Fayraska Korona: Trump iyo marwada koobaad oo laga helay fayraska korona

Donald and Melania Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona haatanna ay iskarantiileen.

Madaxweynaha waa 74-jir sidaasi daraadeedna waxa uu ka mid yahay dadka halista wayn uu ku keeni karo cudurkan, ayaa warka ah inuu xanuunku haleelay waxa uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka. "Si wadajir ah ayeynu kaga soo wadakabsan doonnaa," ayuu soo qoray.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, waa Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid-19.

Hope Hicks, waa 31-jir latalisa madaxweynaha, waana qofkii ugu dhawaa ee ka mid ah lataliyayaasha soke ee Mr Trump ee illaa hadda cudurka laga helo.

Waxa ay madaxweynaha kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii taleefishinka ee horraantii todobaadkan lagu qabtay Ohio.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dhakhtarka madaxweyne Trump Sean Conley ayaa waxa uu shaaciyay bayaan uu ku sheegayo in madaxweynaha iyo marwada koobaad "ay waqtigan la joogo xaaladoodu wanaagsan tahay, ayna qorshaynayaan in gurigooda Aqalka Cad ku sugnaadaan mudada soo kabshada ee loo baahanyahay."

"Kooxda caafimaadka ee Aqalka Cad iyo aniga ayaa si dhaw ula socon doona xaaladda.

"Wax walwal ah ma jiro, waxaanan filayaa in madaxweynaha uu howshiisa hakad la'aan ku sii wadan doono mudada uu xanuunkaasi ka soo kabsanaya, marwalba wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonnaa," ayuu ku sheegay bayaanka.

Aroortii Khamiista ayu Mr Trump sheegay in isaga iyo xaaskiisa, oo 50-jir ah, inay karantiil galayaan kaddib markii Ms Hicks laga helay cudurka Covid-19.

Waxa uu bartiisa twitterka soo dhigay: "Hope Hicks, oo howl adag haysay oo weliba aanan fasax badan qaadan, ayaa waxaa laga helay Covid-19. Waa wax aad looga xumaado!

"Marwada Koobaad iyo aniga waxaynu sugaynaa natiijada baaritaankii nalaga qaaday. Sidaas oo ay tahayse, waxaynu bilaabi doonnaa hannaankii aynu isku karantiilaynay!"

Ma ay cadda sida cudurkan laga helay Mr Trump ay u saamayn doonto qabanqaabada doodda madaxtinimada ee labaad, taas oo la qorsheyay in Miami, Florida, lagu qabto 15-ka bishan Oktoobar.