Xukunka dilka: dalal badan ayaa weli leh sharci u oggaalanay

Xigashada Sawirka, Huw Evans picture agency
Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa iclaamiyey Maalin u gaar ah ka hortagga xukunka dilka ee heer caalami, isaga oo ammaan u soo jeediyey waddamada joojiyey xukunka dilka in dalalkooda laga fuliyo.
Wuxuuna Mr Guterres sheegay "Ku dhawaad 170 dal in laga mamnuucay xukunka dilka ama ay ku howlan yihiin sidii dalalkooda looga joojin lahaa." Waxayna waddmada qaar meel mariyeen heshiiyo ay ku joojinayaan fulinta xukunka dilka.
Sida ay sheegtay Hay'adda Amnesty ee xuquuqda aadanaha Caalamiga 2017-kii, iney 172 dal xukunka dilka in la joojiyo sharci ahaan ay u meel mariyeen.
Warbixintu maxay tilmaameysaa?
Warbixin ku saabsan xukunka dilka ee uu Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres uu bishi September uu ku soo bandhigay shirka golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay yeesheen ayaa wuxuu ku sheegay " "Ku dhawaad 170 dal in laga mamnuucay xukunka dilka ama ay ku howlan yihiin sidi loo joojin lahaa xukunka dilka ama hakiyey muddo 10 sana ah."
Qaramada Midoobay oo ay xubna ka yihiin 193 dal, waxay warbixintu tilmaameysaa 23 dal oo ka mid ah waddamadaasi in 10-kii sano ee la soo dhaafay ugu yaraan hal dil ay fuliyeen.
Waxayna qaramada midoobay sheegtay tiradaasi iney ka soo xigatay warbixinnada ay ka heshay dowladaha xubinka ka ah ama hay'adaha bulshada rayadka ah ee madaxa bannaan.
Si kastaba ha ahaatee, Hay'adda Amnesty ayaa waxay leedahay "33 dal oo ka mid ah waddamada xubinka ka ah qaramada midoobay tobanki sano ee ugu dambeysay iney fuliyeen ugu yaraan hal xukun oo dil ah.

Xogta Amnesty ay xukunka dilka iyo waddamada fuliyo ay ka diyaarisay waxay ka soo uruurisay warbixinnada dowladaha ka soo baxa, warbaahinta iyo xogta la xidhiidha shaqsiyaadka dilka lagu fuliyey qoysaskooda ay ka heshay.
Afar dal ayaan xukunnadi dilka ee ugu badnaa oo dhaca 2017-ka laga fuliyey waddamadaasi oo kala (Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Pakistan iyo Iiraan).
Shiinaha oo ka mid ah waddamada dilalka ugu badan laga fuliyo balse xogtiisa aan si dhayal ah lagu helin waxay hay'adda Amnesty aaminsan tahay dad ka badan 1000 qof inuu dalka Shiinaha sanad walba uu xukun dil ah ku fuliyo.
Warbixintu waxay intaa ku dartay daraasadda la sameeyey 2017-ka in lagu ogaaday hababka dadkaasi lagu dilo iney isugu jiraan qofka qoorta oo laga gooyo, daldalaad, irbad lagu sun oo lagu mudo iyo xabado lala dhaco.
Hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamka waxay isku raaceen markay xogaha ay hayaan iisu geeyeen sanadki tagay ee 2017-ka 33 dal iney xukun dil ah ku qaadeen dad ka badan 2,591 qof.

Xigashada Sawirka, AFP
Hay'adda Amnesty ayaa waxay aaminsan tahay :
- 106 dal oo oggol in xukun dil ah la fuliyo inuu sharcigoodu uu dhigeynin
- 7 dal oo keli iney xukun dil ah ku ridaan qofka dambiyada waaweyn ee dagaalka geysta oo keli ah
- 29 dalna waxay leeyihiin sharci u oggolaanayo xukunka dilka ah balse 10-ki sano ee ugu dambeysay xukun dil ah ma aysan fulinin
- 56 dalna waxay leeyihiin sharci u oggolaanayo xukunka dilka balse weli hay'adahooda garsoorka ineysan ridin xukun dil ah in la fuliyo
Amnesty waxaa kale oo ay sheegtay 5 dal oo aan ka mid ahayn qaramada midoobay oo ay ka mid tahay Thailand iney xukunno dil ah fuliyeen sanadkan 2018-ka.

Dalka Malaysia ayaa noqday waddanki ugu horreeyey oo ka jawaabay baaqa xoghayaha guud ee qaramada midoobay waxayna ku dhawaaaqday iney hadda kaddib dalkeeda ka mamnuuceyso xukunka dilka.
1,200 oo qof oo u dhasahay dalkaasi ayaa sugayey xukun dil ah in lagu fuliyo iyada oo ay maxkamadaha ku xukumeen, kalfadhiga baarlamaanka dalka Indonesiyana wuxuu u mudeysnaa inuu arrintan sidi laga yeeli lahaa uu ka doodo.
Waddamada iyaguna dhawaan shaaca ka qaaday iney xukun dil ah ay dalalkooda ka mamnuucaan waxaa ka mid ah dalalka Guinea, Mongolia, Gambia iyo Burkina Faso.
Sanadki tagay dalka Mareykanka oo keli ah waxaa xukun dil ah lagu fuliyey 23 qof.

Waddamada inta u dhaxeysay 2013-2017-ka xukunno dil ah fuliyey:
Afqaanistaan, Baxrain, Bangladesh, Belaruus, Botswana, Chad, China, Masar, Equatorial Guinea, Iiraan, Ciraaq, Urdun, Kuweit, Malesiya, Nayjeeriya, Kuuriyada Waqooyi, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Sacuudi Carabiya, Sigapore, Soomaaliya, Suudaan, Taywaan, Thailand, Imaaraadka, Mareykanka, Feytnaam iyo Yeman. Hay'adda Amnesty warbixinteeda kuma soo darin waddamada Suuriya iyo Yemen oo ay dagaallo sokeeya ka socdaan oo ay hay'adaha garsoorka ay shaqeeynin.
21-ka dal ee aan xukun dil ah fulinin mudaddaasi waxay kala yihiin:
Antigua iyo Barbuda, Bahamas, Barbados, Belize, Komoros, Kuuba, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, Dominika, Itoobiya, Gaambiya, Guyana, jamaika, Lebnaan, Lesooto, Qadar, Saint Kitts iyo Nevis, Sain Lucia iyo Grenadines, Tobago, Ugaanda iyo Zimbaabwe.










