Trump iyo Korona: Yuu la kulmay, Yaase laga helay

Madaxweyne Trump ooCisbitaal loo qaadaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump ooCisbitaal loo qaadaya

Madaxweyne Donald Trump in laga helo cudurka safmarka ee Covid-19 ayaa ku soo aadaysa kadib todobaad mashquul badan oo uu ku jiray olole doorasho kahor 3 November, intii ololaha socdayna waxaa uu la kulmay xilligaas saraakiil badan oo heer sare ah.

Maalinkii Jimcaha ayuu bartiisa twitter-ka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump soo dhigay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, waa Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid-19.

Hope Hicks, waa 31-jir latalisa madaxweynaha, waana qofkii ugu dhawaa ee ka mid ahaa lataliyayaasha soke ee Mr Trump ee illaa hadda cudurka laga helo.

Waxa ay madaxweynaha kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii taleefishiinka ee horraantii toddobaadkan lagu qabtay Ohio.

Tan iyo markii Madaxweynaha laga helay cudurka, dhowr qof oo uu kamid yahay Maareeyahiisa ololaha doorashada ayaa iyaguna laga helay.

Sabti, 26-ka September

Sabtidii ayay ahayd markii Madaxweynaha uu ku dhawaaqay Amy Coney Barrett, uu u soo xulay inay noqoto Garsooraha Maxkammadda sare, xafladdaas oo ka dhacday aqalka cad ayna kasoo qayb galeen dad gaaraya 200 oo qof .

Madaxweyne Trump iyo Amy coney barret

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump iyo Amy coney barret

Fiidnimadii Sabtidaasi, Madaxweyne Trump wuxuu isku soo bax ku qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga Harrisburg ee Middletown, Pennsylvania.

Tan iyo xafladdaas, Amy Coney Barrett waxay kulamo la yeelatay madax kaladuwan - oo uu kujiro hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka senetka Mitch McConnell - kahor dhageysiga guddiga senetka si ay u xaqiijiyaan xilka loo magacaabay oo aad loo sugayo, taas oo dhici doonta 12 Oktoobar.

Coney Barrett ayaa jimcihii sheegtay inay iska baartay cudurka oo laga waayey. Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in laga helay fayraska horraantii sanadkan.

Dadka lagahelay Cudurka Korona
Qoraalka sawirka, Dadka lagahelay Cudurka Korona

Ka sokow Mr Trump iyo xaaskiisa, ugu yaraan shan qof oo kale oo ka qeyb galay xafladdii Rose Garden ayaa sheegay in laga helay cudurka - in kastoo aan la ogeyn halka iyo cidda qaadsiisay xanuunkan.

wa toddobo qof oo Trump kulmeen iyaguna laga helay cudurka
Qoraalka sawirka, wa toddobo qof oo Trump kulmeen iyaguna laga helay cudurka

Dadkaasi waxay kala yihiin lataliyihii hore ee aqalka cad Kellyanne Conway, Senatarka laga soo doorto gobolka Utah Mike lee iyo Senator Thom Tillis oo matala gobolka North Carolina, labadooduba waxay qayb ka yihin guddiga garsoorka ee aqalka senateka. Waxaa kale oo cudurkan laga helay hogaamiyaha Jaamacadda Notre Dame, John Jenkins.

Axadii, 27 September

Madaxweynuhu wuxuu ku sugnaa gobolka Virginia oo uu ku ciyaarayeu ciyaarta golf ka hor inta uusan dib ugu soo laaban aqalka cad oo uu isla maalinkaas galabkii kula kulmay qoysaska halyeeyada milatariga.

27kii Septembar Madaxweynuhu wuxuu shir jaraaid ku qabtay aqalka cad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 27kii Septembar Madaxweynuhu wuxuu shir jaraaid ku qabtay aqalka cad

Isniin, 28 September

28ka September Madaxweynaha iyo Ku xigenkiisa Mike Pence. waxaa uu Trump ka warbixiyay istiraatiijiyadda baaritaanka coronavirus ee maamulkiisa .

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 28ka September Madaxweynaha iyo Ku xigenkiisa Mike Pence. waxaa uu Trump ka warbixiyay istiraatiijiyadda baaritaanka coronavirus ee maamulkiisa .

Isniintii, Madaxweyne Trump wuxuu aqalka cad ku qabtay shir jaraa'id oo kooban - isaga oo ka warbixiyay istiraatiijiyadda baaritaanka coronavirus ee maamulkiisa .

Waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, xoghayaha caafimaadka Alex Azar, xoghayaha waxbarashada Betsy DeVos, iyo madaxa fulinta ee Abbott Laboratories, Robert Ford, iyo kuwo kale.

Aqalka Cad wuxuu si joogto ah cudurka uga baara saraakiisha iyo martida madaxweynaha la kulanto. Si kastaba ahatee, warbaahinta Mareykanka ayaa xustay in Maaskarada ama marada afka lagu xirto iyo kala fogaanshaha Madaxweynaha agtiisa ay aad u yar tahay, waxaan arrinkan laga dheehan karaa in dadku ay aad ugu tiirsan yihiin nidaamka baaritaanka, taas oo aan caqli-gal ahayn.

Talaado, 29 September

Madaxweynaha oo u amba baxayo Ohio sii uu uga qaybgalo dooda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha oo u amba baxayo Ohio sii uu uga qaybgalo dooda

Madaxweynuhu wuxuu dood fool ka fool ah kala qeybgalay ninka ay aadka isugu hayaan doorashada ee Joe biden ee Cleveland ee gobolka ohio.

Madaxweyne Trump wuxuu halkaas u raacay diyaaradiisii madaxweynenimo, Air Force One, oo ay weheliyaan xaaskiisa, caruurtiisa iyo kaaliyayaal badan.

Qaar badan ayaa la arkaayey iyagoo aan waji-xirka xirneyn markii ay fuulayeen diyaarada ama ay ka degayeen sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Doodi kululeyd ee Trump iyo Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Doodi kululeyd ee Trump iyo Biden

Waxaa kaloo diyaaradda saarnaa: Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Mark Meadows; ninka u xilsaarnaa ololaha istaraatiijiyadda Jason Miller; lataliyaha siyaasada Stephen Miller; Robert C O'Brien, lataliyaha amniga qaranka ee laga helay viruska bishii July; iyo Xildhibaan aqalka kongreeska ka tirsan Jim Jim.

Madaxa ololaha Madaxweynaha Bill stepien, ayaa waxaa ay siku gaari raacen kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Hope Hicks, iyadoo jimcihii la xaqiijiyay in Mr Stepien laga helay cudurka.

Arbaco, 30 September

Hope Hicks, Haweenayda laga helay cudurka Korona, waa lateliyaha Madaxweynaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hope Hicks, Haweenayda laga helay cudurka Korona, waa lateliyaha Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu u duulay gobolka Minnesota halkaas oo uu kaga qayb galay xaflad dhaqaale loogu uruurinayo ololihiisa doorasho, dadka Madaxweynaha safarkaas ku weheliyay waxaa kamid ahayd Hope Hicks oo ah kaliyaha Madaxweynaha.

Markaas kadib Madaxweynaha wuxuu olole ballaaran ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Duluth.

Madaxweynaha iyo ololihiisa Duluth

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha iyo ololihiisa Duluth

Khamiis, 1-da Oktoobar

Madaxweynaha oo u safray Gobolka New Jersey

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha oo u safray Gobolka New Jersey

Madaxweynuhu wuxuu u duulay gobolka New Jersey halkaas oo uu sidoo kale kaga qaybgalay xaflad lacag loogu uruurinayo ololahiisa dib loogu soo dooranayo.

Malinkaas Madaxweynuhu sarakiil badan oo ay ka mid yihiin lataleyashiisa ma aysan raacin.

Isla Maalinkaas ayay ahayd ,markii Hope Hicks oo ah latileyashiisa laga helay cudurka Korona, galabkaas ayuu Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in isaga iyo Marwada koowad laga baarayo cudurka Korona.

Jimco, 02-da Oktoobar

Madaxweynaha Donald Trump waxaa uu xaiijiyay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona sidaa awgeedna ay iskarantiileen.

Madaxweynaha waa 74-jir sidaasi daraaddeedna waxa uu ka mid yahay dadka halista wayn uu ku keeni karo cudurkan, isaga oo warka ah inuu xanuunku haleelay uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka. "Si wadajir ah ayeynu kaga soo wadakabsan doonnaa," ayuu soo qoray.