Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya: Labada waddan midkee daandaansiga wado?

Xigashada Sawirka, Villa Somalia/State House Kenya
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 7 maalmood ah u qabatay diblumaasiyiinta Kenya ee dalka ka howlgala in ay oga baxaan waddanka.
Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.
"Dowladda Soomaaliya iyaadoo ka duuleeysa madax-banaanideeda qaran ee uu dammaanad qaadaya xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta qaranimada, midnimada iyo xasiloonida ka saaran dalka, waxay go'aansantay iney xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Kenya."
Arrintan waxay daba socotaa xilli dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee November ay mar kale soo cusboonaatay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii ay dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeysay dhiggeeda Kenya in aysan u qaddarineynin sida dal la siman oo kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa markaas wadatashi ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee Fadhiya Kenya, sidoo kalena waxaa dalkiisa loo diray safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho.
Siduu khilaafkan muddada jiray ku bilowday?
Xurgufta labada waddan ee soo socotay waxay ka soo billaabatay murankii xadka badda ee sannadihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay, walina kiiskiisa uu hor yaallo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.
Laakiin arrimaha xiisadda hadda cusbooneysiiyay waxaa ka mid ah eedeynta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jeedisay Kenya inay taageerto maamulka Jubbaland, iyadoo la ogyahay in uu khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay uu ka dhaxeeyo madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedkaas.
Qodobbada kale ee ku gadaaman xasaradda labada dal ee dariska ah waa in Soomaaliya ay xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilligan oo ay Soomaaliya kusoo fool leedahay doorasho ay mucaaradka hannaankeeda saluugsan yihiin ayey qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo hor jeeda maamulka hadda jira sheegayaan in aysan dowladdu daacad ka ahayn howlaha la xiriira doorashadaas.
Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ay dadka wax falanqeeya u aaneynayaan sababaha khilaafka soo cusbooneysiiyay waa in dowladda Soomaaliya ay dareemeyso cadho ku aaddan in Kenya ay hoy u tahay mucaaradka iyada ka soo hor jeeda.
Qodobkan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo qudheeda ma aysan qarsanin sida ay uga xanaaqsan tahay.
Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo 2-dii bishan December warfidiyeenka kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay "in Kenya ay noqotay meel ay ku hirtaan mucaaradka damacsan in ay meesha ka saaraan hannaanka dowladeed ee hadda jira".
"Intii ay Soomaaliya soo kabatay, marna ma dhicin in hal siyaasi oo mucaarad ku ah dowladnimada Kenya laga soo abaabulo Muqdisho iyo Soomaaliya, si loogu khalkhal galiyo dariska. Laakiin taas baddalkeeda, Nairobi waxay noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya, lagaga noqdo heshiisyada lagu gaadho Soomaaliya gudaheeda, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeenna," ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
Laakiin Kenya ayaa dhankeeda dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay marmarsiiyo aan jirin ka dhiganeyso cudurka Covid-19 si ay ugu mamnuucdo ganacsiga qaadka ee looga soo dhoofiyo Kenya, laakiin wali duullimaadyada qaadka wada ee ka imaada Itoobiya loo oggol yahay inay tagaan Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska The East African.
Mamnuucista ganacsiga qaadka ee la geeyo Soomaaliya wuxuu saameyn adag u geysanayaa kumannaan ka mid ah beeraleyda qaadka abuura ee Kenya.
Rajada Kenya ay ka qabto kiiska muranka badda ee ICJ
Dacwadda ku aaddan muranka dhanka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka mid ah waxyaabaha loo aanaynayo xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan labada dal.
Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caddaalada ee Caalamiga ah u gudbisay gal dacwadeed ku aaddan muranka dhanka badda ee kala dhexeeya Kenya, hase ahaatee labada dalba waxay muujinayaan Kalsooni ku aaddan kiiska maxkamadda yaal.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in dacwaddaasi ay ka caraysiisay Kenya oo aamminsan in labada dal ay dhexdooda ka heshiin kareen oo ay aysan ahayn in heerkaas la gaarsiiyo.
Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa ka mid ah dadka aamisan in la sugo natiijada maxamadda ICJ ee aan lagu kadsoomin rajada ay sheeganayaan labada dhinac ee is haya.
"Masuuliyiinta Kenya markaad waydiisid waxay kuu sheegayaan 'rajadeennu aad ayay u fiican tahay', markaad Soomaalida waydiisidna waxay leeyihiin 'rajadeennu aad ayay u fiican tahay', kolley maxkamadda ayaa go'aan ka gaari doonta", ayuu yiri.










