

Haweeneyda dacwad oogaha ka ah maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka adduunka ee ICC-da ayaa ku baaqday in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo dambiyada dagaal ee ka dhanka ah aadanaha ee ka dhacay dalka Nigeria.

Baaqaan ayaa daba socda baaritaan muddo toban sano ah socday oo ku saabsanaa rabshadaha ka socda waqooyi bari ee dalkaasi oo ay ku lug leeyihiin mintidiinta Boko Haram.

Dacwad ooge Fatou Bensouda ayaa sheegtay in dambiyada ugu badan ee ay geystaan "dad aan dowladda ka tirsaneyn ", balse waxaan meesha laga saari karin in ciidamada amaanka Nigeria ay sidoo kale u baahan yihiin in baaritaan lagu sameeyo.

Iska hor imaadayada ka dhacay Nigeria waxaa ku dhintay in ka badan 30,000 oo qof waxaana ku barakacay in ka badan laba milyan oo qof.

Diyaar garowga Maxakamadda ICC, oo laftiisu bilowday sanadkii 2010-kii, ayaa hadda lagu soo gabagabeeyey "in la buuxiyey shuruudihii lagu furi lahaa baaritaanka dhibaatooyinka Nigeria ka dhacay.

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhaweysay talaabadaan ku aadan in baaritaan lagu sameeyo dambiyada ka dhaca dalkaas waxaana ay ku tilmaantay go'aan dhibanayaasha u horseedi kara in ay cadaalad helaan.

Maxey sheegtay haweeneyda dacwad oogaha ah?

Ms Bensouda waxay soo bandhigtay liis dheer oo ah falal la sheegay in ay sameeyen kooxda Boko Haram oo ka kooban dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo dambiyada dagaal.Waxaana ka mid ah dambiyada dhacay dil, kufsi, addoonsi galmo, jirdil, cadaadis, afduub iyo in carruurta ka yar 15-ka sano oo la hubeeyay isla markaana lagu qasbay in ay ka mid noqdaan kooxaha hubeysan.

Ms Bensouda ayaa sheegtay in iyada ujeedkeedu yahay in dambiilayaasha lagu maxkamadeeyo nidaamka cadaalada ee Nigeria balse, in kasta oo dadaallada qaar la sameeyay, haddana Maxakamadda ICC ma aysan dabagelin eedeysanayaasha ay rumeysantahay in maxkamad lagu soo taago wixii ay faleen.

Fatou Bensouda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Fatou Bensouda

Waxay dalbatay in taageero dhaqaale uu xafiiskeedu ka helo dhinacyada Nigeria iyo dowladaha maalgaliya Maxakamadda ICC-da.

Agaasimaha hay'adda Amnesty International ee dhanka baaritaannada ayaa sheegay in talaabada dacwada oogaha ay tahay "talaabadii ugu horeysay ee micno leh oo dhanka cadaaladda loo qaaday isla markaana ay u arkaan iney tahay mid cadaallad ay ku heli karaan dhibanayaasha dhibaatadu ka sooo gaartay dhinacayada isku haya waqooyi bari Nigeria.

Maxeynu ka ognahay mintidiinta Boko Xaraam?

Mintidiinta Boko Xaraam ayaa dagaal waday in ka badan tobanaan sano sidii ay u ridi lahaayeen dowladda Nigeria isla markaana u abuuri lahaayeen dowlad Islaami ah.

Kooxda ayaa markii hore awood ku yeelatay waqooyiga dalka Nigeria balse sanadkii 2015-kii ayaa isbaheysi ay sameysteen dalalka Chad, Niger iyo Cameroon waxaa uu dib ugala wareegay inta badan goobihii ay ka talin jireen.

Dowladda Nigeria ayaa dhowr jeer sheegatay in kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalkaas farsamo ahaan looga adkaaday balse Boko Haram ayaa kordhisay weerarada ay qaadayeen bilihii la soo dhaafay.

Maxay tahay shaqada ICC-da?

Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Hague waxay qayb ka ahayd nidaamka caddaaladda adduunka tan iyo sanadkii 2002. Waxaa lagu aasaasay heshiiskii Rooma, kaasoo ay ansaxiyeen 123 dal, in kasta oo Mareykanku yahay maqane xusid mudan.

Waxey isku daydaa inay caddaaladda horkeento kuwa mas'uulka ka ah dambiyada xunxun - xasuuq, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, iyo dembiyada dagaalka waxeyna leedahay awood caalami ah.

Dacwad ooguhu wuxuu bilaabayaa baaritaanka hadii kiiska ay u gudbiyaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ama wadan ansaxiyay.

Garsoorayaasha ICC-da ayaa markaa go'aan ka gaaraya baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dacwadaas. Ku dhowaad 50 qof ayaa dacwad lagu soo oogay, balse maxkamadda ayaa la kulantay eedeymo la xiriira eex ka dhan ah Afrika. Dadka la dacweeyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir, hogaamiyihii Libya Muammar Qaddaafi iyo madaxweynihii Ivory Coast Laurent Gbagbo.