Miriam Menkin: Gabadha seynisyahka ah ee aragtay mucjisada taranka bani'aadanka

Xigashada Sawirka, Emmanuel Lafont
Mirriam Menkin waxay ahayd qofkii ugu horreysay ee ku guuleysta in ilmo ay ku dhashaan dhalo lagu shubay labo dhecaan oo la isku beeray, taas oo wax badan ka badeshay habka taranka ee adduunka, balse dad yar ayaa maanta magaceeda garanaya.
Bishii Febraayo ee sanadkii 1944 ilaa 1943, sheybaariste Mirriam Menkin waxaa ay soo jeeday habeenkii oo dhan, waxaana iyada iyo nin ay wada shaqeynayeen oo lagu magacaabo John Rock ujeedkoodu ahaa sidii xal loogu heli lahaa dadka madhaleyska ee aan ilmaha dhalin balse doonaya inay ubad helaan.
Waxaa ay sheybaarkii ay ka shaqeneysay isugu geyn jirtay shahwa laga soo qaaday qof rag ah iyo ugxaanta qof dumar ah.
Waxaa ay marwalba ku hanweyneyd in habkaasi uu ku dhasho ilmo.
Maalin walba, Mekina waxa ay eegi jirtay dhalooyinka carruurta, si ay u ogaato in wixii ay ku hawlaneyd ay hagaaeen iyo inkale, balse marar badan waxay aragtay shahwo hallowday iyo wixii oo sidii ay rabtay noqon waayay.
Maalin jimce ah markii ay kusoo laabatay shaqada sheybaarka, waxa ay aragtay wax mucjiso ah, waxayna ahayd ugxaantii oo isla falgalay, kaddibna u qeybsamay labo, taas oo keentay in qofkii ugu horeeyay ee bani'aadam adduunka uu ku dhasho dhalo oo uusan ku dhalanin caloosha ama ilma galeenka hooyada.
"Guul loo soo dhafray"

Xigashada Sawirka, Center for the History of Medicine, Harvard
Sanado kadib waxaa ay dib u gocotay wixii dhacay.
"Aad ayaan u daalay oo waan hurdeysnaa oo xitaa waxaan gaaray heer marka aan aan wax ku eegayo qalabka lagu baaro lagu fiiriyo waxyaabaha ili-maqabatada ah ee loo yaqaano Micrsoscope aan hilmaamo saacadda ilaa markii dambe aan ogaaday in waqtigii uu dhamaaday, si kale haddii aan u dhigo waa in aan qiraa in guusheydi ay timid kaddib lix sano oo aan ku guul dareystay arrintan, balse waa mar aan sidii bisaddii oo kale u gam'i jiray.
Mekina waxaa ay wax ka qortay 18 warbixin oo la xiriirta seyniska, kuwaas oo labo kamid ah ay ahaayeen kuwo taariikhi ah oo ay kamid tahay guushii ay gaartay, balse si lamid ah Rock oo ay soo wada shaqeyeen ma aysan noqonin qof caan ah oo la wada yaqaanno.
Margaret Marsh oo ah taariikh yahan katirsan jaamacadda Rutgers ayaa sheegtay in Menkin ay ahayd qof la dhihi karo way ka weyneyd in lagu tilmaamo ku xigeenka Dr John Rock.
"Rock run ahaantii wuxuu ahaa dhakhtar oo keliya balse Mekina waxay ahayd seynisyahan lahayd maskaxda dadka seynisyahanada ah, aaminsaneydna ahmiyadda ay leedahay nidaamka ama kala dambeynta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Noloshii hore
Miriam Friedman ay sanadkii 1900 ku dhalatay magaalada Riga ee caasimadda u ah dalka Latvia, haseyeeshee iyadoo ilma ah ayay qoyskooda u guureen dalka Mareykanka halkaas oo uu aabaheed ka ahaa dhakhtar.
Waxay lahayd mustaqbal wanaagsan, kadib markii shahaadada koowaad ay ka qaadatay jaamacadda Cornell, halkaas oo ay ka baratay taariikhda sanadkii 1922.
Sanadkii xigay waxa ay shahaadada labaad ee jamacaadda ka qaadatay jaamacadda Colombia, waxayna si kooban u baratay maadooyinka biology-ga iyo physics-ka.
Markii ay isku dayday inay ku biirto iskool laga barto dhakhtarnimada, waxa ay la kulantay caqabaddii koowaad oo ahayd inay soo diidaan labo kamid ah iskoolada lagu barto caafimmaadka, sababtuna waxaa loo maleynayaa inay tahay jinsigeeda.
Xilligaas iskoollo dhowr ah ayaa aqbali jiray in dumarka ay bartaan caafimmaadka.
Guurkeeda
Intaa wixii ka dambeeyay waxaa ay guursatay nin ay isku fasal ahaayeen xilli hore, kaas oo xilliga ay aqal galeen wax ka baranayay jaamacadda Harvard, laguna magacaabi jiray Valy Menkin.
Sidaas waxaa isku badelay magaceeda wuxuuna noqday Miriam Menkin. Waxay xogheyn u noqotay seygeeda oo xilligaas wax baranayay.
Iyadoo ka faaideysaneysa cilmiga ay u leedahay arrimaha sheybaarka ayaa seygeeda waxay ka caawin jirtay waxyaabaha uu u baahdo.
Haweeneydan oo la aaminsan yahay in caqabado badan ay kala kulantay guusha ay gaartay ayaa markii dambe waxaa ay is khilaafeen seygeeda oo xitaa u hanjabay.
Markii ay xaaladda ku xumaatay, waxa ay go'aansatay inay isaga tagto seygeeda oo wixii dhaqaalaha ahaa ee heysteen u diiday.
Waxa ay dib ugu laabatay magaalada Boston sanadkii 1950-kii iyadoo wadatay labo carruur ah oo ay dhashay oo lagu kala magacaabo Lucy iyo Gabriel.
Tijaabooyinka bacriminta Ugxaanta

Xigashada Sawirka, Center for the History of Medicine, Harvard
John Rock wuxuu soo caan baxay markii la gaaray guushii bacriminta ugxaanta bani'aadanka, isaga ayaana loo aqoonsaday inuu yahay ninka ku takhasusay arrimahaas iyo cilmi baaristooda.
Inkastoo ay Menkin ka hoos shaqeyneysay Rock, haddana fursad uma aysan helin inay qalabkiisa ku shaqeyso.
Haddii ay nasiib yeelan lahayd, Rock ayaa ka caawin lahaa shaqada ay ku howlaneyd ee ah inay hirgaliso bacriminta ugxaanta bani'aadanka ee jirka bannaankiisa ah.
Lix sano oo tijaabo ah
Dadaal dheer oo nasiino la'aan ah ayey u gashay inay guusheeda taariikhiga ah gaarto.
Waxaa ay tijaabo sameysay inkaban 138 jeer muddo lix sano gudahood ah, nasiib wanaag maalintii ay gaartay hadafkeeda ayay qeylisay, waxayna u yeertay dadkii kale ee kula sugnaa sheybaarka.
Guusha ay gaartay Menkin waxay horseedday waji cusub oo uu galay taranka bani'aadanka, taas oo ah in carruur lagu bacrimin karo meel ka baxsan jirka bani'aadanka.
Dib ugu laabashadii Boston

Xigashada Sawirka, Center for the History of Medicine, Harvard
Horaantii 1950-meeyadii, Menkin waxay dib ugu noqotay magaalada Boston si ay waxbarasho u geyso gabadheeda Lucy, oo qabtay xanuunka maskaxda uga dhaca carruurta, una baahneyd iskuul khaas ah oo loogu talagalay ardayda baahiyada gaarka ah leh.
Waxay mar kale dib ugu laabatay shey baarkii uu ku sugnaa Dr Rock - laakiin waxyaabo badan ayaa isbaddalay muddo 10 sano ah oo ay ka maqneyd.
Rock wuxuu sameystay sheybaar u khaas ah, ujeeddooyin kaligiis ku kooban oo caafimaad ayuuna ka lahaa.
--










