Maalmihiisa ugu dambeeya xafiiska ee Trump : Xukunno dil oo la dedejinayo

Xigashada Sawirka, Drew Angerer
Iyadoo ay xisaabsan yihiin maalmaha Madaxweyne Donald Trump ee Aqalka Cad, ayaa maamulkiisa wuxuu qorsheynayaa inuu amro fulinta dhowr xukun oo dil ah.
Shan xukun oo dil ah ayaa lagu wadaa in la fuliyo kahor caleema saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden oo dhici doonta 20-ka January - tan oo jebineysa xeerkii jiray 130-kii sano ee la soo dhaafay ee hakinta xukunnada dilalka ah inta lagu guda jiro muddada xil wareejinta madaxtinnimo.
Haddii dhammaan shanta xukun la fuliyo, Mr Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii amray fulinta xukunnada dilka ee ugu badan wax ka badan muddo qarni laga joodo, waxayna tirada ka dhigeysaa 13 dil oo la fuliyay tan iyo bishii July sanadkan.
Fulinta dilalkan ayaa lagu wadaa inay bilowdaan toddobaadkan dhexdiisa, waxaana lagu bilaabi doonaa Brandon Bernard oo 40 jir ah iyo Alfred Bourgeois oo 56 sano jir ah. Waxaa labadooduba la qorsheynayaa in dilkooda lagu fuliyo xabsi ku yaalla Terre Haute, Indiana.
Xeer-ilaaliyaha Guud William Barr ayaa sheegay in waaxda caddaaladdu ay u hoggaansan tahay sharciga haatan jira. Balse dadka cambaareeya ayaa sheegaya in tallaabadan ay tahay mid walaac leh, ayna ku soo aadeyso toddobaadyo uun kahor inta uusan xilka qaban Mr Biden oo sheegay inuu isku dayi doono soo afjaridda xukunka dilka.
"Tani waa mid aan la qaadan karin," ayay tiri Ngozi Ndulue, oo agaasimaha baaritaanka ka ah Xarunta Warbixinta Xukunka Dilka ah.
Halkan ka ogow sababta ka dambeysay in Madaxweyne Trump uu haatan dedejiyo xukunka dilka.
Waa maxay siyaasadda haatan ka jirta Mareykanka?
Tan iyo intii xukunka dilka ee federaalka ay soo saartay Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka sanadkii 1988, xukunnada dilka ah ee Mareykanka ka dhaca dhif ayay ahaayeen.
Kahor inta uusan Mr Trump xilka qaban, keliya saddex xukun oo dil ah oo heer federaal ah ayaa dhacay muddadan.
Dhammaantood waxaa la fuliyay intii uu xilka hayay Madaxweynihii Jamhuuriga ka tirsanaa, George W Bush, waxaana ku jiray maxbuuskii Timothy McVeigh, oo loo heystii qaraxii dhismaha federaalka Magaalada Oklahoma. Tan iyo sanadkii 2003, ma jirin gebin ahaanba wax xukun dil ah heer federaal ah oo la fuliyay.

Xigashada Sawirka, SOPA Images
Gobollada Mareykanka ayaa sii waday fulinta dilalka maxaabiista ku jira xabsiyada gobollada, iyadoo tirada maxaabiista lagu fuliyay xukunka dilka sanadkii hore ay gaareyso 22. Balse xaddiga fulinta xukunnada dilka ayaa hoos u dhacaysa.
Gobollo badan ayaa cirrib tiray ciqaabta noocan ah, halka inta badan ay mamnuuceen amaba aysan fulin wax dil ah in ka badan qarni.
Ra`yi ururin la sameeyay November 2019 ayaa sidoo kale lagu ogaaday in 60% dadka Ameerikaanka ah ay xabsi daa`im ka door bidayaan xukunka dilka markii ugu horreysay tan iyo intii la bilaabay ra`yi ururinta muddo ka badan 30 sano kahor.
"Taageerada dadka ee xukunka dilka hoos ayay u dhacaysaa muddo qarni laga joogo," ayay tiri Ms Ndulue.
Dhibaatooyin kale ayaa ka dhashay habka loo fuliyo dilka, helitaanka dawooyinka loo adeegsado cirbadda dadka lagu dilo, iyo qarashka ku baxa dacwadaha maxkamadda ee tobnaanka sano qaata.
Muxuu sameeyay maamulka Trump?
Bishii July 2019, Mr Barr ayaa ku dhawaaqay jadwalka xilliga ay dhacayaan xukunka dilka shan qof, iyadoo aan la eegeynin fakarka bulshada.
"Congress-ku wuxuu amray xukunka dilka," ayuu war saxaafadeed ku yiri sarkaalka ugu sarreeya dhanka sharciga dalkaas. "Waaxda caddaaladda waxay ku taagan tahay sharciga - dhibbanayaasha iyo qoysaska ayaana nagu leh inaan ku dhaqaaqno xukunka ay amartay waaxdeenna caddaaladda."
Maxaabiista la xushay ayaa lagu xukumay inay dileen oo ay kufsadeen carruur iyo dad da` ah, ayuu yiri Mr Barr.
Tallaabadan ayaa cambaareyn kala kulantay Dimuqraaddiyiinta iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.
"Waxaan dareemeynaa [xukunka dilka] inuu yahay ciqaab adag oo aan dastuurka waafaqsaneyn taas oo ay ahayd in la cirribtiro tobnaan sano kahor," ayay tiri Lisa Cylar Barrett, oo agaasimaha siyaasadda ka ah xarunta maalgelinta difaaca sharciga ah ee NCAAP.
Xulashada gaarka ah ee maxaabiistan ayaa sidoo kale la sheegay inay tahay mid ay dano siyaasadeed ku dheehan yihiin.
Kooxdii ugu horreysay ee xukunka dilka lagu fuliyay xagaagan - intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhan ah cunsuriyadda - waxay dhammaan ahaayeen rag caddaan ah. Hadda, afar ka mid ah maxaabiista lagu fulin doono dilka waa Afrikaan Ameerikaan.
Ms Ndulue ayaa sheegtay inaysan qabin inay tahay wax si kama` ah isugu soo aaday in maxbuus madow ah aan xukun dil lagu fulin xilli ay socdeen wacyigelinno ku saabsan takoorka isirka ku saleysan ee hareeyay xukunnada dilka heerka federaal.
Baaritaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in xukunnada dilka ah la fuliyo iyadoo loo eegayo isirka.
Maxaa hadda dhacaya?
Haddii ay dhacaan dilalka Brandon Bernard iyo Alfred Bourgeois sida la qorsheeyay 10-ka maxbuus ee la dilay sanadkan 2020 waxay noqon doontaa tiradii ugu badneyd abid oo muddo sanad gudhiisa ah la fuliyo inta taariikhda lagu hayo.
"Waa inaan u laabannaa 1896 si aan u helno sanad kale oo la fuliyay dilal 10 ama ka badan ah," ayay tiri Ms Ndulue.

Xigashada Sawirka, Courtesy Bernard Defense Team
Maamulka Trump ayaa doordibaday in la fuliyo xukuno dil ah xilli lagu gudo muddada xil wareejintiisa.
Xeer-ilaaliyaha Guud William Barr wareysi uu siiyay AP wuxuu difaacay xukunada dilka isla markaana sheegay in "waddada lagu joojin karo xukunada dilka ah ay tahay in sharci ahaan meesha laga saaro'.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo sidii lagu soo afjari lahaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyo maxaabiista.
Maxay tahay siyaasadda Biden ee ku aadan xukunnada dilka ah?
Trump wuxuu in muddo ah u ololeynayay fullinta xukunnada dilka ah balse Biden ayaa kasoo horjeeday arrintaas.
Madaxweyne ku xigeenka la doortay Kamala Harris waxay si xooggan u dhaleeceen jirtay fullinta xukunnada dilka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaabiista wajahaya xukunnada dilka ah
- Brandon Bernard, waxaana dambi lagu soo oogay sanadkii 1999-kii kaddib markii uu dilay labo wasiir oo dhalinyaro ahaa oo kala ahaaTodd iyo Stacie Bagley. waxaa la qorsheeyay in xukun dil ah lagu fuliyo 10 bisha Dicember xilli ay jireen baaqayo ah in la cafiyo ama xukunka loo khafiifiyo maadama uu ahaa qof da' yar xilligii uu dilka geysanayay.
- Alfred Bourgeois waxaa la sheegay in uu jirddil iyo dil isugu daray gabadh uu dhalay 2 sano jir haeyd, waxaana la qorsheeyay in xukun dil ah lagu fuliyo 11 December.
- Lisa Montgomer waxay ciijisay haweeney uur leh oo ku sugneyd Missouri ka hor inta aanay jarjarin isla markaana afduubin canugeeda sanadkii 2004-tii, waxaa la qorsheeyay in haweeneydan xukunka dilka ah lagu fulliyo 12 bisha January.
- Cory Johnson waxaa lagu soo oogay dambi ah in uu dilay 7 qof, waxaana arrintaas lala xiriiyay in uu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada gudaha magaalada Richmond ee gobolka Virginia, waxaana la qorsheeyay in xukunka dilka ah lagu fulliyo 14-ka January.
- Dustin John Higgs waxaa sanadkii 1996-dii lagu helay dambi isugu jiro falal afduub iyo dil isugu jiro oo uu u geystay saddex dumar ah gudaha magaalada Washington, waxaana fullintta xukunka dilkiisa ah la qorsheeyay 15-ka bisha January.












