Aamina Mude: Aniga iyo ninkeyga Ben Kitili waan isku soo noqonay

Xigashada Sawirka, Amina Mude
Isbuuc ka hor waxaa baraha bulshada qabsaday kala tagooda, balse hadda dib ayay isugu soo laabteen Aamina Mudey iyo seygeeda Ben Kitili.
Ben Kitili oo ah weriya caan ka ah Kenya haystana diinta Masiixiga iyo Aamina Mudey oo Muslim ah ayaa arooskooda markii uu dhacaayay wuxuu qabsaday baraha bulshada, iyadoo dad badan ay taageera u muujiyeen halka kuwa badana ay ku gacan seyreen.
Kala toogada ayaa waxaa isbuucii la soo dhaafay barteeda Instgram ku shaacisay Aamina Kitili.
Maxaa hadda soo kordhay
Amina Mude ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Instgramka ku sheegtay in iyada iyo sayigeeda ay isku soo laabteen oo qoyskoodu dhisanyahay. Waxay sheegtay inay khalad ka gashay ninkeeda.
"Nolosha waxaa muhiim ah in qofka uu qiran kara khaladaadka uu galay. Gacaliye Ben, waxaan xasuusta markii aan arooska galeynay waxaad igu tiri, dhageyso Mulky, nolosha guurka ma fududa, waxaan markaas u haystay mid ka mid ah talooyinkaga aad mar walba isiin jirtay, balse todobaadkii hore waxa ii caddaaday inad saxsaneyd'' ayey tiri Aamina.
Waxay sheegtay inay u xanaaqsaneyd ninkeeda, sidaasi dardeedna ay qoraalkaas u soo qortay lagana fiicnaa inay sidaasi u dhaqanto.
"Hal mar oon xanaaqay ayaa igu kaliftay inaan waxaas qoro, dadka wax ku qora bogagga internet-kana si aan wanaagsaneyn ayey u baahiyeen,cashar ayaan ka bartay, xaas ahaan waxa la raba inaan ixtiraamo sayigeyga," ayay sii raacisay qoraalkan ay soo dhigtay barteeda Instgramka.

Xigashada Sawirka, Mpasho
Kala taga
Warbaahinta Kenya ayaa maalmo ka hor qortay in labadan lamaane ay kala tageen iyagoo soo xiganaya barta Instgram-ka ay ku leedahay Aamina Mudeey.
"Aniga iyo Ben waan kala 'tagnay', mustaqbalka waxa xiga ma ogi, laakiin waxaan ku faraxsanahay wakhtigii quruxda badnaa ee aan wada qaadannay, iyo ilmaha qurxda badan ee aan isku dhalnay.
Ben Kitili ayaa ila iyo haatan ka hadlin arrintan baraha bulshada qabsatay.
Bishii Nofembar ee sanadkii 2018, Soomaalida Kenya ayaa aad uga hadashay guurkan dhex maray weriyahan u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo Aamina.
Sannadihii la soo dhaafay Soomaalida waxaa la sheegaa in ay si tartiib ah u dhex galayeen mujtamacyada kale. Guurka Ben iyo Aaminana Soomaali badan ayaa tilmaamay inuu liddi ku ahaa dhaqanka iyo diinta.
Baraha bulshada ayaa aad loogaga sheekaysanayey guurka weriya Ben Kitili iyo Aamina Muudeey oo aqal galay ka dib markii ay muddo saaxiibbo ahaayeen, laba canugna ay isu dhaleen.
Waxay ku aqal galeen xaflad ay dad yar oo ah saaxiibadood iyo xubnaha qoysaskooda ka soo qayb galeen.
Mar ay Aamina ka jawaabeysa dareenka ah inaysan sax ahayn inay nin masiixi ah guursata iyadoo Muslim ah ayaa waxa ay tiri, "Waxba kama soo qaadina rrintaasi, waxa muhiim ah ayaa ah in Ben uu yahay nin wacan taas ayaana i qancisay".










