Rathlin Island: Nolosha jasiiradda ku taal UK ee aan weli coronavirus laga helin

Orlagh Cecil

Ma jiraan safarro wax kala iibsi ah, ma jiraan baararkii habeenkii lagu caweyn jirey, ma jiraan shineemooyin la booqdaa. Bandawgii guud waxa uu noo taray xaqiiqatan wax duwan ayay yidhaadeen mid ka mida dadka yar ee ku nool jasiiraddaas..

Jasiiradda Rathlin, oo ah dhul yar oo L-qaabkeeda leh oo ka baxsan xeebta Waqooyiga Ireland, ayaa xaalkeedu sidaa yahay.

In kasta oo aysan helin wax kiisas ah oo 'Coronavirus', haddana Rathlin waxay gashay bandawga bishii Maarso.

"Xaqiiqdii waxa uu ku socdaa xawaare aad gaabis ah," ayay tidhi 18-jir Orlagh Cecil xilli ay la hadlaysay Radio 1 Newsbeat.

Iyadu waa mid ka mid ah ku dhowaad 150 qof oo ku nool Jasiiradda Rathlin, waxayna ka shaqeysaa makhaayaddeeda keliya

Mc Cuaig's Bar
Qoraalka sawirka, McCuaig's Bar is the only place to get a pint on the island

"Waxa aan haysannaa oo ku yaal halkan xafiiska boostada iyo dukaan hadiyadaha gada. Kadibna waxaa jira matxaf yar oo laga helowaxyaabo kala duwan sida burburka markabbada."

"Hal goob oo hurdo iyo meelo kale oo la seexdo".

"Dad badanna waxay u yimaadaan inay arkaan goob lagu badbaadiyo noocyada kala duwan ee shimbiraha."

Sheep in a field

Xigashada Sawirka, Orlagh Cecil

Qoraalka sawirka, Orlagh spent some of lockdown helping her boyfriend to farm sheep

Orlagh Cecil , Markii ay ku jirtay dugsiga hoose, waxaa jiray oo keliya ay lahaayeen hal wasiir.

Laakiin wax walwal ah kama qabno fasalo badan oo halkan lagu qoro, waqtigaas kaliya seddex arday ayaa ka diiwaangashan dugsiga oo dhan.

"Hadda, waxaa dhigta 17 carruur ah dugsigaasi", ayay sheegtay

"Macallinka waa inuu maareeyaa dhammaantood markaa taasi waa hawl badan."

Ma jiro dugsi sare jasiiradda. Halkii ay doonta ka heli laheyd labo jeer maalintii midka ugu dhow, Orlagh waxay aaday iskuul boodhin ah oo ku yaal Belfast.

Rathlin Island is the northernmost point of Northern Ireland
Qoraalka sawirka, Rathlin Island is the northernmost point of Northern Ireland

"Waan ogahay sida ay magaaladu tahay maxaa yeelay waxaan waxabarshadayda qayb ku qaatay iskuul halkaas ku yaal. Laakiin uma malaynayo inaan ka maqanaan karo ku noolaanshaha halkan, waayo way ka duwan tahay halkaas.

Doonta ka timaadda Ballycastle ilaa Rathlin, waxaad si dhakhso leh u arki kartaa sababta ay jasiiraddu u soo jiidnayso dadka soo booqda.

Waana degaan aad qurux badan oo duurjoog badan ay joogto.

Iska illow daasadihii coke ee sabeynayay, haddii aad nasiib leedahay waxaad ku arki doontaa hoonbarro badda dhexdeeda taas oo ku hareeraysan jasiiradda.

Dolphins diving in the Irish Sea, captured from Rathlin's coast

Xigashada Sawirka, Tom McDonnell/Northcoast Nature

Qoraalka sawirka, Dolphins diving in the sea, captured from Rathlin's coast

Laakiin farqiga ugu weyn ee u dhexeeya Jasiiradda Rathlin iyo UK inteeda kale xilligan ayaa ah in aysan weli kiisas fayraska Karoone ah.

Waxaan dib u bandaw u galnay bishii Maarso"

"Markii hore waxay yareeyeen jadwalka dadka racaaya doonta, laakiin markan way joojiyeen gabi ahaanba."

The Rathlin Island Ferry
Qoraalka sawirka, The ferry runs a limited number of times per day to mainland Northern Ireland