Gambadhkii Amiir Cabdullaahi B. Cabdishakuur [1885-1887]
Dr. Jaamac Muuse Jaamac
Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Xigashada Sawirka, Sawirka Jama Musse © 2020
Waxa aan ku fadhiistay gambadhkii Marxuum Amiir Cabdullaahi b. Muxamed b. Garaad Cali b. Cabdi Shakuur b. Yuusuf oo ah Amiirkii u danbeeyey ee dawladihii xoogga waynaa ee Islaamka ahaa ee ka soo talin jirey Harar. Waxa na mahaddaa iska leh Henin Jami Axmed Abogn, oo aan ku soo booqday gurigeeda qadiimiga ah ee magaalada Harar, caasimadda hadda ee Dawlad Goboleedka Hararge, Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya.
Henin Jami Axmed Abogn waa 96 jir, xusuusteeda iyo garashadeeduba aad u door roon yihiin, kana muuqato isku kalsooni iyo dadnimo sare. Waxa ay ku faanaysaa taariikhdeeda, waxa na ka muuqata shakhsiyad hal-adag, xusuus wanaagsan, iyo sheeko xariirinimo ilbaxnimo ku dheehan tahay. Waxa ay ii oggolaatay in aan ku fadhiisto gambadhkii uu adeegsan jiray awowgeed Amiir Cabdullaahi b. Maxamed Cabdi Shakuur, kolka uu waysaysanayo. Gambadhkaas oo si lexejeclo leh ay u ilaalinaysay muddo dheer.

Xigashada Sawirka, Sawirka Jama Musse © 2020
Amiir Cabdullaahi b. Muxamed b. Garaad Cali b. Cabdishakuur waxa la doortey badhtamihii 1885kii kolkii in yar uun ka hor aabbihii Amiir Muxamed laga xayuubiyey darajada, ee la diley. Xilligaas oo ahayd muddadii koobnayd ee ay Masar ka talinaysay Harar. Amiirka cusub waxa lagu doortey tuhun togan oo lagu qabay dulqaadkiisa, dadjecelaykiisa, maato-ilaalintiisa iyo kartidiisa maamul. Doorashadiisii ka dib, amiirku wuxuu durba muujiyey tuhunkii laga qabay isagoo bilaabay in uu dhiso ciidan xooggan, ku ilaaliyo dadka dhaqanka suubban ee diinta, u kala diro culimo dhulka Oromadu degto si ay diinta u soo baraan, kana ururiyo cashuur dadka si wax loogu qabto. Amiir Cabdullaahi waxa dawladnimada Harar ka qaaday Boqor Minilik II, ka dib markii uu ku jebiyey dawladda Harar dagaalkii Jalanqo. Xilligaas waxa wali ka talinayay Itoobbiya Boqorkii Yohannes IV, balse Sahle Miryam (oo laba sannadood uun ka dib loo caleema saari doono Boqorka Itoobiya, loona bixin doono Minilik-gii Labaad), waxa uu soo hindisey dagaal uu ku guulaystay in uu ku jebiyo dayrkii dawladnimada Harar. Jabkaasi waa kii horseeday dariiqii baaba'a ee saldanaddii Islaamka ee Harar ee kunka sannadood soo talinaysay.

Xigashada Sawirka, Sawirka Jama Musse © 2020
Amiir Cabdillaahi waxa kale oo lagu xusuustaa dib u soo noolayntii bilicda Harar, kolkii uu Minilik II jabiyey dawladda, ee uu u magaacabay Guddoomiye Gobol ee Harar, wixii ugu horreeyey ee uu sameeyey waxa ay ahayd in masaajidkii caanka ahaa ee Faras Magaalaha ku yaallay, ugu na waynaa ee lagu sharfi jirey Imaam Axmed Ibraahim Al-Ghazi (Axmed Gurey), uu maamulkiisu u beddelay Kiniisadda ugu wayn masiixidu ku leedahay magaalada Harar.

Xigashada Sawirka, .

Xigashada Sawirka, .
Henin Jami Axmed Abogn waxa awoow labaad u ahaa Amiir Cabdullaahi, waxa na dhashay Khadiija Maxamed, oo ay sii dhashay Amatullah Bint Amiir Cabdullaahi. Waxay iiga sheekaysay abtirsiimada waalidnimo ee xagga hooyo is ka ga xidha iyada iyo Amiirka, waxa na ay ii raacisey, waxa ay ka xasuusato, ee ay ka soo gaadhay waalidkeed, ee ku saabsanaa shaqsiyadda, hoggaaminta, iyo waalid ahaanba, Amiir Cabdillaahi, xilligii uu talinayay. Waxa ay tidhi "waxa uu ahaa nin diimeed, daacad ah, oo raba inuu qof walba barto Quraanka."
Amiir Cabdullahi waxa uu ahaa ninka haweenka Harar baray inay xidhaan xijaabka madax-saarka xitaa kolka ay xafladaha joogaan, oo kolkii danbe noqdey labbiska caadiga ah ee diinta Islaamka. Waxa ay ii sheegtay in aanu ahayn nin lacag iyo awood doon ah. Waxa uu jeclaa, ayay tidhi, in ummaddiisu noqoto dad barwaaqo ku nool, Islaam ah siina faafiya diinta oo Gobolka Geeska Afrika oo dhan gaadhsiiya. Waxa uu soo nooleeyey caadadii hore ee Harar, ee ahayd reerka laba wiil lihi uu mid ka mid ah ku qasbanaa in uu u diro meelaha dadka Oramada ama Argobada ah ee aan wali Islaamini ay ku nool yihiin, si uu marka hore diinta u barto, dabadeedna dacwadda u sii faafiyo.
Henin way muusootey kolkay si kaftan ah iigu sheegtay da'deeda, waxa na foolkeeda ka muuqdey shaxshax iyo farxad markii ay ka hadlaysay dhallinyaranimadeedii. Waxa ay tidhi haddii aan aniguba ahaan lahaa wiil, waxa aan u bixi lahaa dhulka miyiga ee dadka aan diinta aqooni ku nool yihiin, si aan wax u baro.

Xigashada Sawirka, .
Afartantkii sano ee la soo dhaafay, iyada oo raacaysa dariiqii Amiirka, Henin waxa ay baraysay Quraanka hablaha yaryar ee jaarka, kuwaas oo subax kasta gurigeeda ku soo booqda. Waxa ay ku quudisaa keeg, macmacaan iyo cunto kale oo guriga lagu sameeyo, inta ay Quraanka u akhriyeyso. Waxa ay noogu deeqdey cunto fudud, oo tidhi gurigayga cid soo gashaa kama baxdo iyada oo aan afka wax gelin, haddii aanay soommanayn.
Henin waxa ay ku nooshahay guri yar, aad u dhowrsoon, oo qurux badan. Waa guri Adari u samaysan sidii hiddaha iyo dhaqanka ay adariyiintu u lahaayeen. Waxay si lexejeclo ah u ilaalisaa sawirrada qaar ka mid ah qoyskeeda, waraaqo ay ka soo gaadhay waalidkeed, iyo buugaag ka hadlaya taariikhda awowgeed, hooyadeed iyo ayeyedeed. Waxa ay jeceshahay in ay ka sheekayso sheekooyin ay ku faanto oo ku soo aroorey qoyskeeda.
Markii waalidkeed go'aansadeen inay dib u qaybiyaan hantidii maguurtada ahayd ee loo tiriyay marxuum Amir Cabdillaahi, xilligii dhaxalka reerka, waxa ay waydiisatay oo qayb u heshay laba shay: Gambadhkii uu ku fadhiisan jiray kolka uu waysaysanayo, iyo daawe bir xardhan ka samaysan, oo lagu dubo laxooxda.

Xigashada Sawirka, Sawirka Jama Musse © 2020
Way ii oggolaatay inaan ku fadhiisto gambadhkaas, waanan qirayaa in ay ahayd daqiiqado uu dareen isku dhafani i saaqay. Waa wax la la yaabo sida shey sida gambadhkan oo kale ahi uu u gudbin karo dareenkaas xoogga leh. Dareenkaasi waxa aad ku taabaneysaa taariikhda lafteeda.
Mahadsanid Henin.
Dr. Jama Musse Jama waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waa na xisaabyahan PhD ku haysta Cilmibaadhista Afrika, gaar ahaan Aqoonta Tiknoolajiyadda Cusub iyo u Adeegsigeeda Afafka, waxa na uu wax ku qoraa bbcsomali.com. Kala soco qoraalladiisa twitter.com/JamaMusse










