Wuxuu dafirsanaa jiritaanka covid-19 balse maxaa ku dhacay?

Brian iyo xaaskiisa Erin, oo geeriyootay bishaan

Xigashada Sawirka, facebook

Qoraalka sawirka, Brian iyo xaaskiisa Erin, oo geeriyootay bishaan

Darawal Taksiila ah oo ku nool gobalka Florida ee dalka Mareykanka isla markaana aan aaminsanaan jirin in fayarska karona uu yahay cudur jira ayaa hadda ku waayay xaaskiisii uu jeclaa Covid-19.

Labada lamaane ayaa ka dhaga adeygay raacidda tilmaamaha caafimaad ee ka imaanayay wasaaradda caafimaadka bishii May.

Brian oo xanuunku haleelay ayaa ka bogsaday balse xaaskiisii oo aheyd 46-jir ayaa si ba'an ugu bukootay waxayna u dhimatay bishaan aynu ku jirno ee Agoosto iyadoo qabtay dhibaatooyin dhanka wadnaha ah oo lala xiriiriyay fayraska.

Brian ayaa BBC-da la hadlay bishii Luuliyo waxaana uu qayb ka ahaa barnaamij looga hadlayay fayraska karona. Waqtigaas, xaaskiisa waxay ku jirtay Isbitaalka iyada oo uu ku xirnaa qalabka dadka buka neefta ka caawiya ee loo yaqaano ventilator-ka.

Sheekooyinka been abuurka ah ee sababay dhimashada

Erin, oo ka shaqeyneysay kaniisadaha ku taala Florida, ayaa qabtay dhibaatooyin caafimaad oo la xiriira neefta iyo hurdada.

Ninkeedu waxaa uu sheegay in aaney raacin tilmaamaha caafimaad bilowgii cudurka taasi oo uu sabab uga dhigay warar been abuur ah ay ka arkeen baraha bulshada

Brian waxaa uu iska sii watay shaqadiisa Taksiga waxaana uu xaaskiisa siiyay dawooyin isaga oo aan sameynin dhamaan talaabooyinka muhiimka u ah ka taxadarida xanuunka sida xirashada agabka wajiga lagu xirto ee Maskarada loo yaqaano iyo sharcida kale.

Brian iyo xaaskiisii Erin, oo geeriyootay bishaan

Xigashada Sawirka, Empics

Qoraalka sawirka, Brian iyo xaaskiisii Erin, oo geeriyootay bishaan

Sidoo kale waxaa ay lamaanahaani ka gaabiyeen in ay si dhaqso ah u tagaan goobaha caafimaadka kadib markii bishii May labadoodaba laga helay Covid-19.

Brian oo BBC-da la hadlayay ayaa ku cataabay in uu ka shalaynayo in aanu dhageysan bilowga cudurka wixii loo sheegi jiray ee saxda ahaa waxaana uu rajo ka muujiyay in uu doorbidi lahaa in xaaskiisu cafin lahed.

"Kani waa fayras dhab ah oo dadka u saameeyay si ka duwan sidii hore. Ma bedeli karo wixii la soo dhaafay. Maanta ayaan noolaan karaa oo aan samayn karaa xulasho wanaagsan oo mustaqbalka ah," ayuu yiri Brian.

'Waxaani waa dhab'

"Waxaan u maleyn jirnay in dowladdu ay u adeegsaneyso in ay nagu mashquuliso, ayuu yiri Brian,".

Dhaqaatiirta iyo khubarada caafimaadka ayaa ka digay wararka xaqiiqda ka fog ee ku gadaaman fayraska karona oo ay ku tilmaamayaan in marin habaabinta bulshada ay ka dhalan karto arrin halis ah .

Inkastoo ay shirkadaha baraha bulshada sameyeen isku dayo ay wax uga qabanayaan macluumaadka khaladan iyo wararka been abuurka ah ee la xiriira fayraska karona haddana waxaa loogu baaqayaa in loo baahanyahay in bilaha soo socda ay sameyaan dadaalo dheeri ah oo arrimahaan wax looga qabanyo.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa BBC-da u sheegay sidaan: "Uma oggolaanayno waxyeeleynta wararka been abuurka ah barteena,intii u dhexeysay bilahii Abriil iyo Juun waxaan meesha ka saarnay in ka badan toddobo milyan oo ciwaan oo lagu baahiyay warar been abuur ah oo ku saabsanaa Covid-19', oo ay ku jiraan sheegashooyinka la xiriira daawooyinka beenta ah".