Madaxweyne Trump oo isbitaalka ku baryay habeenkii kobaad

Qoraalka Muuqaalka, "waxaan filayaa inaan wanaagsanahay": President Trump ayaa soo duubay muuqalkan ka hor aadiddiisii dhakhtarka.

Madaxweyne Trump ayaa isbitaalka ku baryay habeenkii kobaad kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19. Ka hor inta aanu kabixin aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo, Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal uu ku sheegay iney xaaladdiisa caafimaad wanaagsantahay.

Mar sii horreeysay dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa warbiixin ku sheegay in Donald Trump uu daal iyo xanuun dareemayo blasé aysan xaaladdisu liidan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go'aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed "laga qaatay" taxaddar fara badan ".

Mr Trump - oo qandho qabay - ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Jimcaha isaga iyo marwada koowaad Melania Trump in laga helay Covid-19.

Aqalka Cad ayaa sheegay inuu dareemayo "daal laakiin niyaddiisu ay aad u sarrayso" uuna la kulmayo astaamo khafiif ah.

Warkan ayaa imanaya bil uun ka hor doorashada madaxtinimada, halkaas oo uu ku wajihi doono Joe Biden oo ka tartamaya xisbiga Dimuqraadiga.

Sidee u ekaa Madaxweynuhu?

Isagoo xidhan maaskaraha wejiga iyo suud madaw ayuu, Mr Trump wuxuu socod ku maray barxadda Aqalka Cad galabnimadii Jimcaha xilli uu ku sii socday helikabtarta, Marine One, oo ugu qaadaysay safarka gaaban dhankaa iyo cisbitaalka.

Wuxuu u gacan haadiyay wariyeyaasha laakiin waxba ma uu odhan inta aanu diyaaradda fuulin.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Trump ku yidhi: "Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo qof walba taageerada weyn ee aad ii fidiseen. Waxaan aadayaa cisbitaalka Walter Reed. Waxaan u maleynayaa inaan aad u fiicanahay."

"Laakiin waxaan hubinaynaa inay wax hagaagaan. Marwada madaxweynaha aad ayay u fiican tahay. Markaa aad ayaad u mahadsan tihiin, waan idinku ku qanacsanahay, weligayna ma illaawi doono - waad mahadsan tihiin."

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational grey line

Carruurta madaxweynaha, Ivanka iyo Eric, ayaa dib u soo dhigay qoraalkiisa, iyagoo ku ammaanay inuu yahay "dagaalyahan". Ms Trump ayaa raacisay: "Waan ku jeclahay aabbe."

Markii uu yimid Walter Reed, madaxweynaha ma uusan aadin qolka gargaarka degdegga ah si loogu daweeyo, laakiin wuxuu toos u aaday qeybta madaxtooyada ee isbitaalka, sida ay sheegayaan warbaahinta la saaxiibka ah BBC ee Mareykanka, CBS News.