Carruur lix jir ah oo booliska jarmalka u qabtay shaqo cajiib ah

Luis drawing

Xigashada Sawirka, Polizei hamm

Qoraalka sawirka, Luis wuxuu sawir gacmeed ku cabiray qofka dhacdada arkayay oo argagaxay

Ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Hamm ee galbeedka dalka Jarmalka ayaa adeegsanaya sawir gacmeedyo ay sameeyeen carruur 6 jirro ah si ay ugu raadiyaan qof darawal ah oo lagu eedeeyay inuu xoog ku dardaray jid-gooyo loo sameeyay waddo.

Saraakiisha booliska ayaa afarta carruurta ah ku ammaanay shaqada cajiibka ah ee ay u qabteen, iyagoo sheegay in sawir gacmeedyadaas ay si rasmi ah uga mid yihiin baadhitaanka la wado.

Carruurta ayaa marka uu falkaas ay goob joogga u ahaayeen dhacayay waxay sugayeen inay waddada gudbaan. Waxay sheegeen in haweeney timo casuus ah oo gaaban leh ay khaladka ku sameysay wadadaas, ayna si aad ah uga argagaxeen.

Haweeneyda darawalka ah "waxba kama aysan soo qaadin burburka ay geysatay wayna iska sii carartay", sida lagu sheegay qoraal ay taliska booliska soo dhigeen bartooda Facebook-ga.

Celina's drawing

Xigashada Sawirka, Polizei hamm

Qoraalka sawirka, Celina waxay sawir gacmeedka ku muujisay afarta carruurta ah oo sugaya inay waddada gudbaan, kaddibna dhacdada arkayay

Markii ay carruurtan - oo kala ah: Luisa, Romy, Celina iyo Luis - dhacdadaas uga sheekeeyeen macallimaddooda, waxay ka dalbatay inay sawir gacmeed ku muujiyaan, kaddibna waxay wargalisay booliska magaalada.

Taliska booliska ayaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga ku soo bandhigay labo ka mid ah sawir gacmeedyada ay ilmahaas xardheen, laakiin mid kale ayaa la qariyay, waxaana sida cad ku jira macluumaad faahfaahin buuxda ka bixinaya sida ay u egtahay haweeneyda la raadinayo.

Dadkii akhristay qormada booliska ayaa ammaan u jeediyay afarta carruurta ah, oo ay ku tilmaameen "ilmo cajiib ah!"

Qaarkood waxay soo qoreen in sawir gacmeedyadaas ay xitaa ka muhiimsan yihiin muuqaallada iyo sawirrada ay qaadaan kaamirooyinka ku xiran waddooyinka.

Qof ka mid ah dadka deegaanka, oo lagu magacaabo Michael Schulte, ayaa soo qoray: "Waa sawirro aad u wanaagsan oo ay si cajiib ah u sameeyeen carruurta. Dhacdada ma aysan iska indho tirin balse way ka fal celiyeen. Waa inay dad badan oo waaweyn tusaale ka dhigtaan ficilka ay carruurtaas sameeyeen, kuna daydaan iyaga."

Magaalada Hamm waxay u dhow dahay magaalada Dortmund ee ku taalla gobolka warshadaha badan ee Jarmalka, ee la yiraahdo Ruhr.