Xayawaan noociisu dhif yahay oo ku dhashay beer

Pistachio with his siblings

Xigashada Sawirka, Reuters

Sanadkan 2020 wuxuu noqday mid aan la saadaalin karin. Waxyaabo lama filaan ah ayaa dhacay.

Laakiin arrimaha dhacayay waxay si gaar ah layaab ugu sii noqdeen nin u dhashay dalka Talyaaniga oo beeraleey ah, kaasoo lagu magacaabo Cristian Mallocci.

Eey ka mid ahaa xayawaanka beerta Mr Mallocci ayaa dhalay eey dhogortiisa midabkeedu yahay cagaar, taasoo aad uga yaabisay isaga iyo dadkii la arkayba.

Xayawaankan mucjisada ah ayaa durba magaciisa laga dhigay Pistachio.

Eyga yar waxaa la dhashay shan kale oo caadi ah, balse isaga kaligiis ayaa ka duwanaa. Waxay ku dhasheen beerta uu ninkan ku leeyahay Jasiiradda badda Mediterranean-ka ee Sardinia.

Midabka dhogorta afarta eey ee kale ayaa ah caddaan, waxayna la mid yihiin eeyga weyn ee dhalay.

Pistachio

Xigashada Sawirka, Reuters

In adduunka lagu arko eey dhogortiisu ay cagaar tahay waa dhif iyo naadir. Waxay khubarada aaminsan yihiin in midabkaas uu ku yimaado fal-gal ka dhaca ilmo-galeenka eeyga dhadigga ah ee dhalay, waxaana falgalkaas afka qalaad lagu dhahaa biliverdin.

Laakiin - warka naxdinta ku noqday dad badan wuxuu yahay - in midabka Pistachio uu durba billaabay inuu isbaddalo, sidaasna uu kusii socon doono.

Mr Mallocci ayaa go'aansaday inuu eeyaha u dhashay hadiyad ahaan u bixiyo, marka laga reebo Pistachio, oo uu diiday inuu cid kale iska siiyo.

Wuxuu sheegay inuu ka caawin doono xanaaneynta iyo waliba ilaalinta idaha beertiisa ku nool.

"Cagaarku waa midab rajo iyo nasiib wanaag ah," ayuu yidhi. "Rajo fiican iyo nasiib way adag tahay inay helaan dad badan oo caalamka ku nool sanadkan 2020-ka", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.