Halka bilyan ee Eey ee dunida ku nool oo khatar ku haya duurjoogta

Xigashada Sawirka, Biciidkan wuu sii dabar go'ayaa, eeyuhuna way sii
Waxaa laga yaabaa inay yihiin "saaxiibka ugu wanaagsan dadka", hase yeeshee waxay khatar ku yihiin duurjoogta.
Saynisyahannadu waxay sheegayaan in eeyuhu ay qayb ka qaateen dabar go'a in ka badan 10 nooc oo shimbiro iyo xayawaan ah.
Sidaa darteed, waxay noqdeen qolada seddexaad ee laayaanka ah ee bani'aadanka la nool marka laga yimaado bisadaha iyo jiirka.
Iminka eeyuhu waxay khatar ku hayaan in ka badan 200 oo nooc oo noole ah dunida oo dhan, kuwaasoo qaarkood ay ku jiraan khatar weyn oo dabar go' ah sida daraasad lagu sheegay.

Xigashada Sawirka, VIKASPATIL
Sidaasoo ay tahay, eeyaha duurka ku jira iyo kuwa waddooyinka meeraysta ayaa la sheegayaa inay ugu sii daran yihiin.
Daraasad dhawaan laga sameeyey eeyaha Chile ayaa sheegaysa in "dadka ka shaqeeya arrimaha deegaanka ee waddankaas iyo meelo kaleba ay u muuqato baahida degdegga ah ee la xiriirta in la xakameeyo saamaynta ay eeyaha duurka ku jira ku leeyihiin duurjoogta".
Waxaa lagu ogaaday in dadka eeyaha leh aysan welwel ka qabin arrinkaas, ayadoo in badan oo ka mid ahna ay eeyahoodu duurka iska aadaan.
Waxaa lagu qiyaasaa in hal bilyan oo eey ay ku nool yihiin dunida, kuwaasoo isugu jira kuwa duurka ku nool iyo kuwo magaalooyinka ku nool laakin derbiyada jiifsada, waxayna gebi ahaan ku tiirsan yihiin bani 'aadanka.

Xigashada Sawirka, NANDAKUMAR M N
"Waa arrin aad looga walaaco" yuu yiri Piero Genovesi oo madax ka ah hay'ad arrimaha deegaanka ka shaqaysa oo la yiraahdo IUCN.
"Mar walba oo tirada dadku ay kororto tan eeyuhuna way sii korortaa, mushaakilkaasna wuu sii darsanayaa" ayuu sii raaciyey.
Noolaha ay eeyuhu dhibka ku hayaan
Ilaa 200 oo nooc oo noole ah ayey eeyuhu khatar ku hayaan. 30 ka mid ah waxaa la sheegay inay dabar go' qarka ku saaran yihiin, 71-na ay khatar ku sugan yihiin, halka 87 nooc ayey nugul yihiin sida lagu xusay liiska noolaha khatarta ku jira ee hay'adda IUCN ay sii deysay.
Kala bar noolahaas ayaa ah naasley, 78 ka mid ahna waa shimbiro, 22 waa xamaarato, halka 3-na ay yihiin berri-biyood.










