Maxaa loogu haystaa lamaanahan sawirradan ay iska qaadeen?

Xigashada Sawirka, Akhil Karthikeyan
Sawirradii arooskooda ka dib ee lamaanahan Hindida ah ee dhowaan is guursaday ayaa si wayn u baahay waxaana sii faafiyay dadka qaar ee Baraha Bulshada ku caaya dadka kale.
Waxay hadda BBC u sheegeen in aysan sawirradaan ka dejin dooni bogaggooda, taasna ay farriin u noqoneyso kuwa isku deyaya in ay cabsi geliyaan.
Waxa sawirrada ka muuqda Lekshmi iyo Hrushi Karthik oo qoslaya, laabta is gelinaya, mararka qaarka is ceyrsanaya. Waxay muuqaallada iyo swirrada isaga qaadeen beer laga soo saaro caleenta shaaha, waxayna isla xirnaayeen hal maro oo xariir ah oo cad.
Lamaanahan oo xaflad yar oo arooskooda ah dhigtay bishii September, waxay sheegeen in ay go'aansadeen in sawirro ay iska soo qaadaan markii ay u dhammaatay bishii malabka.
Ujeedadoodu waxay ahayd in xasuus fiican ay u sameeyaan xafladdii arooskooda ee aan sida wanaagsan u dhicin.
"Arooskeena wuxuu ahaa mid qoysaska ay qorsheeyeen - balse anaga waan iska helnay," sida Lekshmi ay BBC ugu sheegay qadka telefoonka iyadoo ku sugan gurigeeda oo ku yaalla Ernakulam, ee koonfurta Gobolka Kerala.
"Qoysaskeena ayaa diyaariyay munaasabad aan isku baranay sannadkii la soo dhaafay, ka dib waan is jeclaanay, waana ogolaanay in aan is guursano," ayuu yiri.
Hrushi wuxuu u shaqeeyaa shirkad isgaarsiin, sidoo kale Lekshmi waxay dhowaan dhameysay shahaadada koobaad ee jaamacadda, waxayna ku taqasustay Injineeriyadda korontada.
Lamaanahan waxay qorsheysteen aroos ay ku bixiyaan qarash badan kaas oo dhici lahaa bishii April, balse xanuunka koroona ayaa saameeyay.
Dhammaadkii bishii march, waxaa Hindiya ka bilowday bandow iyo xayiraad looga hortagayay xanuunka korona. Sidoo kale waxaa la mamnuucay in dad badan ay meel isugu yimaadaan si loo hakiyo in xanuunka uu faafo.
Balse markii xayiraadaha la qafiifiyay, waxaa la ogolaaday in xaflado aroos oo dad yar ay ka qeybgalaan la qabsan karo.

Xigashada Sawirka, Akhil Karthikeyan
Hrushi iyo Lekshmi waxay ka faa'ideysteen fursadda, waqti badanna iska aysan luminin. Waxay isku guursadeen 16-kii September xaflad yar oo lagu qabtay macbad ku yaalla Kollam.
"Wuxuu ahaa guur farxad iyo madadaalo leh, balse waxaa xafladda ka soo qeybgalay qoysaska iyo asxaabta oo keli ah. Booliska waxay inoo ogolaadeen 50 qof oo keli ah, waxaana nala saaray xayiraado badan".
Si ay u casriyeeyaan xiriirkooda, waxay lamaanahan go'aansadeen in ay iska qaadaan "sawirro xusuus leh".
Sida caadada ah, lamaanayaasha isku guursada gobolka Kerala, iyo qeybo badan oo Hindiya ka mid ah, waxay lamaanayaasha iska qaadaan sawirro la qurxiyay si ay arooskooda ugu muujiyaan dunida qeybeheeda kale.
Maadaama Hrushi uu doonayay in sawirrada arooska ka dib ay noqdaan "kuwa xambaarsan kalgacayl iyo isu dhowaansho", wuxuu baaritaan ku sameeyay internet-ka wuxuuna la yimid "fikraddii ugu wanaagsanayd".
Ninka sawirrada ka qaaday oo asxaab ay yihiin, Akhil Karthikeyan, wuxuu BBC u sheegay in dhowr saacadood ay ku qaadatay in sawirrada la qaado lana qurxiyo.


Xigashada Sawirka, Akhil Karthikeyan

Dhibaatada waxay billaabatay dhowr maalmood ka dib markii Akhil uu sawirrada dhigay boggiisa Facebook-ga.
Dadka aflagaadeynaya waxay sawirrada ku tilmaameen kuwo foolxumo, edebdarro iyo ceeb ah. Qaar waxay ku tilmaameen qawnaan iyo in ay ku fiicnaan lahaayeen xayeysiiska cinjirka la gashto xilliga galmada ee condom; Qaarna waxayba kula taliyeen in ay qol isla aadaan.
"Waxaan la kulannay laba maalmood oo naceyb iyo caay ah," ayey tiri Lekshmi. "Dadka waxay dhahayeen qawnidiina ayaad muujineysaan, waxay na weydiinayaan in dhar kale aan hoos ka xiran nahay, waxay nagu eedeeyeen in aan u sameynay in aan raadineyno dareenka dadka iyo caannimo".
Xadgudubyada badankooda waxaa loo geysanayay iyada, sida ay Lekshmi sheegtay.
"Waxay igu ahayd arrin aad u xun. Aniga ayey xadgudubka iyo cayda ugu badan igu dhacayeen. Waxay ii sheegayeen in aflaanta anshax-darrada ah aan jilo, jirkeyga ayey ceeb ku tilmaameen," ayey tiri.
"Dadka nagu xadgudbay waxaa ka mid ahaa dumar badan. Waxay heleen sawirradeydii hore ee aan caadiga ahaa (ee aanan is marinin make-up-ka), waxayna billaabeen in ay isbarbardhigaan iyagoo odhanaya 'eeg sida ay u foolxun tahay'."


Xigashada Sawirka, Akhil Karthikeyan

Balse maalmo ka dib, waxaa bilowday dad kale oo taageeraya lamaanahan, waxayna ugu yeereen taageeridda Karthiks.
Kuwa badan oo ka mid ah waxay sawirrada ku tilmaameen kuwa cajiib ah oo qurux badan, waxayna kula taliyeen in ay iska indhatiraan farriimaha naceybka iyo xasadka ah.
Mid ka mid ah haweenka taageerada u muujiyay waxay sheegtay in ay hadda ka hor aragtay lamaane lagu ceebeeyay in ay gacanta is qabsadeen, waxayna lamaanahan Karthiks u sheegtay in ay farxaddooda muujiyaan ayna iska dhega tiraan kuwa caynaya.
"Ma garaneyn kuwa nagu xadgudbaya iyo kuwa na taageeraya, balse waan ku faraxsannahay," ayey tiri Lekshmi.
Lamaanahan sidoo kale waxay caqabad kala kulmeen xubnaha qoysaskooda ee xagjirka ah kuwaa oo diidanaa sawirrada.
"Markii hore, waalidiinteena waxay ku noqotay fajac, balse waan u sharaxnay sababt aan sidaa u sameynay wayna nagu taageereen. Balse kuwa badan oo qaraabada ka mid ah waxay nagu eedeeyeen in aan u dhaqmeyno sida reer Galbeedka", ayey tiri Lekshmi.


Xigashada Sawirka, Akhil Karthikeyan

"Way na soo weceen waxayna ina weydiiyeen baahida nagu qasabtay arrintan? waxay nagu yidhaahdeen, 'ma ilawdeen dhaqankeena soo jireenka ah?"
Kuwa badan waxay weydiiyeen in sawirrada ay ka tiraan Facebook-ga, waxaana Lekshmi iyo Hrushi laga saaray qeybta WhatsApp-ka ee qoyska ku wada xiriiro.
Balse waxay ku adkeysteen in ay tahay go'aan ay gaareen aysanna sawirrada ka saari doonin baraha bulshada.
"Haddii aan aqbalno, waxay u qaadanayaan in aan ogolaanay in dembi aan galnay," ayey tiri Lekshmi. "Balse wax qalad ah ma sameynin. Xitaa dhar ayaan hoosta ka xirneyn."












