Hindiya oo dambi ka dhigtay "Dalqadaha" seddexda ah ee furriinka

Dumarka qaarkood ayaa sharciga soo dhoweeyey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dumarka qaarkood ayaa sharciga soo dhoweeyey

Baarlamaanka Hindiya ayaa ansixiyey sharci dambi ka dhigaya furriinka degdegga ah ee muslimiinta.

"Dalqadaha" waa sida furriinka loo yaqaannee, ayaa u ogolaanaya in saygu uu xaaskiisa furo isagoo ku celcelinaya Kalmadda "Dalaaq" seddex goor, noocay doontaba, email ama farriimaha SMS.

Maxkamadda sare ayaa ku dhawaaqday in arrintaasi ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn.

Dadka taageersan arrintan ayaa sheegaya in talaabadan ay tahay mid dhowraysa haweenka muslimiinta ah. Dadka ka soo horjeedana waxay sheegayaan in ciqaabtu tahay mid kulul oo keeni karta in si xun loo isticmaalo.

Ragga lagu helo inay ku xadgudbeen sharcigan ayaa mutaysan kara xabsi gaaraya ilaa seddex sano.

Sharcigan ayaa markii ugu horraysay waxaa la soo bandhigay 2017, hase yeeshee waxaa la isku mari waayey aqalka sare, halkaasoo qaar ka mid ah mudanayaashu ay ku tilmaameen mid aan xaq ahayn.

Xisbul xaakimka Hindiya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa taageeraya sharcigan, halka xisbiga Congress-ka ee mucaaradka uu ka soo horjeedo.

Atiya Sabri waxay ka mid tahay haweenka sharcigan u ololaynayey
Qoraalka sawirka, Atiya Sabri waxay ka mid tahay haweenka sharcigan u ololaynayey

Hase yeeshee xisbiga BJP aqlabiyad kuma laha aqalka sare. Talaadadii ayaa sharciga waxaa lagu ansixiyey 99 oo ogolaatay iyo 84 diidday, ka dib markii tiro mudaneyaal ah ay ka bexeen, halka qaarna ay ka aamuseen.

Ra'iisul wasaare Narendra Modi ayaa si degdeg ah amaan ugala dul dhacay sharciga, isagoo ku tilmaamay inuu yahay "guul u soo hoyatay caddaaladda jinsiga".

Laakinse waxaa jira qaar kale oo ku eedeynaya Hinduuga BJP inay bartilmaameedsanayaan muslimiinta.

Asaduddin Owaisi oo ah mudane ka tirsan xisbiga mucaaradka ee la yiraahdo All India Majlis-e-Ittehadul Muslimeen ayaa sheegay in sharciga cusub uu yahay weerar cusub oo muslimiinta kaga yimid BJP oo tan iyo 2014 xukunka hayey.

Muxuu Sharcigan u yahay mid muran dhaliyey?

Dadka ololeeya iyo xisbiyada siyaasadeed ayaa aad ugu kala qaybsan sharcigan. Kuwa ka soo horjeeda, oo ay ku jiraan haween muslimiin ah, waxay tilmaamayaan in ay tahay arrin qayrul caadi ah in dambi laga dhigo furriinka.

Xisbiga Congress iyo qaar kale ayaa sheegaya durbaba inay maxkamadda dalka ugu sarraysa sharci darro ka dhigtay arrinta. Qaar kale waxay ku doodayaan in dawladdu aysan meelna ka soo gali karin arrimaha guurka.

Qaar ka mid ah dumarka muslimiinta ah way ka hor yimaadeen sharcigan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dumarka muslimiinta ah way ka hor yimaadeen sharcigan

Hase yeeshee kuwa u ololaynaya sharciga waxay sheegayaan in seddexda dalqadood ay yihiin kuwo faquuqaya dumarka.

Wasiirka sharciga, Ravi Shankar Prasad ayaa difaacay sharciga, isagoo sheegaya inuusan weli furriinka dalqadaha istaagin walow la mamnuucay. Wuxuu sheegay in 574 kiis la soo gaarsiiyey wixii ka dambeeyey go'aanka maxkamadda sare.

"Go'aan ayaa dhacay, laakinse ma jiro wax ficil ah oo laga qaaday seddexda dalqadood. Waa sababtaas midda aan sharcigan u keennay, sababtoo ah sharciga waa in laga dhowrsoonaado" ayuu yiri.

Dadka ololeeya waxay sheegayaan inaysan suurtogal ahayn in la xisaabo kiisaska furriinka seddexda dalqadood ee Hindiya.